21 Sanno ayey bulshada somaliland ku qaadatay inay wali is waydiin waayaan Su’aasha ah Qaranimo Waa Maxay, Dawladise Waa maxay? Oo Ay Ekayd in jawaabta loo Helo Maalintaynu Go’aansannay lasoo noqoshada Madaxbanaanida Qarankan Somaliland,  Sabab kasta ha inoo dhaafto inaynu

naaqishno oo Jawaabta Saxda ah u helno su’shaa?.  Laakiin  waxaynu Kabaha u illanay Dawlidnimo iyo nidaam Maamul oo ka kooban Lixeda gobal ee Somaliland, Waana Ta ilaa maanta aynu dabada hayno oo aynu  kusoo dhaafnay Caqabado badan oo aad u adkaa inta badanna taladu ka go’aysay Hogaanka loo caleemo saaray hagidda maamulka dawladda aynu Dhidibada ugu taagnay lasoo noqoshadii qaranimada Somaliland ee lagaga dhawaaqay Burco 18 May 1991, Mahaddaa ilaahbaa leh iyo Hogaan Dhaqameedka gunitiga dhiisha isaga dhigay inay saxar ka ilaaliyaan dawladaas curdinka ah ee ka dhaxaysa qarankan oo ka kooban Bulsho wada degan deegaan xuduud mucayin ah leh, kuwaas oo dib u yagleelay oo boodhka uga tumay qaranimadoodii luntay 1960. Kadib midawgii Soomaaliweyn ee aan la mahadin, balse halgan qadhaadh oo dhiig badani ku daatay dib loogu soo celiyay.
Qaranimada iyo nidaamka dawliga ah ee Somaliland, waxa bilaw u ahaa Marxalad  ay Beeluhu doortaan hogaanka,  iyadoo turun-turooyin baddan kadib aynu  kusoo dhacnay nidaamka ah in Shacabka loo soo celiyo doorkooda ah dhisme dawlad dimiqraadi ah oo ay iyagu u dhiibaan hogaanka hadba cidda ay u arkaan inay kasoo baxayso baahiyaadka bulsho iyo horumarka qaranimada somaliland.
Halkaa Markaynu rarkii ku wareejinay Nidaamkaa Cusub Ayaa waxa Sida dayaxa usoo Mudhay alif hore aynu usoo dhaafnay inuu haatan oo Aynu albaqra kow nidhi iskeen hor taagay,  Waxan Taa uga Jeeda. Sideebuu shacabku u dooran karaa hogaanka saxda ah? Maxayse Tahay baahida keentay inay dadku doortaan dawladda?, Baahiyaadka  Aasaasiga  ah ee  ka dhaxeeya bulsho waynta ku dhaqan mandaqad sheegatay inay Madaxbanaanyihiin oo ay yihiiin qaran Magac u gaar ah leh, isla markaana xuduudo mucayin ah leh,  ayaa waxa dadku si siman isula qaataan waxa ka dhaxeeya oo ah inay helaan adeegyadii u suurta  galin lahaa nolosha (Nabadgelyo,  Cunno, Hoy, Hu, Caafimaad, waxbarasho IWM) inay Si guud u wada raadsadaan si ay u noqdaan bulsho si habsami ah u wadata nolosha aadamuhu u baahanyahay, Taasoo ay ku gaadhi karaan shacab caafimaad qaba oo leh aqoontii ay ku raadsan lahaayeen danoohada ka dhaxeeya. Hadaan u soo noqdo somaliland Wali Intaynu isu nimi islamanynaan garan haba u yaraatee hal dan guud ah oo aynu u baahanahay inaynu si wada jir ah u  qabsano, taas oo ah dan si wadajir ah inoo wada saamaysa oo u baahan inaynu si siman oo wada jir ah u waajahno .
Inagoo ka shidaal qaadanayna  Xaqiiqda ah inaynu beer darraynay talaabadaas oo inagu ridi lahayd tubta qaran dhamaystiran iyo talo wadaag ka baxsan ta ku salaysan qabyaaladda aynu hoyga iyo hugaba ka dhiganay,  isla markaana aynu u adeegsanno kali ah wixii dumin ah. Waxa markhaati ma doon ah inaynu hadhsanayno hadh dawladnimo oo macnaha dawlidi leedahay aynaan wali ka run sheegin sababta oo ah barbaarinti hore oo dhabaha ay soo martay yahay mid aan ka iman rabitaan shacab oo dan guud hogaaminayso. Waxa taas daliil u ah
Waxa bulshadu u turjumatay ama macnaha aynu siinay dawladnimada oo ah in shacabku isu arko shaqaalaha xukuumadda, xukuumadduna waydo la xisaabtankii shacabka samaystay maamulkan. Taasi oo keentay inaynu daa’imno ku dhaqanka qodobadan

•         Itijaah la’aanta hay’’addaha  dawladda ( Institutional Vision & Mission)
•         Dhaqaale xumada
•         Waxbarasho la’aanta
•         Daahsanaanta shuruucda qaranka
•         Kusii adkaanta qabyaaladda
•         Mucaaridnimada dumin ah
Dhamaan qodobadaas iyo sida ugu haboon ee aynu ku dabar jari karno  oo aynu ka hadli doono ayaan kusoo qaadan doonaa mawduucan oo taxane inoo ahaan doonaa haddii allaha awooda lihi inoo ogolaado. La soco…..
Wa Bilaahi Tawfiiq
Mohamed Ahmed Obolos
ACCA
Hargiesa Somaliiland
E-mail oboloss@hotmail.co.uk

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *