-
Published On: Sun, Oct 21st, 2012

Warqad furan oo ku socota Wasiirka Qorshaynta iyo lacagta lagu soo rogayo qurbajooga. By: Dhaqaalayahan: Abdi Ali Jama.

Smiley face
Share This
Tags

Salaan ka bacdi, waxa aan holladay qalinka si aan waxooga talooyin iyo iftiimin ah uga soo jeediyo qorshaha qurba jooga  laga rabo in ay bixiyaan lacag yar oo dheeraad ah,  markasta oo ay xawaalad soo dirayaan. Qorshahaas wuxu u baahan yahay in laga baaraandego oo

aynu lafagurno sida uu u hirgalayo iyo saamaynta taban,  ama toggan ee uu ku yeelanayo dhinacyada uu khuseeyo.

Waxa jira saddex dhinac oo aasaas u ah hirgalinta mashruucan, kuwaas oo ah xawaaladdaha, dawladda iyo muwaadiniinta lacagta bixinaya.  Anigu waxan qabaa in arrintani ay tahay fikrad qurux badan,  laakiin gidaarka waaqaca madaxa ku dhufan doonta marka la is yidhaa fuliya. Bal aan mid mid u soo qaadanno saddexda dhinac ee mashruucani taabanayo.

Dawladda:

Haddiiba qurbajoogu u hogaansamo mashruucan,  dawladdu ma laha awood farsamo oo ay ku xisaabin karto lacagta ay qubojoogu soo dhigeen. Tani waxay la mid tahay cashuurta iibka ee lagu soo rogay illaa hoteelada cuntada taasoo wasaaradda maaliyaduu aanay haysan farsamo iyo hannaan ay kula xisaabtanto meheradaha, taasina waxay keentaa in qofkii muwaadinka ahaa laga qaado lacagtii, isla markaana aanay lacagtaasi wada gaadhin qasnadda dawladda. Taasina waxay ka dhigan tahay tiiyoo meheradaha loo fasaxay in ay baadhtaan jeebadaha muwadiniiinta marka horeba ka dakhli  hooseeyay kuwa meheradaha leh ee ladan (negative impact on income distribution)

Shirkadaha xawaaladdaha.

Dhinaca labaad ee arrintani khusayso waa xawaaladdaha, kuwaas oo dawladda u qabanaya lacagta. Way adkaan doontaa in ay ina siiyaan macluumaad sax ah oo lagu oggaado lacagtii la soo diray, waayo waxay ka baqanayaan in la oggaado xaddiga  lacagta ay soo xawilaan,  taasoo sidaynu ognahay immikaba dawladdu dhibaato kala kulanto inay oggaato tirada lacagta dhabta ah ee ay soo xawilaan xawaaladduhu,  si looga qaado cashuurta loo yaqaan cashurrta daqliga(income tax). Haddii ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta ay dawladda usoo direen qurba joogu marka mashruucani hirgalo, waxay ka baqanayaan in aynu xisaabin karno lacagta guud ee ay soo xawileen dabdeedna ay halkaa ku dhammato dhibaatadii kala haysatay iyaga iyo wasaaradda maaliyadda.  Haddii boqol dollar oo kasta qofka qurba jooga ahi soo raaciyo hal dollar oo kaliya, oo aynu ogaano  wadarta lacagtaas, waxa si sahlan loo xisaabin karaa lacagta guud ahaan xawaaladduhu soo xawileen. 

Shirkadaha xawaaladduhuna ma aha kuwo aan intaa fahmayn,  sidaa darteed waxan qabaa in aanay xaggooda ka suuragalayn in ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta qaadhaanka ah ee lasoo diray. Haddii ay sidaasi dhacdana, waxay noqonaysaa in aynu  iyaga marti uga noqonno inta lacag qurbo- joogu dawladda u soo direen, si la mid ah sidii awalba  wasaaradda maaliyaddu ugu qasbanayd in ay la xaajooto xawaaladdaha si ay uga qaaddo cashuurta.

Muwaadiniinta.

Ugu danbayntii dhinaca saddexaad ee mashruucani  khuseeyo waa muwaadinka taas oo arrintani ku  keenayso saamayn aan fiincayn oo caddaalad darro ku ah muwadiniinta lacagta soo diraya,  maadaama lacagtu ay ka imanayso dad u badan danyar oo qurbaha  jooga,  isla markaana ay ku dhacayso shirkado xawaaladdo oo marka horeba ladnaa,  ama si kale haddii aynu u dhigno,  maadaama lacagtu ka imanayso dad fara badan oo baahsan,  isla markaana ay ku soo dhacayso  gacmo tiro yar oo ah mulkilayaasha xawaaladaha taasi waxay keenaysaa in la sii kala fogaynayso  xagga qeybsiga dakhliga(inequality gets worse by the project).  Bal ka warran haddii aniga immika qof kasta oo muwaadin ahi ii soo diro hal dollar, saw daqiiqad ku  taajiri maayo!!!! Waxaba aan soo jeedin lahaa inta aynu wan weyn subag ku shubayno, in aynu isla qaadanno mashruuc aynu maalinba muwaadin inaga mid ah aynu taajirino; aan waliba codsigayga raacsadee, aniga ha la  iigu horreysiiyo sacadutul wasiir!!!!!!!!!!

Sidaa darteed waxan ku soo koobayaa talo aan la ruuggin waa lagu rafaadaa,  ee aynu isaga nimaadno marka hawlaha ceynkaas oo kale ah la galayo, waayo ma aha dadka aan xilka haynin in ay u fekeraan in laga xiggo talada waddanka, kuwa talada hayaana ay is xigsiiyaan talada. Waxan qabaa in arrin walba cidda u ehelka ah ee aqoonta la bidayo ay isaga yimaaddaan oo ay lafaguraan inta aan laga dhigin sharci ku soo baxa amar dawladeed oo aan markaas waxba laga odhan Karin

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>