Wargeys madaxbannaan, waa wargeys kasta oo ka madaxbanaan dhaqaale meel kale ka soo gala oo isku filan. Wargeyska Madaxbannaan, wuxuu u madaxbannaan yahay oo keliya, daymadiisa siduu u sifayn lahaa ama u soo bandhigi lahaa. Intaa wiixii ka dambeeyaa, wuxuu aad ugu dadaalaa, sidii

 

uu u badin lahaa xorriyada dadweynaha iyo aragtiyadooda. Dhinaca kale, wuxuu aad ugu dadaalaa, sidii uu markasta ugu haqab tiri lahaa wararka ka qarsoon iyo kuwa cusub.

Wargeyska madaxbannaan, si uu u ilaashado madaxbannaanidiisa oo u ilaashado dadweynihiisa, xoogga wuxuu saaraa, xaqaa’iqa jira iyo kuwa qarsoon in uu si caddaalad ah u soo gudbiyo isaga oo waxna ku kordhin kana dhimmin. Sidoo kale, wuxuu aad u ilaaliyaa dhexdhexaadnimada, iyo Caddaaladda.

Goormay Aad u shaqaysaa Saxaafadda Madaxbannaani? In kasta oo looga baahanyahay markasta Saxaafadda madaxabannaan in ay aad u shaqayso, haddana baahida ugu weyn ee looga baahan yahay in ay aad dadweynaha ugu shaqayso waa marka Mucaarid iyo Axsaab aanay jirin. Waxa loogu magac daray Saxaafadda, marka Mucaarid jirin Watch Dog. Sababta loogu bixiyay Watch Dog, waxa loogu talo galay sida Eyga ugu qayliyo uguna ilaaliyo tuugga xarumaha uu ilaaliyo. Ka daran in uu u ilaaliyo masuuliyiinta aan toosnayn. In uu suxufigu iftiimiyo, meelaha madmadowgu ku badan yihiin, iyo meelaha kale ee la midka ah.

Marka se Axsaabi ay jiraan, waxa looga baahan yahay Saxaafadda madaxabannaan xoog in ay saarto dhinaca arrimaha Bulshada in ay aad uga hadasho iyo in ay isku daydo sidii ay u noqon lahayd muraayad qof kasta ka dhex arko Mawduuc xiiso geliya yar iyo weyn. Dhinaca kale, waxay samaynaysaa barnaamijyo cusub oo daraasado iyio xogo la soo ururiyay ka dibna dadweynaha loo soo bandhiggo Barnaamijyada raad goobka, oo xaqaa’iqa xambaarsan iyo kuwo kale oo la sii ogaado lagana hortago way ka qiime badan yihiin kuwa maalin laha ah. Sidoo kale, waxa looga baahan yahay, wargeyska, arrin kasta oo dhacda in aanu ka hadhin ilaa meel ay ku dhammaato, oo aanu xaalkiisu noqon maalin ku dirir iyo xaalad ku dirir.

M. M. Kastam

E-mail: mmkastan@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *