Bishii ina dhaaftay waxaa Somaaliland (SL) si aad ah looga hadal hayay heshiiska dhexmaray Sarecen iyo Waqooyi-Bari Somalia (WBS), khatarta SL kaga iman karta iyo sidii wax looga qaban lahaa. Waxase layaab leh in qorshe Somaliland ku leh mid la mid ah khatarta heshiiska

dhexmaray Sarecen iyo WBS uu isla xilliga arrinta heshiiskani ina saaqday ka socday Djibouti – waa shir ay soo qabanqaabisay qolo la magac-baxday HESPI, IGAD-na ayna ku lug lahayd.

Maqaalkan oo hadii Rabbi idmo ka koobnaan doona saddex qormo waxaan ku eegi doonnaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

(a) xidhiidhka ka dhexeeya heshiiska Sarecen iyo shirka HESPI qabanqaabisay; (b) siday ku dhacday in reer SL ay shirqoolkii WBS iyo Sarecen u rogaan, ilaa xaad, guul diblomaasiyeed iyo mid siyaasadeedba oo SL u soo hoyotay; (c) dhanka kale, maxay reer SL u hoos martay oo ay u ilduufeen khatarta ka soo wajahan shirka HESPI dabada ka riixaysay, oo waliba dadki ka qayb galay ay SL ku soo noqdeen, taasoo ka dhigan iyadoo calooshood-u-shaqaystayaasha Sarecen loo oggolaaday inay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland soo galaan?

Sidaaad maqaalka ku arki doontaan marka laga yimaad sheekada Sarecen, WBS ama Majeereeniya sida dadka qaarkii u yaqaanaan – waxa kalooy lug wayn ku lahayd qorsha ay HESPI ka waday Djibouti iyo kuwa kale oo badan ooynaan maanta ka hadli doonin oo maamulladii kala dambeeyay ee soo mara WBS kula walaalo ahaayeen niman iyo ururro SL si la xaad leh uga soo horjeeda.

Markaas, malaha waxa habboon in hor iyo horeysaba si degdeg ah oo kooban aan isu xasuusinno waxa arrimaha SL nacaybka ah dadka ka soo jeeda WBS qoobka ugu xidhay. Intiina aan ogayn Majeerteeniya waxa lagu aasaasay laba mabda’ – (i) in geed dheer iyo geed gaabanbanba reer Majeerteeniay u fuulaan sidii loo fashilin lahaa in SL noqoto qaran madaxbannaan iyo (ii) in ay isticmaalaan tab iyo xeelad kasta oo “Ilma Hurdaaye” (Hawiye) ka horistaagi karta inay noqdaan awaadda ugu xoogga roon Soomaaliya, waa Somalia Italiana. Ha u qaadan in labadan arimood reer WBS ay xaasidnimo oo keliyi ku kellfitay – nasiib-darrose arrintu xaasidnimo way ka qotodheer tahay.

Qorshayaashani waxay Majeerteeniya ka dhigeen meel ay foodsaaro ka dhigtaan cidkastoo neceb SL ama Soomaaliya ama labadaba.

Aan isku koobno uun qodobka (i), oo ah ta SL sida tooska ah u khusaysa wakhtigan taagan. Dadka (idheergaradka ama wax garadka) ku dhaqan ama kasoo jeeda WBS waxay laf iyo dhuuxa ka aaminsan yihiin in SL oo qaran madaxbannaan noqotaa ay gebi ahaanba tirtiri doonto nufuudda (saamaynta/talada) ay dadka WBS ku dhex leeyihiin arrinka ummadda afka Soomaaliga ku hadlasha, isla markaana aakhirka geyaysiin doonto inay Soomaaliya ka noqdaan muwaaddaniin darajada labaada ah. Si kale haddaan u dhigno arrinkoodu wuxuu yahay “badhaadhaha SL waa baa ba’ayga, burburka SL waa badbaadadayda”. Waa taas sababta Maamul-goboleedka WBS intii u jirayba ugu xusul duubanaa in aanay SL noqon waddan jira.

Si reer Majeerteeniya hadafkooda ku waajahan SL u “rumeeyaan” waxay qoondaysteen istaratejiyad ku salaysan laba qorshe. Inta aynaan tibaaxin waxay yihiin labadan qorshe. Waxa laga yaabaa in qaarkiin iswaydiiyaan kol haddii colaada reer Majeerteeniya u haayaan SL intaa gaadhsiisantahay maxay SL u eeganaysaa cadawgan ee ay u liciifin amaba burburin wayday? Jawaabta oo koobani waxay tahay wakhtigan xaadirka wax dan ah oo SL ugu jirta burburinta amaba liciifinta Mamul-goboleedka Majeerteeniya haba yaratee ma jirto.

Aan ku soo noqdee, labadooda istaratejiyadood waxay kala yihiin: (ia) waata kowaade, inay qas joogta ah ka wadaan xuduudaha bari ee SL iyo (ib) waa tallabaade, inay u hawlgalaan sidii ay maqaamka siyaasadee ee SL hoos ugu dhigi lahaayeen midlamida kooda, dawlad goboleed.

Sidaan hore u soo sheegnay, (intii ay jirtayba) Majeerteeniya labadan qorshe midna keli kuma ahayn: had iyo goor waxa jiray dad qof qof ah, ururo, hay’addo, iyo waliba waddamo dano gaar ah oo kala duwan leh oo si toosa ama dadban damaca Majeerteeniya ugu taageerayey. Siday doontaba ha ahaatee, imaatinka Sarecen wuxuu ahaa xeel xukuumadda Faroole ku damacsan tahay inay dhagax keliya ku disho laba shibrood. Hadday u suurtowdo wuxuu Faroole doonayo in isagoo adeegsanaysa calooshooda u shaqystayaasha uu khayraad kala soo baxo gobollada bari ee SL; isla dhanka kalena inuu qoorta isugu sudho calooshooda ushaqaystayaasha iyo SL gobolladan, taas, oo dabcan, si qurux badan u fullin karta hadafkii beeshiisa iyo inta Sl-diidka ah – waa qorshe (ia).

Shirkii HESPI ay qabanqaabisay ee badhtamihii Disember 2010 ka dhacay Djibouti wuxuu ka mid yahay shirar muddo kusiman laba ilaa saddex sanno si hadoodilan loo qabanayay si aanay ummadda reer SL uga sasin. Sida aynu arki doono waxa shirkan iyo kuwii ka horreeyay ay si qayaxan ugu tooggo quminayeen qorshaha labaad, (ib), ee Majeerteeniya (iyo intii dhowr iyo tobankii sanno ee ina dhaafayba kula safnayd qorshahaas hirgalintiisa).

Qormada labaad waxaynu insha Allah jawaab kooban ka bixin doonaa su’aasha ah “(b) siday ku dhacday in reer SL ay shirqoolkii WBS iyo Sarecen u rogaan, ilaa xaad, guul diblomaasiyeed iyo mid siyaasadeedba oo SL u soo hoyta?”

Waxa kale oon si kooban ugu bidhaamin doonaa sida ay dhirbaaxo xun ugu wada noqotay xidhiidh saddex-geesood ah, laakiinse si aad ah u mulaaqan oo u dhexeeya qolada la magaic-baxday “SSC” Mamul-gobaleedka WBS iyo tabamdaranta TFG, haddii Eebbe idmona qormada saddexaadna waxaynu isku dayi doonaa inaan jawaabo u helno su’aasha ahayd “…(c) dhanka kale maxay reer SL u hoosmartay oo ay uga ilduufeen khatarta ka soo wajahan shirka HESPI dabada ka riixaysay oo walibana dadkii ka qayb galay ay SL ku soo noqdaan? – taasoo dabcan ka dhigan iyadoo calooshooda u shaqaystayaashii Sarecen loo oggolaaday inay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland soo galaan?” Waxaynu wax ka tibaaxi doonaa halka laga yaabo in laynooga soo dhacay. La soco…..Q.2aad Jimcaha Danbe 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *