Hargeysa(ANN)Haweenay maamusha  Xarunta Xanaanaynta iyo jiifka Caruurta ee Xaafadda Maxamed Mooge oo ku taal Koonfurta  magaalada Hargeysa oo lagu magcaabo Marwo Luul Xasan Mataan ayaa ugu baaqday Ganacsatada, Qurbajooga bulshada kele ee

 

Somaliland iyo Hay’adda Samafalka ee ku sugan dalka inay caawiyaan caruurta ku xaraysan xarunta darbi jiifka Xarunta xaafadda Maxamed Moogge, Munaasibadda ciidda carafa ee inagu soo fool leh awgeed.

Marwo Luul Xasan Mataan oo Farriin baaq ah bulshada u marisay warbaahinta, waxa ay tilmaamtay in Caruur boqol kor u dhaafaya oo ku jira xaruntaasi u baahan yihiin in laga farxiyo Munaasibadahan oo kale khaasatan Ciiddal-Udxaha oo ay maalmo koobani inaga xigto. Maadaama oo aanay jirin il dhaqaale oo si gaar ah xaruntaasi  ugu tiirsan tahay, marka laga reebo taageero ay bulshada qaarkeed mar mar u fidiso. sidaa awgeed  waxay  ku baaqday in bulshadu ay si wada jir ah uga qayb qaadato, ka farxinta caruurta ee maalintaa iyo guud ahaan ka war haynta noloshooda iyo xanaanayntooda.

Xarunta derbi jiifka ee xaafadda Maxamed Moogge ee Koonfurta Magaalada Hargeysa waxa la aasaasay sanadkii ina dhaafay,  iyadoo kooxdii u horeysay ee caruurta lagu xareeyey xaruntaa laga soo ururiyey qaybaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo gabdho u baahan taageero iyo daryeel. 

Marwo Luul oo maamusha xarunta waxa ay farriinteeda ku xustay baaq ay u kala dirayso jaalliyadaha dalka dibadiisa ku sugan oo ay sheegtay in ay yihiin kuwa mar kasta ka qayb qaata daryeelka carruurtaa, kuwaas oo ay ugu baaqday inaanay ka daalin caawimada ubadka nugul ee dalkooda, maadaama oo ay yihiin  kuwo xanaanayntoodu xil innaga saaran yahay mar walba.

Sidoo kale oo Marwo Luul waxay baaq u dirtay shirkaddaha kala duwan ee ganacsiga iyo hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee dalka ku sugan oo ay ugu baaqday inay caruurtaa soo caawiyaan, isla markaana ay farxada munaasibada ciidda ula qaybsadaan bulshada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *