Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:.3pt; mso-para-margin-bottom:6.0pt; mso-para-margin-left:0in; text-align:justify; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:”Times New Roman”; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:Arial; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Wax aan khayr ahayn Turkigu kama dooni karo Soomaaliya, waayo waa ummad Islaam ah oo weliba taariikh dheer oo qurux badan ku leh soo yaalka Islaamka. Waxaan og nahay in laga soo bilaabo qaybsashadii Afrika 1884tii gaaladii gumaysiga ahayd uu xidhiidh iyaga iyo shacabka Islaamka

ah ee Soomaaliyeed ka dhexeeyey, kaas oo  isla beddelayey hadba xaaladda lagu jiro ilaa iyo maantana ay gaaladu faraha kula jiraan xaaladda gaarka ah ee Soomaaliya. sida la wada og yahay Turkigu in badan ayuu geed sare iyo geed hooseba u fuulay in uu ka mid noqdo midawga Yurub oo hadda ku dambeeya fashal. Markii uu arkay in loogu diiddan yahay muslimnimada ayuu qaatay hindise ah oo maad mar kale ka dib burburkii ku dhacay dawladdii Islaamka ahayd ee ay iyagu hogaamin jireen abaabushid midawga Islaamka. Waana arrin aad khayr u ah aniguna qof ahaan waa ku bogaadinayaa.
Sida uu rasuulku na faray wuxuu noo sheegay in qofka Islaamka aad in uu wanaag wado ka dhigtid si kasta oo uu kuula qalloocan yahay ama aad uga shakisan tahay. Sidaas darteed marna anigu uma arko in ummad Islaam ahi ay dhibaato la dooni karto ummad kale oo Islaam ah.
Turkigu meel aad u qiimo badan ayuu ummadda Islaamka ah ee Soomaalida uga soo baxay waayihii ay abaaruhu haysteen. Wuxuuna cunto iyo daawo gaadhsiiyey dhulka ay Shabaabtu gacanta ku hayso. Waxaana markaas cadawga ummadda Soomaaliyeed bahdiisa gaalada kula dhex meeraysanayey in dhulka ay Shabaabtu xukunto xoog lagu geeyo gargaarka, taas oo ay doonayeen in ay dadkaas ku xasuuqaan meelaha ay joogaan oo ay ku haysteen nabad. Arinkaas wuxuu fashilay markii ay Turkigu Shabaabtii dhex tageen ee ay cunto iyo daayo u qaybiyeen dadkii ay abaaruhu hayeen. Waxayna caddeeyeen in ay nabad iyo maamul wanaagsani ka jiro, taas ayaa dhulka ku dhufatay qorshii ay gaalada cadawga u ah Soomaalidu wadatay.
Waxaan la soconnaa in Turkigu ay Soomaaliya ka wadaan hawlo ay shacabka walaalahood ee Islaamka ah ay ugu hiilinayaan. Waxayna hadda gobolada Soomaaliya oo dhan ka wadaan dhismayaal cisbataallo, dugsiyo, jidad, koronto iyo biyo gelin. Waana dhammaan adeeg ay iska lee dahay bulshadu oo ay ahayd in ay dawladi haddii ay jirto qabato. Dawlad ku sheegta maanta jirtaana waa argagixiso la dagaalan waxayna ku wajahan tahay in ay Shabaabta la dagaalamaan oo keliya. Marka haddii uu Turkigu u soo gurmado walaalahooda Islaamka ah waxna u qabto isaga oo Alle la kaashanaya maxaa lagu eedaynayaa.
Waxaan aad uga xumahay in ay shabaabtu cambaarayn u soo jeediso ummaddii keliya ahayd ee Islaam ahayd ee u soo hiilisay walaalahooda kale ee Soomaalida ah. Marka wixii ay Shabaab eedayso ma xaq baa wixii ay amaantaana ma xaq baa? Maya sida ay wax u wadaanna waa si aad manhajka Islaamka uga soo hor jeedda. Sababaha soo socda awgeed:
Waa urur gaar uga talo goostay dadkii Islaamka ahaa oo dhan ee Soomaaliyeed, waayo maanta ma jirto talona kama dhexayso shucuubt Islaamka. Haddii la rabo in Islaamku isku talo yeesho waa in marka hore la mideeyo lana baabi’iyo dawladaha jira oo la sameeyo hal dawlo oo Islaam ah sida uu Turkigu doonayo.
Talada culumada Soomaaliyeedna kuma midaysna maamulka Shabaabta sidaas darteed xaq uma laha in ay dadka xoog ku xukumaan. Dhaqankii rasuulka csw laga dhaxlayna ma aha in dad Islaam ah kooxi inta ay xoog ku qasato ay dhahdo habka Islaamka aannu u rabno nala qaata iyada oo laga yaabo in ay qaldan yihiin.
Sidaas darteed ayay eedayntoodu waxay noqonaysaa mid aan ku salaysnayn wax sharciyad ah, haddii aanay lahayn annaga Shabaab ah ayaa Soomaaliya xoog ku haysanna cid kale oo nagu soo fara gelin kartaana ma jirto.
Eedaynta ay Shabaabtu u soo jeedisay dawladda Turkiga waxaan u arkaa in ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn ayna ka dhex muuqato hunguri doonimo ay doonayaan in Turkigu waxyaabaha ay wadaan ay geeyaan dhulka ay Shabaabtu ka taliso, intaas oo keliya ayaa ku kalliftay Shabaabtu in ay dawladda Turkiga u soo jeediyaan eedayn. Eedaynta noocaas salka ku haysaana waa la hubaa in aanay waxba ka jirin. In dad sheeganaya Islaamnimo ay muslim iyo gaal toona ku eedeeyaan dembi aanay lahaynna waa arrin diinta Islaamka aad loogaga hadlay oo ah masabid iyo ka been sheegid xaqa jira. Waxaan soo xusayaa aayadda hoos ku minguursan oo ka hadlaysa in ruux ama ummad la saaro dembi aanay lahayni ka mid tahay

وَمَنْ يَكْسِبْ خَطِيئَةً أَوْ إِثْمًا ثُمَّ يَرْمِ بِهِ بَرِيئًا فَقَدِ احْتَمَلَ بُهْتَانًا وَإِثْمًا مُبِينًا(النساء 112).
dembiyada lagu cadaabta muto ee waaweyn ayna sida rasuulku sheegay ka xun tahay xanta.
Shabaabtu waxay masabideen ummadda Islaamka ah gaar ahaan Turkiga oo si islaamnimo ah ugu soo gurmaday walaalahooda Soomaaliyeed ee Islaamka ah. Sidaas darteed arrinkaasi waa arrin shaydaan ee maxaa ku kallifay Shabaabtu in ay si xaq darro ah u eedeeyaan dad aan ka galabsan waa dhaqamada lagu yaqaan dadka aan islaamka ahayn.

Waxaan ugu baaqayaa shabaabtu in ay arrinkaas ka toobad keenaan Turkigana weydiistaan cafis haddii ay yihiin dad Islaam ah waayo waxay ku jiraan dembi cad oo aan gabasho lahayn. Mu’aamaradaha noocaas ah waxaa ka dambeeya oo sidaas kula taliyey waa kuwa ka midka ah qabaa’ilka kale ee aan Soomaalida ahayn ama ka midka ahayn shacabka Soomaaliyeed, kana soo jeeda qabaa’ilka kale sida Aljeeriya, Baakistaan iyo wixii la mid ah.

DADKA IN AY IYAGA DHULKA AY KA TALIYAAN WAX LA KEENO U EEDAYNAYA DADKA MUSLIMIINTA AH WAA ARRIN AAN KA MID AHAYN MANHAJKA ALLE BALSE AY SHABAABTU SAMEEYEEN. TAAS AYAA CADDAYNAYSA IN AANAY SHABAABTU KU SOCON MANHAJKA ALLE IYO SUNNADII RASUULKA TOONA.
Marba haddii ay ku fekereen in ay dad saaraan dembi aanay lahayn waa dad qatar ah xumaan nooc kasta oo ay tahayna ka suurtawdo, sidaas darteed waa in ummaddu ay meel uga soo wada jeestaan.

G/le Sare Omer Suleiman Ali.                    09/02/2012

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *