Ceergaabo(ANN)Shir ballaadhan oo lagu qabtay shalay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey boqol oday oo ka soo kala jeeda waxgaradka bulshada deegaamada  Koonfurta iyo Woqooyiga Ceerigaabo, si loo soo afjaro shaqaaqadii

dhimashada iyo dhaawac sababtay ee dhowaan dhexmartay beelahaas.
Xafladdii dhaarta labada dhinac oo lagu qabtay dugsiga Shaafici ee magaalada Ceerigaabo, waxa ka qaybgalay weftiga ka socda xukuumadda Somaliland, ergada nabadeed Golaha Guurtida iyo ergooyin ka kala yimi gobollada Sool iyo Togdheer, iyada oo sida ilo-wareedyo kala duwan Jamhuuriya u xaqiijeen xalay hadda loo diyaargaroobayo sidii loo gudo geli lahaa daawaynta khilaafka sababay isku dhaca labada dhinac.
Boqorro, salaadiin, cuqaal, iyo aqoonyahano ka soo kala jeeda labada dhinac ee shaqaaqadu ku dhexmartay Ceerigaabo oo halkaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday nabadgelyo aan shuruud ku xidhnayn oo ay kula noolaadaan beelaha kalee ku dhaqan Gobolka Sanaag, waxayna  labada dhinac  weftiga xukuumadda ka dalbadeen in aanay gobolka ka tagin ilaa si buuxda loo soo afjaro xurguftaas, iyagoo xusay in arrintaasi daawo u noqonayso wixii tabasho ah ee dhinacyada ka jira.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah weftiga xukuumadda, ayaa sheegay in dadka shaqaaqadu dhexmartay yihiin wiil iyo abtigii, waxaanu soo dhaweeyey go’aanka dhaarinta labada beelood oo uu tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya hab-dhaqanka bulshada Somaliland ku soo caano maashay.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan cid kastoo ka qaybgashay isu soo dhoweynta iyo turxaan-saarka labada beelood, waxaannu carrabka ku dhuftay inay xukuumaddu ka go’an tahay in gobol kastoo khilaaf ka jiro lagu xalliyo dariiqa wadahadalka.
Wasiir Duur waxa uu ballanqaaday in aanay weftigiisu ka tegin doonin Gobolka Sanaag ilaa ilaa si dhab ah loo dhaqan-gelinayo dhaarta iyo nabadaynta labada dhinac, loona saari lahaa wixii tabashooyina ee jira. Wasiirku wuxuu intaa raaciyey inaanay ceerigaabo ahayn afar deegaan, ee ay tahay hal bulsho oo keliya  oo  ah reer Somaliland.
Waxa kaloo iyana madashaas ka hadlay ergooyinka nabadeed ee ka kala yimi gobollada Sool iyo Togdheer, kuwaas oo dhammaantood soo dhoweeyey go’aanka dhaarinta dhinacyada oo ay sheegeen inuu yahay mid u adeegaya dhinaca nabadda iyo siday labada beelood u qaateen nabadda aan shuruuddu ku xidhnayn.
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka tirsan wefdigii Golaha Guurtida oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa wax laga naxo ku tilmaamay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood ee wada dhashay, waxaanay tibaaxeen inay waajib tahay in la aaso wixii dhacay, isla markaana laga taxadiro wax kastoo keeni kara inuu dhiig daato.
Weftiga dawladda Somaliland iyo ergooyinka kalee ku sugan magaalada Ceerigaabo, ayaa la filayaa inay Isniinta maanta bilaabaan gudo-galka sidii loo dawayn lahaa colaadda iyo waxyaabaha dhexyaal dadka reer Ceerigaabo ee walaalaha ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *