Hargeysa(ANN)La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arimaha dhalinyarada Cabdi Najax Siyaad Cabdi ayaa caawa hadal uu ka jeediyay kulan  balaadhan oo Saleebaan Xaglo-toosiye la yeeshay ardayda jaamacadaha Somaliland kaga jira Sool iyo Buuhoodle oo lagu qabtay Scandanivian Hotel ee

Magaalada Hargeysa, kaga hadlay go’aanka uu qaatay Xaglo-toosiye.
Xafaladan oo lagu soo dhaweynayay Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xagle toosiye),  Isla markaana ay soo abaabuleen urur ay leeyihiin Ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka ee gobolada Sool iyo Buuhoodle oo lagu magacaabo Eastern Youth Organization. waxa kala qayb galay hogaanka sare ee Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, xildhibaano , masuliyiin ka socota hayadaha kala duwan ee dawlada iyo marti sharaf kale.
La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Dhinaca Dhalinyarada Cabdi najx siyaad Aw cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu horayn mahadnaqay Wafdiga hogaamiyaha nabada ee gobolada ee Dr.Saleebaan Xagla toosiye ,isagoo ku bogaadiyay go,aanka geesinamada ah ee ay qaateen taas oo la taliyuhu xusay inay talabadaasu ahayd mid geesinimo oo loo baahnaa,isagoo la taliyuhu Arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Walalayaal sida aynu dhamaanteed ka wada markhaati nahay xukuumada jamhuuriyada Somaliland ee uu hormoodka ka yahay madaxweyne axmed Maxmed maxmuud (Siilaanyo) waxa ka go,an in khilaaf kasta lagu xaliyo wada hadal iyo is faham , waxanan idiin sheegayaa in aan madaxwenaha Somaliland aanu hore ugu ugu gudbinay qorshe tabantaabo iyo taakulaba u ah nabadaynta kuna wajahan dhalinyarada Gobolada Bari maadaama oo ay yihiin dhalinyaradu kuwa uu markasta dagaalka iyo colaaduba sida gaarka u saameeyo noloshooda iyo mustaqbalkoodaba.”
la taliyaha wuxuu soo qaatay tuduc maanseed ka turjumaya qiimaha ay aadamiga ugu fadhido nabadu iyo dhibaatada ay colaadu u leedahay “Sow nabadu Sahaydaada ood sidato uun maaha sow godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha.”
“Waxa iyana wax lagu faano ah inuu yahay nin dhalinyaro ah Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla toosiye) oo door muhiim ah ka ciyaaray Arrimahan Nabadaynta gobolada Bari Gaar ahaan deegaanka Buuhoodle ,”ayuu yidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyaraddu.
Gabagabadii wuxuu la taliyuhu u mahadnaqay ururka Dhalinyarada ee Eastern Organizition ee soo qaban qaabiyay kulankan iyo dalada dhalinyarada ee (sonyo) oo iyagana uu ku sifeeyay dalad heegan u ah dhiiri gelinta iyo horumarinta dhalinyarada waxanu sheegay in ay ka go,an tahay inay qayb libaax iyo kaalin mug leh ay ka qaadan doonaan hirgelinta,horumarka iyo nabadaynta dhalinyarada ee Guud ahaan Dhalinyarada Somaliland Gaar ahaana dhalinyarada Gobolada bari ee ay colaadu saamaysay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *