Mudane Madaxweyne waan ku salaamayaa,waxaan jeclaystay inaan hawada kuu soo mario qoraalkan kooban oo ah mid xasusin tilmaameed ah, waxaan ku xasuusinayaa inaad soo magacawdo jagada banaan ee

 

uu ka cudurtaartay sheekhii aad u magacawday Hay’adda SAKADA  Qaranka,  waayo waa howl aad u muhiima oo u baahan in dadweynaha loo qabto, waxaan ku xasuusinayaa in baahidii aad markii hore kugu dhalisay ay weli meesha taalo oo aad loo tabayo,waxaanay inaga gufayn lahayd baahida xad dhaafka ah ee bulshada danyarta ahi tabayso. adoo aad raali iiga ah waxaan kugu buurinayaa in aad cid ka soo bixi karta aad hawshaasi u magacawdo,
waxaan kugu garab taaganahay hanaanka aad u hagayso siyaasada dalkeena, ilaahayna waxaan kaaga baryeynaa inuu kugu garab galo.dhawaaqyada baxaya ee kala duwan ee ku wajahan xukuumadaada curdinka ah inta saxda ahna ka qaata inta aan wadin wax sax ah ama aan nasteex ahayna halkooda ku dhaafa.
waxaan ku soo gunaanadaynaa in bishiiba hal mar ummada aad kala hadasho warbaahinta si dadkeenu u ogaadaan kolba halka wax socdaan.mar kasta ummada u sheeg inay cibaadada Alle la yimaadaan adna taasi waxa kuugu jirta ajar iyo inaad ka baxsato su,aasha alle ku waydiin doono.
Muwaadin Ckariim Claahi Xaashi, Muwaadin Axmed Maxamed Kabadhe.Muwaadin Siciid Yuusuf Claahi Hargaysa

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *