Hargeysa (ANN) Shirweynihii ugu ballaadhnaa tan iyo intii Somaliland jirtay ee lagu falanqeeyo hannaanka caddaaladda dalka, ayaa shalay ka furmay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaas oo dib-u-eegis iyo dib-u-habayn lagu samayn doono caddaaladda dalka oo lagu tilmaamay

inay marayso heerkii ugu hoosaysay.
Shirweynahan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, isla markaana ay qaybgalayaan hay’adaha garsoorka sida maxkamaddaha, guddiga Caddaaladda, Booliska, Wasaaradda Caddaaladda, Xeer-ilaalinta, qareennada, Guddiyada Shuruucda ee Golayaasha Baarlamanka, aqoonyahanada jaamacadaha ee sharciga, qareenno, ururradii xuquuqal insaanka, culimaa’udiinka, madax haqameed, haya’daha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee la shaqeeya, ayaa waxa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Somalilabd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Muddada shirweynahani socdo waxa qorshaysan in lagaga wadahadlo ajande qodobadiisa ay ka mid yihiin, geedi-socodka iyo waxyaabaha laga qabtay iyo horumarka iyo dib-u-hagaajinta caddaaladda, si loo helo madaxbannaanida iyo la xisaabtanka garsoorka, si loo dhiso kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka caddaaladda, horumarinta waxbarasho ee aqonta iyo xirfadda sharciyaqaanka si la xidhiidha nidaamka caddaaladda, shaqaalaha caddaaladda iyo heerka aqoonta iyo xirfadda sharci iyo dib-u-habaynta nidaamka shuruucda iyo sidii loo midayn lahaa wada shaqaynta sharciga, xeerarka dhaqanka iyo shareecada.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad uu shirweynaha ka jeediyey waxa kaga hadlay caddaaladda dalka, taas oo ka qiiraysiisay dadweynaha kadib markii uu qiray boogaha caddaalad-darro ee dalka ragaadiyey oo isaga laftiisu ku tilmaamay layaab iyo kuwa uu qaadan kariwaayey.
Waxa kale oo Madaxweynuhu tilmaamay qorshayaasha maamulkiisu u dejiyey horumarinta iyo hagaajinta caddaaladda dalka.
Khudbadda Madaxweynuhu ka jeediyey shirweynaha ee uu kaga hadlay caddaaladda, waxa iyadoo dhammaystiran ay u qornayd sidan;
“Mudanayaal iyo Marwooyin; Garsoorka iyo Caddaaladdu waa laf-dhabarta nolosha ummadda iyo dawladnnimada wanaagsan, waana udub-dhaxaadka diinteena, haddii ay qalloocdaanna wax waliba way innaga qalloocanayaan.
Ø Inkasta oo aan hubo inay hawl-wadeenada garsoorka iyo caddaaladdu ku soo shaqeeyeen duruufo adag, isla markaana ay kaalin adag ka soo qaateen dhismaha dawladnimada Somaliland, haddana waxa aan la qarin karin, saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado, sida aan xogta ku hayana waxa uu u baahan yahay gurmad aqooneed iyo garasho xirfadeed, waana ta keentay inaan shirkan ku baaqo.
Mudanayaal iyo marwooyin, anigoo maanka ku haya in ay caddaaladdu tahay waxa ugu mudan ee ay ummadu naga sugayso wax ka qabashadeeda, muddadii yarayd ee aanu xilka haynay, si aan xogogaal ugu noqdo xaaladda dhabta ah ee garsoorka iyo cabashada dadweynaha, waxaan kulamo kala duwan la yeeshay Guddida Caddaaladda Qaranka iyo madaxda hay’adaha ee ku hawlan garsoorka iyo cadaaladda, waxaannan ka dhagaystay warbixino mug leh oo ay kasoo ururiyeen dalkoo dhan. Haday tahay Maxkamadaha, Booliska iyo haday tahay xabsiyada intaba, taa waxa garab socday baadhitaan iyo deraasad uu sameeyey xafiiskaygu taasoo ay ku soo diyaariyeen caqabadaha garsoorka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan caddaalad.
Warbixintaas waxa ka soo baxday xog layaab leh oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay caddaalad-darro intaa leegi ka jirto Somaliland gudaheeda.
Ø Haddaba Shir-hawleedkani waxa uu bilow u yahay siyaasad aqoon ku fadhida oo ay xukuumadaydu doonayso inay wax kaga qabato qabyada iyo goldoloolada garsoorka iyo caddaaladda.
Ø Mudanayaal iyo marwooyin, bahdii garsoorka iyo caddaaladda cidi uma maqna oo waa dhan tihiin, waxa fadhiya Guddiyada Shuruucda ee Baarlamanka, Garsoorayaashii Maxakamadaha Gobollada iyo Degmooyinka, Garsoorayaashii Maxakadaha Rafcaanka, Maxakamaddii Sare iyo Xeer-ilaalintii Gobollada dalka, aqoonyahanadii jaamacadaha ee sharciga, qareenadii, ururradii xuquuqal insaanka, culimaa’udiinka, Booliskii, Asluubtii, hoggaan dhaqameedkii, haya’daha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee la shaqeeya.
Ø Shirkan waxa hortaala su’aal culus oo ah inaad deristaan meelaha ay garsoorka iyo caddaaladda dalku ka qaloocanyihiin, kana talisaan sidii loo toosin lahaa loona heli lahaa xal rasmi ah oo lagaga bogsado, haddii ay noqon lahayd dhismaha haya’daha garsoorka iyo caddaaladda, haddii ay tahay qabyada ka jirta xeerarka, dhaqanka garsoorka iyo maxakamadaha, qiimaynta garsoorka iyo garsooraha iyo nolosha xabsiyada.
Ø Waxa muhiim ah in la helo nidaam horumarsan oo lagula xisaabtamo adeegayaasha sharciga sida; garsoorayaasha, xeer-ilaalinta, Booliska, Asluubta, nootaayooyinka iyo cid kasta oo hawshaa bulshada u haysa. Nidaamkaasi waa inuu si cad u tilmaamaa ilaalinta, hufnaanta iyo anshaxa adeegaha sharciga iyo abaalmarinta iyo ciqaabta uu mutaysanayo. Nidaamkaasina waa inuu yahay mid uu dadweynuhu kaalin ku leeyahay.
Ø Ubadku waa xooggii ummada iyo hoggaamiyayaashii mustaqbalka, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inuu kulankani ka baaraan dego duruufahooda garsoor iyo hannaankii sharci ee daryeeli lahaa.
Ø Mudanayaal iyo marwooyin, waxaynu doonaynaa inay Somaliland noqoto qaran ay ka hanaqaado dawlandimo la mahadiyo oo raaca sharciga oo caddaaladdu aasaas u tahay.
Si taa loo helo, waxaynu ognahay muhimadda uu Garsoorku u leeyahay xaqiijinta himiladeenaas, sidaa awgeed, waxa naga go’an in aanu isbeddel muuqda oo la taaban karo ku samayno xaaladda ay maanta ku sugan yihiin, annaga oo la kaashanayna aqoonta iyo talada bulshada.
Ø Saaxiibada Somaliland ee beesha caalamka, dawladaha deeq-bixiyayaasha iyo haya’daha caalamiga ah ee naga caawiya hawlaha la xidhiidha garsoorka, caddaaladda iyo nabadgalyada, waxaannu ka codsanaynaa inay kaalmada ay ku bixinayaan hawlahan ku jiheeyaan meel marinta talada ka soo baxda qorshaha xukuumadda ee lagu hagaajinayo garsoorka iyo caddaaladda Somaliland.
Guul ayaan idin rajaynayaa iyo in uu kulankani noqdo mid ay ka soo baxaan tallooyin wax ku ool ah jawaab u noqon kara su’aasha idin hortaala,” ayuu Madaxweynuhu ku soo gebogabeeyey khudbadiisa.
Waxa kale oo furitaankii shirweynahan ka hadlay Wasiirka Caddaaladda xafiiska wareejinaya ee Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran Xasan Axmed Aadan, kuwaas oo iyaguna qiray inay dalka ka jirto caddaalad-darro baahsan oo u baahan in wax laga qabto.
Dhinaca kale, waxa shirweynaha lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa caqabadaha hortaagan caddaaladda Somaliland, taas oo si faahfaahsan u lafa-gurtay qodobada salka u ah;
Warbixintan oo uu qoray Cabdikarin Muxumed Cabdi, qodobada muhiimka ah ee ay sheegtay inay xudun u yihiin caddaalad-darrada dalka waxa ka mid ah;
1. Tayada iyo awoodda hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda oo liita;
Tusaale ahaan marka la eego hay’adaha caddaaladda ee maanta ka jira Somaliland ee ay ka midka yihiin maxkamadaha, xeer-ilaalinta iyo guddiga sare ee caddaaladda, booliska (qaybta dambi-baadhista) iyo maamulka xabsiyada dhammaantood waa kuwo ay tayadoodu liidato oo aan awoodin una qaabaysnayn inay fidiyaan adeega caddaaladeed ah kii ay dadweynuhu ka filayeen. Tusaale ahaan, garsoorayaasha manta ka halwgala maxkamadaha Somaliland, marka laga reebo Maxkamadda Sare, waxa tiradoodu dhan tahay 130 garsoore, in ka yar 10 garsoore ayaana leh aqoonta iyo xirfadda looga baahan yahay garsoorenimo.
2. Goobaha shaqo ee hay’adaha garsoorka oo ka fog dadweynaha;
Maxkamadda sare ee dalka oo ku taala caasimadda oo keliya, maxkamadda racfaanka oo xurmaha goboolada oo keliya xarumo ku leh iyo maxkamadaha hoose oo xafiiyo ku leh xarumaha degmooyinka, sidaa daraadeed marka la eego qaab-dhismeedka maxkamadaha waxa kuu muuqanaya in ay jiraan dadweyne tiro badan oo ay ka fog yihiin maxkamaduhu oo aan gaadhi karin amaba doonan karin adeeggii garsoor ee ay xaqa u lahaayeen.
3. Nidaam-xumo ka jirta hab-maamulka ujuurada maxkamadaha;
Wixii ka dambeeyey 1962-kii oo ahayd xilligii la soo saaray xeerarka nidaamka ujuuradda dacwadaha ma jiro wax xeer ah oo ay Somaliland ka soo saartay hab-maamulka arrintan, nidaam xumadda ujuuradda ama lacagta dacwadaha waxay keentay in xukuumaddu u aragtay maxkamaduhu inay yihiin il dakhli oo lagu xisaabtamo.
4. Nidaam-xumo ka jirta dhanka maamulka iyo maareynta geedi-socodka dacwadaha, tusaale;
* Dhukumentiga dacwadaha oo luma amaba la waayo maadaama oo aannu jirin nidaam xusuus dhawr (Arkiifiyo) lagu xafido galdacwadeedyada iyo dhukumentiyada dacwadaha maxkamadda.
* Ballamaha dhageysiga dacwadaha oo aan la tixgelin lana fulin, maadaama oo aannu jirin nidaam uu maamulka maxkamaduhu kula socdo geedi-socodka dhageysiga dacwadaha oo sidoo kalena ku dabogalo shaqo/waajib gudashada garsoorayaasha iyo hawlwadeennada maxkamadda.
5. Dhaqanka oo farageliya geedi-socodka dacwadaha
6. Nidaam dabogala habsami u socodka hawlaha garsoorka/caddaaladda oo aan jirin
7. Kalsoonida dadweynuhu ku qabaan caddaaladda/garsoorka oo aad u hoosaysa.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *