Markaan arkay qoraalka war- saxaafadeedka  ku qornaa Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii 1539 ee Axadii 09/09/2012,  oo ku  saabsanaa

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland oo

warqad aan sumad lahayn ku ammaanay Hay’adda Save the children,

waxaan xasuustay sheeko nin reer Burco ah oo xabbadi keentay

ahaa,,(xabbadi keentay waxaa la odhan jiray dadkii reer Somalilanderka

ahaa ee Qoxeeti ahaan ugu soo guryo noqday dhulkoodii hooyo, ka dib

markuu dagaal u dhexeeya Jabhadii Gobonimadoonka ahaa iyo isticmaarkii

ingiriiska ee Cadan magaalo madaxda koonfurta yamen), ninka  ay

sheekadu ku saabsantahay  wuxuu samaystay Makhaayad wax laga cuno,

taas oo  ku taalay  duleedka  saldhiga Booliiska,  Ninkaa xabadi

keentayga ah wuxuu maalin kasta arkaa dad lagu dakhray budh ama

bakoorad oo saldhiga booliiska lagu siiwado tiro ahaan 2 (labo) ama  4

(Afar) qof maalin walba wuxuu is waydiiyay tolow dadkan maxaa lagu

dilaa?!!. Isaga oo arintaa ka fikiraaya ayuu shaqada ka eryay inan

shaqaalaha cuntada dhigdhiga ka mid ah oo aad u dhaqan adkaa. Wuxuu ku

yidhi shaqada jooji, iska tag berina soo doono lacagtaad igu lahayd,

inankii intuu iska bixiyay dharkii uu ku shaqaynayay  ayuu soo

gashaday dharkiisii caadiga ahaa, wuxuuna gacanta  midig ku qabsaday

budh uu lahaa, isagoo markaa ka dib usoo  dhaqaaqay dhinaca maqalka ,

wuxuuna isaga oo cadho ka muuqato  ninkii makhaayadda lahaa ku yidhi

“nasii lacagta hadaad na eriday”!!,Adeer sowtaan ku idhi berri ii

kaalay ayuu ugu jawaabay ninkii makhaayada lahaa. Intuu miiska budhkii

ku dhuftay isaga oo cadho awgeed dibnihiisa iyo jidhkiisusa oo dhami

gariirayaan ayuu yidhi, “ma yeelayno ee maad nasiin”?!!. Ninkii

makhaayada lahaa ayaa yidhi “adeer bariba iska daa caawa igu soo noqo”

, waar na sii iyo budhkii oo uu madaxa kaga dhuftay baa ku xigtay.

Waxaa markiiba loo ka xeeyay dhinaca booliiska, waxaana la mariyay

wadadii dadka dakhran ee dhiigu ka da,aayo la marin jiray ee uu

layaabi jiray isagoo makhaayadiisa dhexdeeda fadhiya,  wuxuuna

maalintaa helay su,aashii uu iswaydiinaayay ee ahayd maxaa dadka lagu

dilaa ka dib markuu budhku ku dhacay ee uu sidaana ugu helay

jawaabtii uu mudada dheer is weydiinayay.

 

Waxaan ka tirsan ahay Qorayaasha manaahijta wasaaradda waxbarashada

Somaliland, waxaanu qornaa buugaagta ardaydu dhigato dugsiyada, waxaa

lacagta u xilsaaran in markaan shaqada dhamayno ee la  saxo bugaagta

in ay lacagta na siiso Hay’adda Save the children, buuga qoraalkiisa

waxaa ka hawlbadan bixinta lacagta oo ay save the children siday

doonto nagayeesho. Xafiiska Hay’addu waxay ku taal meel magaalada ka

baxsan, markaan tagno waanu ku hungownaa,waxay u dhaqantaa si ay iyadu

xukunto wasaaradda waxbarashada, taasi waxay niyad jab ku tahay

qorayaasha oo aad moodid in ay Hay’addu ugu talo gashay inay qaab

foolxun oo tahdiid ah ula dhaqanto. mushkiladu maaha intaa oo keliya

ee waxa jira mashaakil badan oo sababy inay qaar badan oo ahaa

qorayaasha iyo dadka hawshaa ka qaybqaataa u naceen shaqadaa oo ay uga

tageen markii ay arkeen sida ay masuuliyiinta Hay’adda Save the

children ula macaamilay qorayaasha iyo hawl-wadeenada bugaagta , isla

markaana ay masuuliyiinta wasaaraddu waxba ka qabanwaayeen tacadiga

iyo bahdilaada masuuliyiinta Hay’adda  Save the children ku hayaan

muwaadiniinta la wadaaga mashaariicda shaqo ee ay ka fuliso dalka ee

dhinaca waxbarshada oo ay dheertahay musuq-maasuq lagu sameeyo

mashaariicda dhinaca waxbarashada ee ay wadaan.

 

Aniga oo ka fikiraaya sobabta Save the children dhaqan xumadda ugu

wacan ayaan Jawaabta ka helay war saxaafadeedka Agaasimaha wasaaradda

waxbarashada isaga oo ahaa ciddii la xisaab tami lahaa, kuna qasbaan

lahayd Hay’addu inay fuliso waxa ay wasaaraddu doonayso iyo siday u

rabto, nasiib daro Hay’addu iyadaa ku amartaaglaysa wasaaradda

maahmaah soomaalia ayaa tidhaa laxwaliba halka shilalka ay is  dhigato

ayaa  lagu qalaa. sidaana waxa ka dhigan dhaqanka wasaaradda

waxbarshada iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo Hay’adda Seve

Children oo ah mid aan u qalmin in la amaano, balse u baahan in lala

xisaabtamo.qoraalka maqaaalkan kaga hadlayo waxyaabo badan oo la xidhiidha Hay’addaa laakiin hada waxaan ku dhaafayaa jawaabta aan ka helay war saxaafadeedka Afgaasimaha wixii kale dib ayaan u dhiganayaa.

 

By, Prof. Abdi Yusuf Mareekan (Abdi Folosi) abdi.yusuf@hotmail.co.uk> wrote:

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *