Hargeysa [ANN]-Xanuunada ka dhashay Cudurada la soo darsay dadka Somalida waayadan dambe ayaa kor u sii kacaya sanadba sanadka ka dambeeya,isla markaana cuduradaasi qaarkood waa kuwo aanay dhakhaatiirta Somalidu ku guuleysan Karin inay helaan xalka Dawadooda  iyada

oo ay sabab u yihiin laba arimood.

Waa midda heree Dhakhaatiirta Somalida ee hadda shaqeeya way ku yaryihiin wax haysta shahaadooyinka caalamiga ah ee cadaynaya inay ka soo qaateen Jaamacado heer caalami ah oo dunida laga  laga yaqaano,arinta labaadna waxay tahay haddiiba ay jiraan qaar kamida Dhakhaatiirta Somalida oo haysta shahaadooyin muctarif ah waxaa lagayaabaa inaysan haysan Dawaldii iyo qalabkii ay ku baadhi lahaayeen cudurada haya bukaanada ugu imanaya xarumahooda.

Sidaa darteed waxaa jira dad farabadan oo ay ku dhacday nasiib darada ah inay dhakhaatiirta gudaha Somaliya waxba ka qaban waayeen cuduradii ay ka cabanayeen isla mar ahaantaana loo sheegay inaan xauunka haya dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn in dibadaha loo qaado mooyee,taasina waa arin aad ugu adag dadka Somaliyeed oo 20kii sano ee  la soo dhaafay ladaalaa dhacayay col iyo Abaar aan kala go’lahayn.

Hadaba dadka ay cudurada aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin haleeleen waxaa kamida  Cabdillaahi  Ibraahim Maxamed Cabdioo ah Wiilyar oo dadisiu tahay 15 jir la ildaran xauun kaga dhacay lug iyo gacan is dhaaf ah kaasi oo ku keenay barar xad dhaaf ah gaar ahaan lugta midi goo barar weyni kaga yaallo inta ka hooseysa Bawdada ilaa iyo dhuldhigga hoose.

Sidoo kale Cabdillaahi waxaa haya xanuun ka asiibay gacanta bidixda ah kaasi oo naafeeyey gacantiisa ila markaana sababay inaanu waxba ku qabasan Karin gacanta cudurku kaga dhacay,cudurkan ay dhakhaatiirta Somalidu ku sheegeen inaanay iyagu waxba uga qaban Karin Wiilkan dadayar ee Cabdillaahi Ibbraahim waxa uu ku dhacay isaga oo 2 sano jira maantana waa 15jir ilaa tan iyo muddadaana ehelkiisu waxay hanti badna ku bixiyeen sidii uu Cabdillaahi u caafimaadi lahaa waxayna u geeyeen dhakhaatiir farabadan dalka Somaliya gudihiisa oo dhan balse waxay natiijadii kama dambeysta ahaydi noqotay inaan cudurka Basiir ku dhacay dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin sida ay cadeeyeen dhamaan dhakhaatiirtii Somalida ee loo geeyey.

Cabdillaahi  oo hadda ku sugana xaafadda Daloodho ee waqooyiga magaalada Hargeysa waxaa laga keenay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku sugnaa taan iyo intuu cudurkaasi hayey uu si wweyn uga cabanayaa xauunka muda dheer la darsay isla markaana naafeeyey waaxyaha jidhkiisa muhiimka ah dhibaatada kale ee  Cabdillaahi xaunuunkaasi u wehelisaa waxay tahay isaga oo ka dhashay qoys danyar ah  oo aan awoodi Karin inay iska bixiyaan kharashkii ay dibadaha ugu qaadi lahaayeen inankooda inankooda si loogu soo daaweeyo dalka dibaddiisa.

Sidaa darteed dadka Ilaahay wax siiyey iyo ciddii kale ee doonaysa inay sadaqdooda la baxaan Daahir Cabdillaahi waxay kala soo xidhiidhi karaan Telefoonada hoos ku qoran.

Tel:00 25261777755

Tel:00 25269963484

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *