Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigaynka Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  ka qayb galay munaasibad loogu baroor diiqayay Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo 1 Oct 2012 ku geeriyooday

 

dalka Norwey, isla markaana todobaadkii hore lagu aasay Hargeysa.
Munaasibada baroordiiqda ah oo shalay lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magalada Hargaysa, waxa sidoo kale ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Wakiilka Somaliland ee Wadanka Norwey, Xubno ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalkaa iyo Marti sharaf kale.

Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay munaasibadaa ayaa ku dheeraadii Shakhsiyada iyo taariikhdii   Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo uu ku sifeeyay halyay qaran oo qayb libaax  ka soo qaatay halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta wadanka, dhismihii taabo gelinta Nabadgalyo cago adag ku taagan, dhismaha nidaamka dawladnimo ee ay Somaliland ku naaloonayso, hirgelinta  nidaamka dimuqraadiyada ay Somaliland raacday iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay Somaliland  ku talaabsatay iyo waxbarshadaba.

Madaxweyne ku xigaynka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici), oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in rabi ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), inuu ahaa shakhsi aan si fudud lagu iloobi Karin,  isla markaana taariikhda baal dahab ah ka galay.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu Marxuumka Eebe uga baryay inuu naxariistiisa balaadhan ugu deeqo qoyskii iyo Guud ahaan ummada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo. munaasibadaa waxa kale oo hadalo ka jeediyay shaqsiyaad kale oo ka waramay taariikhdii marxuumka iyo waayihii iyo duruufihii halganka ee dalka loo soo maray oo uu kaalin muuqata ku lahaa. sidoo kalena marxuum Abwaan Gaariye uu kaalin mugleh ka qaatay intii uu noolaa dib u dhiska dalka Somaliland, waxayna Illaahay uga baryayeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumkaa oo noloshiisa iyo naftiisa u haneeyay bulshadiisa,dalkiisa iyo dadkiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *