Gaalada ayaa mar ay ka tashanayeen sidii dadka muslimiinta ah loo gaalayn lahaa isku af garatay in xagga dhaqanka laga galo iyada oo dhaqanka gaalnimada loo qurxinayo si aynu u gaalaynno. Waxaad mooddaa in gaaladu garteen in ay diintu tahay dhaqanka ummadda laakiin ay dadka Islaamka

ahi garan in dhaqanku yahay diinta runta ah. Wuxuuna Alle arrinkaas noogu sheegay aayadda 76 suuradda Yuusuf.
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76).
Waxayna aayaddu ka hadlaysaa in sharcigu dhigayey in ruuxii dembi gala isaga mooyee cid kale loo qabsan. Sidaas ayay diintu u noqotay sharciga ay ummadi ku dhaqanto, dhaqanka ummadina wuxuu ka tolmaa diinta ay haystaan.
Marka ay gaaladu ku tashadeen in dadka la dhaqan rogo waa in diinta laga beddelo. Markii ay gaaladu soo gashay Soomaaliya 1897kii ummadda dhaqankeedu wuxuu ahaa mid ku salaysan diinta Islaamka. Waxaynu dhaqan roganay markii la ogolaaday gumaysi gaal ah oo aan nagu dhaqan ahayn, sidaasna waxaa Alle noogu caddeeyey aayaddan hoos ku xusan:
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا لَا تَتَّخِذُوا بِطَانَةً مِنْ دُونِكُمْ لَا يَأْلُونَكُمْ خَبَالًا وَدُّوا مَا عَنِتُّمْ قَدْ بَدَتِ الْبَغْضَاءُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ وَمَا تُخْفِي صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ إِنْ كُنْتُمْ تَعْقِلُونَ(آل عمران 118).
Waxay aayaddani noo sheegaysaa in aynaan hoosta soo gashan kuwo aan nagu diin ama dhaqan ahayn oo aan biyo u kabbanayn habeen iyo maalinna ku fooggan kana daalayn danta keliya ee ay idiinku soo dhowaanayaanna ay tahay in ay diintiinna qarribaan ama idin dhaqan xumeeyaan.
Marka markii aynu ogolaanay gumaysi gaalo ah oo aan nagu dhaqan iyo diin ahayn ayaynu gefnay iyagana u suurto gashay in ay in badan oo dhaqankii Islaamka ee sharafka badnaa ay ku beddelaan dhaqan gaalnimo leh.
Aayaddan kalena wuxuu Alle cwj si cad noogu sheegayaa in haddii ay idiin raacaan jahaad taas oo ah haddii ay idinka mid noqdaan oo idin soo dhex galaan dhibaato aan jirin in ay idinka dhex abuuraan iyo diintiinna oo ay dhamaan kama tegayaan.
لَوْ خَرَجُوا فِيكُمْ مَا زَادُوكُمْ إِلَّا خَبَالًا وَلَأَوْضَعُوا خِلَالَكُمْ يَبْغُونَكُمُ الْفِتْنَةَ وَفِيكُمْ سَمَّاعُونَ لَهُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ(التوبة 47).
Diintii waxaa lagu beddelay dastuur sheekaduna meeshaas ayay ku xidhantay wax walbana xag nololeed, cimilo iyo amni intaba waxaa ku dhacay is beddel baaxad weyn, ilaa iyo haddana meel aanay daawadiisu jirin ayaa dadkii oo dhammi u wada dareereen oo ay ka baadhayaan dawadiisii. Daawadiisuna waa in gaalada la iska dhex saaro xoog ay maanta lee yihiinna looga cabsan hase yeeshee Alle laga cabsado waayo isaga ayaa ka cadaab daran.
Waxaan idin xasuusinayaa hadalkii ay saaxiriintii Fircoon ku dheheen Fircoon markii uu ku dhahay lug iyo gacan isweydaar ah ayaan idinka jarayaa markaas ayaan geed jirid weyn idinku tiqraarayaa ayay ugu jawaabeen sida ku cad aayaddan hoos ku xusan Fircoonow nagama saari kartid caddaymaha sugan ee Alle naga soo gaadhay ee waxaad doonto samee wuxuu xukunkaagu ku eg yahay nolosha adduunka oo keliya eh.
قَالُوا لَنْ نُؤْثِرَكَ عَلَى مَا جَاءَنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالَّذِي فَطَرَنَا فَاقْضِ مَا أَنْتَ قَاضٍ إِنَّمَا تَقْضِي هَذِهِ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا(طه 72). 
Marka iyaga oo diiddan in cadaabka iyo ciqaabka ay gaaladu marinayso iyo iyaga oo gaalada ka quud darraynaya in ay u roonaadaan haddii ay waxa ay wataan ka yeelaan awgeed ayaa in badan oo Islaam ahi ogolaadeen in ay ka tagaan diintii xumaha oo dhan ka hufnayd ee Islaamka.
Dhaqamada diin la’aanta ah hoggaaminaya waxaa ka mid ah.
Dastuur yeelasho – dastuurku waa nidaam guud oo ay ummadi samaysato si ay iskula dhaqmaan, sidaas darteed wuxuu beddelayaa diintii Islaamka, wuxuuna markaas noqonayaa diin cusub oo dadku samaystay. Ilaahna wuxuu noo sheegay ciddaa aan diinta Islaamka isku xukumini waa gaalo.
إِنَّا أَنْزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِنْ كِتَابِ اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ فَلَا تَخْشَوُا النَّاسَ وَاخْشَوْنِ وَلَا تَشْتَرُوا بِآيَاتِي ثَمَنًا قَلِيلًا وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ(المائدة 44).
Marka bal ka warrama dad Islaam sheeganayo oo dastuur lagu gaaloobayo ku dhaqmaya. Marka dadkaasi sow raalli kuma ah gaalnimada. Dadka gaalnimo doonaya lama qasbi karo ee ha loo dhaafo laakiin iyaguna dadka Islaamnimo doonka ah ma aha in ay ku qasbaan dhaqan gaalnimo laga dhaxlayo.
Xisbiyo siyaasadeed tiro badan – waxay noo sheegayaan in xisbiyada badani tahay cadaalad, waxaan lee yahay ma aha ee waa gaalnimo cad, waayo waa talo ka soo jeedda gaalo u ah cadaw Islaamka, Allena noo sheegay in aanay waxba ka qaadan. Xisbiyada faraha badani waa hab la doonayo in fursad loo siiyo in ruux waliba madaxnimada dalku u faran tahay. Marka waxaa is weydiin leh ruux waliba xaq ma u lee yahay in uu noqdo dadka madax u noqdo? Waxaan lee yahay maya, waayo ruuxa xun ee oo ah ruuxa aan iimaanka lahayn madax lagama dhigan karo, waana arrin ka hor imanaya diinta Islaamka.
Dimoqaraadiyada – dimoqaraadiyadu waa in dadku isagu is xukumo, diinta Islaamkuna waxay lee dahay xukun oo dhan Alle ayaa iska leh.
ثُمَّ أَنْزَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ بَعْدِ الْغَمِّ أَمَنَةً نُعَاسًا يَغْشَى طَائِفَةً مِنْكُمْ وَطَائِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ إِلَى مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ(آل عمران 154).
Sida ku cad aayaddan talada oo dhan Alel ayaa iska leh ruux walibana meeshii uu Alle dhigay ayuu dhigan yahay cid ka beddeli kartaana ma jirto. Marka kuwa leh dimoqaraadiyo ayaan doonaynaa waxaan u arkaa in ay ula jeedaan gaalnimo ayaanu doonaynaa. Kuwa ku faanaya gaalada noo timid waxay na barayaan dimoqaraadiyada waxaan u arkaa in ay lee yihiin waxaa noo yimid wafdi gaalo ah oo na bara sida loo gaaloobo.
Waxyaabaha diin la’aanta ah ama gaalnimada ah ee aynu gaalada ka dhaxalnay waa fara badan yihiin halkanna kuma soo wada koobi karo. Haddiise ay jiraan dad xiisanaya maqaallo kale ayaan ku soo dhammaystiri doonaa insha’Allaah.

GUNAANADKA.
Waxaan dadka Islaamka ah u sheegayaa in ay ka waantoobaan waxyaabaha lagu gaaloobayo, sidaas darteedna wax kasta oo ay arkaan inta aanay qaadan ama diidin waa in ay ku beegaan kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka.
أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ(المائدة 50).
Walaalayaal sida xukunka maadiga ah aynaan wax awood ah ugu lahayn in aynu wax ka beddelno nidaamka Alle u dejiyey ayaynaa xukunka dadkana ugu lahayn. Haddii aynu isku dayno in aynu Alle ka tallaabsanno oo aynu isku xukunno sharci gaalnimo salka ku haya waxaa dhalanaya cadaabaha hadda ummadda haysta iyo kuwo aakhiro oo ka sii daran.

Ex-G/le Sare Omer Suleiman Ali                    5/02/2012

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *