Mudane Madaxweyne waan ku salaamayaa,waxaan jeclaystay inaan hawada kuu soo mario qoraalkan kooban oo ah mid xasusin tilmaameed ah, waxaan ku xasuusinayaa inaad soo magacawdo jagada banaan ee
uu ka cudurtaartay sheekhii aad u magacawday Hay’adda SAKADA Qaranka, waayo waa howl aad u muhiima oo u baahan in dadweynaha loo qabto, waxaan ku xasuusinayaa in baahidii aad markii hore kugu dhalisay ay weli meesha taalo oo aad loo tabayo,waxaanay inaga gufayn lahayd baahida xad dhaafka ah ee bulshada danyarta ahi tabayso. adoo aad raali iiga ah waxaan kugu buurinayaa in aad cid ka soo bixi karta aad hawshaasi u magacawdo,
waxaan kugu garab taaganahay hanaanka aad u hagayso siyaasada dalkeena, ilaahayna waxaan kaaga baryeynaa inuu kugu garab galo.dhawaaqyada baxaya ee kala duwan ee ku wajahan xukuumadaada curdinka ah inta saxda ahna ka qaata inta aan wadin wax sax ah ama aan nasteex ahayna halkooda ku dhaafa.
waxaan ku soo gunaanadaynaa in bishiiba hal mar ummada aad kala hadasho warbaahinta si dadkeenu u ogaadaan kolba halka wax socdaan.mar kasta ummada u sheeg inay cibaadada Alle la yimaadaan adna taasi waxa kuugu jirta ajar iyo inaad ka baxsato su,aasha alle ku waydiin doono.
Muwaadin Ckariim Claahi Xaashi, Muwaadin Axmed Maxamed Kabadhe.Muwaadin Siciid Yuusuf Claahi Hargaysa