Markaan arkay qoraalka war- saxaafadeedka ku qornaa Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii 1539 ee Axadii 09/09/2012, oo ku saabsanaa
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland oo
warqad aan sumad lahayn ku ammaanay Hay’adda Save the children,
waxaan xasuustay sheeko nin reer Burco ah oo xabbadi keentay
ahaa,,(xabbadi keentay waxaa la odhan jiray dadkii reer Somalilanderka
ahaa ee Qoxeeti ahaan ugu soo guryo noqday dhulkoodii hooyo, ka dib
markuu dagaal u dhexeeya Jabhadii Gobonimadoonka ahaa iyo isticmaarkii
ingiriiska ee Cadan magaalo madaxda koonfurta yamen), ninka ay
sheekadu ku saabsantahay wuxuu samaystay Makhaayad wax laga cuno,
taas oo ku taalay duleedka saldhiga Booliiska, Ninkaa xabadi
keentayga ah wuxuu maalin kasta arkaa dad lagu dakhray budh ama
bakoorad oo saldhiga booliiska lagu siiwado tiro ahaan 2 (labo) ama 4
(Afar) qof maalin walba wuxuu is waydiiyay tolow dadkan maxaa lagu
dilaa?!!. Isaga oo arintaa ka fikiraaya ayuu shaqada ka eryay inan
shaqaalaha cuntada dhigdhiga ka mid ah oo aad u dhaqan adkaa. Wuxuu ku
yidhi shaqada jooji, iska tag berina soo doono lacagtaad igu lahayd,
inankii intuu iska bixiyay dharkii uu ku shaqaynayay ayuu soo
gashaday dharkiisii caadiga ahaa, wuxuuna gacanta midig ku qabsaday
budh uu lahaa, isagoo markaa ka dib usoo dhaqaaqay dhinaca maqalka ,
wuxuuna isaga oo cadho ka muuqato ninkii makhaayadda lahaa ku yidhi
“nasii lacagta hadaad na eriday”!!,Adeer sowtaan ku idhi berri ii
kaalay ayuu ugu jawaabay ninkii makhaayada lahaa. Intuu miiska budhkii
ku dhuftay isaga oo cadho awgeed dibnihiisa iyo jidhkiisusa oo dhami
gariirayaan ayuu yidhi, “ma yeelayno ee maad nasiin”?!!. Ninkii
makhaayada lahaa ayaa yidhi “adeer bariba iska daa caawa igu soo noqo”
, waar na sii iyo budhkii oo uu madaxa kaga dhuftay baa ku xigtay.
Waxaa markiiba loo ka xeeyay dhinaca booliiska, waxaana la mariyay
wadadii dadka dakhran ee dhiigu ka da,aayo la marin jiray ee uu
layaabi jiray isagoo makhaayadiisa dhexdeeda fadhiya, wuxuuna
maalintaa helay su,aashii uu iswaydiinaayay ee ahayd maxaa dadka lagu
dilaa ka dib markuu budhku ku dhacay ee uu sidaana ugu helay
jawaabtii uu mudada dheer is weydiinayay.
Waxaan ka tirsan ahay Qorayaasha manaahijta wasaaradda waxbarashada
Somaliland, waxaanu qornaa buugaagta ardaydu dhigato dugsiyada, waxaa
lacagta u xilsaaran in markaan shaqada dhamayno ee la saxo bugaagta
in ay lacagta na siiso Hay’adda Save the children, buuga qoraalkiisa
waxaa ka hawlbadan bixinta lacagta oo ay save the children siday
doonto nagayeesho. Xafiiska Hay’addu waxay ku taal meel magaalada ka
baxsan, markaan tagno waanu ku hungownaa,waxay u dhaqantaa si ay iyadu
xukunto wasaaradda waxbarashada, taasi waxay niyad jab ku tahay
qorayaasha oo aad moodid in ay Hay’addu ugu talo gashay inay qaab
foolxun oo tahdiid ah ula dhaqanto. mushkiladu maaha intaa oo keliya
ee waxa jira mashaakil badan oo sababy inay qaar badan oo ahaa
qorayaasha iyo dadka hawshaa ka qaybqaataa u naceen shaqadaa oo ay uga
tageen markii ay arkeen sida ay masuuliyiinta Hay’adda Save the
children ula macaamilay qorayaasha iyo hawl-wadeenada bugaagta , isla
markaana ay masuuliyiinta wasaaraddu waxba ka qabanwaayeen tacadiga
iyo bahdilaada masuuliyiinta Hay’adda Save the children ku hayaan
muwaadiniinta la wadaaga mashaariicda shaqo ee ay ka fuliso dalka ee
dhinaca waxbarshada oo ay dheertahay musuq-maasuq lagu sameeyo
mashaariicda dhinaca waxbarashada ee ay wadaan.
Aniga oo ka fikiraaya sobabta Save the children dhaqan xumadda ugu
wacan ayaan Jawaabta ka helay war saxaafadeedka Agaasimaha wasaaradda
waxbarashada isaga oo ahaa ciddii la xisaab tami lahaa, kuna qasbaan
lahayd Hay’addu inay fuliso waxa ay wasaaraddu doonayso iyo siday u
rabto, nasiib daro Hay’addu iyadaa ku amartaaglaysa wasaaradda
maahmaah soomaalia ayaa tidhaa laxwaliba halka shilalka ay is dhigato
ayaa lagu qalaa. sidaana waxa ka dhigan dhaqanka wasaaradda
waxbarshada iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo Hay’adda Seve
Children oo ah mid aan u qalmin in la amaano, balse u baahan in lala
xisaabtamo.qoraalka maqaaalkan kaga hadlayo waxyaabo badan oo la xidhiidha Hay’addaa laakiin hada waxaan ku dhaafayaa jawaabta aan ka helay war saxaafadeedka Afgaasimaha wixii kale dib ayaan u dhiganayaa.
By, Prof. Abdi Yusuf Mareekan (Abdi Folosi) abdi.yusuf@hotmail.co.uk> wrote: