Walaalyaal meel aad joogtaanbba waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka, Asalamu calaykum waraxmAtu laahi wabarakaatu. Rabbigeen tabaaraka watacalaa,wuxuu in badan Quraanka Kariimka ah ku bayaamiyey in ummaaduu isku naxariisato,isku gar gaarto ,  walaaloowdo, kana fogaato
is khilaafka,kala fogaanshaha,Qabyaaladda iyo wax kasta oo Ilaahay agtiisa aan qiimo ka lahayn.

Sida aad ka war haysaan,kana wada dharagsan tihiin,baahi aad u ballaadhan ayaa ka jirta degaanka,bulshaduna waxay baahi badan u qabtaa dhammaan adeegyada aasaasiga ah,  ee ay noloshu u baahan tahay, sida Biyaha ,Caafimaadka, waxbarashada,iwm….Allaha awoodda leh ka sokow ,kuwa looga baahann yahay inay gacan ka geystaanna ,waa Qurba joogga degaanka, ee dunida daafaheeda ku kala sugan.

Waa waajib saaran qof kasta oo degaanka ka soo jeeda,kana damqanaynaya dhawaaqaa dheer ee innaga
soo gaadhaya walaalaheen.Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan haweenka,dhallinyarada,aqoon yahanka,
waayeelka & cid kasta oo samo falkaa gacan ka gaysanaysa,inay meel ay joogaanbba
wada tashi iyo talo iskugu yimaadaan,magaalo kasta iyo Dal walbba oo ay ku sugan yihiinbba,
dhexdoodana ka doortaan wakiilka Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation.
Waxaa hubaal ah ,in haddii danta guud loo midoobo,loo saro kaco,in wax badan degaanka laga qaban karo,ummadana wax la tari karo…Waxaan Allaha awoodda leh ka baryaynaa inuu dhammaanteen wanaagga inna garan siiyo,kheyr & xasanaadna innoogu badalo , Dalkeena & degaankeenana  Rabbi ka yeelo , degal Nabad iyo Caano ku waara,aamiin.

Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation
Guddoomiye,Eng. Mohamed Ali Muse
TogwajaaleFoundation@Gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *