Nairobi(ANN)Alle ha u naxariistee waxa maanta cisbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Wakiilkii Somaliland ee Kenya Marxuum  Maxamed Axmed Nuur  oo lagu naanaysi jiray (Indho-buur) . marxuumka ayaa sida la sheegay in muddo ah u jiifay xanuun soo waajahay, kaas

 

oo  uu u geeriyooday.
Alle ha u naxariistee Marxuum- Indho buur galabta ayuu ku geeriyooday Nairobi lama sheegin in dalkaasi lagu aasi doono iyo in maydkiisa loo soo duulin doono Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylic) ayaa   tacsi u diray  Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somalilandba isaga oo ka tacsiyadaynaya  Geerida naxdinta leh ee ku timi  Safiirkii Somaliland u fadhiyey Wadanka Kiiniya MARXUUM MAXAMED NUUR AXMED (INDHO-BUUR) .Madaxwayne ku xigeenku  waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacabka reer Somaliland-na ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

sidoo kale Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeynayo geerida Wakiilkii Somaliland ee Kenya Marxuum Maxamed Axmed Inodho Buur, waxaanu dhambaalkaas tacsida ah oo naga soo gaadhay wasaaradda uu u dhignaa sidan:-
“Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar isaga oo ka tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee ku timid Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur) oo ahaa wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya, waxaa uu tacsi u dirayaa qoyskii uu ka baxay, qaraabadiisa, Jaaliyada Somaliland ee Kenya iyo ummadda Somaliland oo dhan, waxaanu wasiirku ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka isagana ilaahay raxmadiisa siiyo.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qosykii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Nuur (Indhobuur) waxaanu Marxuumka ILAAHAY uga baryaya inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxnay samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhambaal tacsi ah u diray shacbiga Somaliland iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Nuur (indho-buur) waxaanu Marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhinaca kale Marxuum  Maxamed Axmed  Nuur oo ahaa muwaadin  mudadii uu xilka wakiilnimo ee Somaliland ka hayay dalka Kenya iyo ka horba door firfircoon kasoo qaatay halagankii Somaliland iyo dhismaha qaranka, isla markaana ahaa shaqsiyad aad looga ixtiraamo dalka Kenya.

 

maamulka iyo hawlwadeenada shebekadda Araweelonews waxay ka tacsiyadaynayaan shaciga Somaliland, qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Nuur. waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo dhamaan Ummadda somaliland,   qoyskii, asxaabtii iyo ehelkii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.   Allah haw naxariistee marxuumka haddii ay suurta gasho waxaanu dib idiinka kasoo gudbin doonaa taariikh nololeedkiisii.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *