Salafi.jpgWadankasta oo aduunka ka jira waxaa udegsan nadaam ganacsi  iyo xeerar jidaynaya habka ganacsiga private ka  ama gaar ka looleeyahay Somaliland oo wali aduunka aan ka helin ictiraaf calamiya waxay leedahay nadaam ganacsi inkasta oo ay ka muuqato goldalooloyin badan hadana waxaa

 

jidaynaya Tasduurka Somaliland  kaasoo damanad qaadaya ganacsiga xortaa iyo  abuuritaanka illo dhaqaale oo ay muwaadiniintu yeeshaan  sidaynu ognahay  21 sano ee ay Somaliland jirtay waxaa si aada u koray ganacsiga gaar ka looleeyahay kaasoo soo jiitay maalgashiga caalamka  waxaana lagu tilmaama in ganacsiga gaarka looleyahay ee  Somaliland  ka horumar sana yahay wadamo badan oo Africa ka mida waxaana ka mida meelaha horumarka muuqda sameeyey shirkadaha isgaadhsiinta  oo waxbadan   lajaanqaaday Technology calamka taas oo door mihiima ka qadatay  horumarka wadanka taa macnaheedu maaha in la odhan karo wax kasta oo shirkaduhu soo kordhiyeen waa horumar balse waxaa jira khataro badan oo halis ku ah   nolasha  iyo caafimaadka  bulshada   hadii aan si degdega wax looga bedalin waxana ka midah Base Transceiver Station (BTS) ama biraha  Towarada dhaadheer ee telefonada kuwasoo aadku  arki karto meelaha bulshadu ku badan tahay  siday ugu teed san yihiin gaar ahaan xaafadaha iyo   goobaha waxbarashada sida Madarasadaha,Schoolada,Jamacadaha,Cusbitaalada  sida la ogyahay Tawarada isgaadhsiintu waxay leeyihiin awoodbadan oo ay wax ku gudbiyaan waxanay  sii daayaan radiation ama shoocac  khatarku ah nolasha  bina adamka kaas oo   sobaba xanuuno  badan oo aad udaran siday ay baadhitaanku ogaadeen dadbadan oo expert ku ah Cilmiga isgaadhsiinta iyada oo ay jirto badhitanno badan oo laga sameeyey khatarta Tawaradu u  leeyihiin dadka  waxaynu soo qadan doona daraso ay sameeyeen  khuboro    ka tirsan Jamacada University Southern California USA waxay baadhitaanka ku ogaadeen inay Tawaradani  ama (BTS) sobaban xanuunno ay ka mid yihiin  Madax xanuun( headache), Hurdo xumo (sleep disorder) xusuusta oo yaraata  (poor memory),  Khalkhal dhinac abateedkaa (appetite disturbance), Jahawareer (confusion) sidookale darasadan waxaa lagu daah furay in ay 3 laab uga khatar badan yihiin dadka ka agdhaw   Tawarada  ama ku nool mastafo u jirta  400 meter  inay qaadan  Cancel ku dhaca midhicirka (bowel cancel),ganac(pancreas cancel ),sanbabka(lung cancel),dhiiga(blood cancel ) iyo Cancelka dumarka nasaha kagaga dhaca (Breasts cancel).  sidaad arki karto waxaa khatar ugu jira xanuunada aad ka halista u ah  Allah haynaga hayee inay qaadan  dadbadan oo magaloyinka ka Somaliland ku nool.

Gebababdii waxaan dulucda maqalkaygan ku soo afmeerayaa baaq aan ujeedinayo xukumada Somaliland gaar ahaan wasarada caafimaadka  iyo shirkadah isgaadhsiinta

1)      Wasarada caafimaadku iyada ayaa shacabka ugu masuula daryeelka caafimaad iyo hubinta wax kasta oo khatar caafimaad ku keeni   kara bulshada ay xilka u hayaan waa inay baadhitaan ku sameeyaan khatarta ka jirta Tawarada loo dhigay sida bilaa xuduudaa.

2)      Shirkadaha isgaadhsiintaa waxaa waajibku ah inay utudhaan shacabkooda oo aanay eegin uun halkay shilinka ay ka kordhin karaan.

By: Abdirahman Olad rafiiq2@hotmail.com

Mahad oo dhan Allah iskaleh.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *