Masuuliyiinta Maamul Gobeleedka Garoowe ee Soomaaliya ayaa caado ka dhigtay in waxaan jirin ay ka faafiyaan Somaliland waxana u dembeeyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulkaasi C/Jalaal Cismaan Maxamed oo idaacaddaBBC-da ka sheegay arrimo dhawr ah oo aflagaado u badan

oo qaawan, kana fog lahjadda iyo anshaxa siyaasadaba  sida in Somaliland ka masayrsan tahay nabadda iyo horumarka uu sheegtay in ay gaadheen iyo in Somaliland ku daboolayso dhibaatooyin gudahooda ka taagan arrinta diyaaraddii  saanada Millateri u sidday maamulkooda ee lagu qabtay sida kediska ah Madaarka Hargeisa taasoo uu ku tilmaamay masuulkaasi been ay Somaliland u sheegeysay Caalamka iyo shacbigeeda iyo in ay kooxo Al-shabaab ah oo ay dagaalameen u soo baxsadeen dhinaca JSL.

Horta mas’uulka ay ka soo yeedheen hadalladan iyo kuwa kaloo ka sii liita oo aan ku fadhiyin wax xaqaa’iq ah iyo amaanta tirada badan ee uu ku faanayba waa mid sida dharaarta u muuqata oo Caalamku kala yaqaan,  taariikhdana ku cad. Somaliland iyada ayaa u manhaj ah oo uu Maamul Goboleedka Garoowe ka bartay Somaliland kana bartaa ilaa maantadaa la joogo manhajka siyaasada, waxana ka mid ah Axdi Qarameedkii, ee ay Somaliland ku dabaqeen dhismihii u horreeyey ee maamulkooda  sameynta Dastuurka iyo haatan oo ay hiigsanayaan Maamulka Garoowe inay mar uun sameeyaan mid u eeg doorashooyinkii dimuqraadiga ahaa ee ka hirgalay Somaliland ee ugu danbeeysay doorashadii Madaxtooyada ee sidii ay u dhacday iyo sidii xilka loola kala wareegay, tusaale u ah maanta Caalamku u soo qaatana kow ka tahay, iyadoo isla markaana lagu hambalyeeyey JSL waxa ay kaligood qabsadeen oo ay nabadda iyo xasiloonidu ugu horreyso.

Waxaan filayaa in taariikhda Somaliland aanu hayn mas’uulkaasi, waayo hadduu hayo ulama badheedheen aflagaadooyinka ah in Somaliland ka maseyrsan tahay nabadda iyo horumarkooda, haddaba hadduu moog yahay oo aan xasuusiyo weligeed Somaliland waxa ay ka shaqayn jirtay siday mar uun Maamulka Jaarkooda ahi nabadi uga dhici lahayd waxana tusaale ahaan usoo qaadanaynaa sidii ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland uga hawlgaleen inay nabad ka dhex dhaliyaan Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf waqtigii uu dagaalka hubaysani ku dhex-maray gudaha Puntland iyo sidii laga yeelay Cadde Muuse markay usoo firxadeen Somaliland iyagoo waliba hubeysan iyo sidii loo soo dhaweeyey, isla markaana looga shaqeeyey in gacanta la isku saaro labadii dhinac ee aanay dib danbe xabbadi u dhex sanqadhin.

Sidaasi darteed waxanu mas’uulka amniga u qaabilsan ee Maamulka Garoowe su’aalaynaa oo waxaas oo wanaag ah iyo naf hurid ah ee muddada dhawrka bilood ah aanay ka seexan reer Somaliland shacbi iyo dawladba,  ma idinka inaad ku tilmaamtaan kuwa ka masayrsan nabadda iyo horumarka aad sheegatay, mise inaad u abaalgudo? Somaliland gudaheeda wax xumo ah oo ka jiraa ma jiraan, haday jiraan iyadaa dhammeysanaysa, horena u dhammeysan jirtay, Garoowana meel ugama bannaana.

Ta kale ee labaad waxay tahay, Somaliland heerka ay ka taagan tahay la dagaalanka argagixisada waa mid uu ogyahay Caalamku,  Maamulka Garoowana markhaati ugama baahna Somaliland, duniduna maanta waa xaafad oo wax u kala qarsooni ma jiraan waana layska wada war hayaa cidii nabad wada, cidii dhufeyska u ah argagixisada iyo cidii hub urursi Calooshood u shaqaystayaal ku mashquulsan  khal khal geliya meelaha nabadda iyo xasiloonidu ka jirto ee mandaqadda Geeska Afrika.

Mar walba waxay Somaliland diyaar u tahay una ahayd inay ka shaqayso sidii nabadi uga dhallan lahayd dhammaan mandaqadda Geeska Afrika, iyo sidii kuwa dariska la  ah ugu wada noolaan lahaayeen nabadgelyo, taas ayaa kow ka ah siyaasada Somaliland u dhaqanka ah, mana wanaagsana in maanta uu Maamulka Garoowe ka galgasho ceebta dhabta u saaran ee dunida ka war hayso ee ay kula galeen heshiiska shirkadda “Saarcen” ee ay Somaliland bannaanka usoo dhigtay beesha Caalamka, waxyaabaha ay ku hawlan yihiin ee hubeynta Maamulka Garoowe ka mid tahay, mana ahayn inay ka cadhoodeen kuna aflagaadeeyeen JSL waajibaadkii Qaran ee waxa la gudboon inay u dhego nuglaadaan qaraarada Caalamiga ee Somaaliya lagaga xakameeyey in hub la soo geliyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *