Dimuquradiyada Somaliland waxay soo martey marxalado kala duwan oo duruufahooda lahaa sanadkii 2002dii doorashooyinkii dawladaha hoose, waxa markaa ku xigtey doorashadii Madaxtooyada ee 2003 iyo doorashadii Golaha wakiiilada ee 2005. Caqabadiihii ugu waawaynaa ee

doorashooyinkaas la soo gudboonaadey waxa ka mid ahaa dadweynaha oo aan la diiwaangelin, iyadoo adkeyd in la kala saaro qofka muwaadinka ah iyo ka ajnebiga ah, isla markaana ay fududaysay ku celcelinta iyo ku shubashada. Haddaba iyadoo ay qorsheysnayd in la qabto doorashadii madaxweynaha ee April 2008, ayaaney suurtoobin in doorashada wakhtigeedii lagu qabto maadaama xisbiyada mucaaradku hore ugu adkeysteen inaanay ogoleyn doorasho bilaa diiwaangelin ah.
Bilawgii Barnaamijka Diiwaangelinta:
Diiwaangelinta oo lagu sharciyeeyey X/No 37/2007(xeerka diiwaangelinta codbixiyaasha) ayaa si rasmi ah uga bilaabantey dhamaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland October/November ilaa January 2009( 15-kii cisho ee dheeraadka ahaa ). Barnaamijka diiwaangelinta oo maaliyadiiisa 75% ay bixiyeen qaadhaan bixiyaashu ayaa waxa looga faa’ideystey in lagu mataaneeyo kaadhka qaadashada Jinsiyadda maadaama dawlada Somaliland aaney hore u sameynin Kaadhka dhalashada isla markaana aaney dhaqaale u hayn, waxaana la diyaariyey xeerkii jinsiyadda.
Hanaankii Diiwaangelinta loo isticmaaley:
Nidaamka loo isticmaaley diiwaangelinta Somaliland ayaa ahaa nooca ugu casrisan ee loo adeegsado diiwaangelinta kaas oo ah in qaabka Electrooniga ee lagu ururiyo xogta diiwaangeliyaha( Biometrics System), iyadoo Somaliland ay noqoneyso wadankii ugu horeeyey ee bariga afrika ee isticmaala nidaamkan .
Iyadoo markaas goob kasta lagu diyaarinayey Koox ka kooban Wasaarada Arrimaha Gudaha, Komishanka doorashooyinka qaranka , Maxkamada Rafcaanka iyo saddexda Xisbi qaran, waxaana goob kasta la dhigey qalabkii lagu diiwaangelinayey dadwaynaha( Electronic Kit).
Dadweynaha reer Somaliland ayaa si niyadsami ah u soo dhaweeyey diiwaangelinta codbixiyaayasha iyo Kaadhka dhalashada, iyagoo rajeynayay in qof waliba heli doono kaadhkii codbixinta iyo kaadhkii dhalashada, haddaba maxay ahaayeen caqabadihii ka horyimid habsami socodkii barnaamijka diiwaangelinta:
Caqabadihii ka horyimid diiwaangelinta:
1. Xeerka diiwaangelinta oo aan si cilmiyeysan loo dhigin, iyadoo aan wakhti badan la gelin diyaarintiisii maadaama ay goldalooloyin badan oo xaga farsamada ahi jireen, tusaale ahaan, iyadoon xeerka lagu xusin xogta qofka laga qaadayo sida magaca hooyada oo afaran, faraha laga qaadayo oo hal far xeerku ku koobey iyo qodobo kale
2. Dadweynaha oo aan wacyigelin waafi ah aan ka haysan barnaamijka diiwaangelinta iyo faa’iidadiisa
3. Iyadoo wakhti ku filan aan la siin soo iibintii qalabka iyo tijaabintiiisiiba
4. Iyadoo aan tababar ku filan la siin shaqaalihii ka hawlgalayey diiwaangelinta
5. Wakhtiga loo qoondeeyey diiwaangelinta gobol walba oo aad u yaraa
6. Siyaasiyiiinta, Ganacsatada iyo odey dhaqameedyada oo badankoodu si khaldan u fahmey diiwaangelinta iyagoo ku wacyigeliyey dadkooda inay dhawr jeer isdiiwaangeliyaan si qabiilkoodu u bato, iyagoo maaliyad badan ku bixinayey ku noqnoqoshadaas
7. Qalabka loo adeegsanayey diiwaangelinta oo u sahlayey dadweynaha inay qaadida xogta faraha laga tago taasoo sababtey in 60% dadweynihiii isdiiwaangeliey ay fardhigis la’aan  isu diiwaangeliyeen
8. Mashiinka Serverka iyo Software loo isticmaalayey kala shaandheynta diiwaangelinta oo awoodi waayey inuu sidii la doonayey u kala shaandheeyo dadka ku noqnoqdey diiwaangelinta .
9. Waxa marag ma-doon aheyd in dawladii markaas talada haystey ay ku guuldareystey inay talaabo sharci ah ka qaado dadkii ku xad-gudbey diiwaangelinta
10. Xisbiyada qaranka iyo Golaha wakiilada oo door weyn ka qaatey ka dhaadhicinta taagerayaashooda inay ku noqnoqdaan diiwaangelinta, farahana ka tagaaan
Labadiii xisbi mucaarid ee markaas( Ucid iyo Kulmiye) , Golaha wakiilada iyo Beesha caalamku ayaa culeys ku saarey dawladii markaas talineysey in doorashada lagu galo diiwaangelintiii xumaatey iyadoo isla markaana la isku dayey in la saxo.
Dibu-Sixidii Diiwaangelinta:
Waxa lagu guuleystey in la saxo khaladaad badan oo ku jirey mashiinka lagu kaydinayey xogtii diiwaangelinta, iyadoo 75% la saxay xogtiii mishiinka ku jirtey, siday inoo cadeeyeen guddigii doorashooyinka qaranka ka hor doorashadii madaxtooyada ee dhacdey June 2010 isla markaana ay ku qanciyeen dadweynaha in diiwaangelintaas doorasho lagu geli karo.
Haddaba ujeedada ugu waynayd ee ka danbaysey in lagu galo doorashadii madaxtooyada diiwaangelintaas ayaa aheyd in diiwaangelintaas khaladaadka lihi ay dhaanto diiwaangelin la’aan, iyadoo laga faa’ideysanayo casharadii laga bartey doorashooyinkii hore ee bilaa diiwaangelinta lagu galey. Waxa 26 June 2010 loo dareeray doorashadii madaxtooyada ee labaad, iyadoo ay si nabadgelyo ah ay u soo dhamaatey isla markaana kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ahiba ku tiraabeen doorasho xor iyo xalaal ah inay qabsoontey iyadoo loo aanaynayo waxyaabaha ugu badan ee muranka iyo is-qabqabsiga yareeyey inay ahayd diiwaangelintii dalka laga sameeyey.
Haddaba waxa layaab noqotey markii gollaha wakiilada ee Somaliland ay cod aqlebiyad ah ku laaleen diiwaangelintii qaran ee dalka laga sameeyey, iyagoon sabab waafi ah isla markaana macquul ah aan sheegin. Waxa taasi ka sii darneyd markii Xukumada Somaliland soo dhaweysey iyo xisbiyada mucaaridkuba iyo guddigii doorashooyinka . Hadaba waxan isweydiiyey, tolow waxan mucaarid iyo muxaafid la isku raacey waa maxay? Miyaaney diiwaangelintani ahayn tii ugu danbeysey ee aynu doorashadii madaxtooyada ku galney ee dhamaan lagu wada qanacsanaa? Miyaan la dooneyn in wadankani doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacaan? Miyaan la dooneyn in Somaliland iyo bulshada caalamka is-aaminadii ka dhaxeysey kor loo sii qaado?
Waxay ila tahey in guddiga doorashooyinku dedaal badan ka galeen sidii doorashadii hore inoogu dhici laheyd lakiin caqabada ugu wayni ay aheyd xukumada cusub oo ka cagojiidey in doorashooyinkii dawladaha hoose hore inoogu qabsoomaan. Waxa kale oo xusid mudan in bulshada caaalamka oo dhaqaale badan gelisey mashrucaasi ay ka aaminbaxdo Somaliland
Sidaa daraadeed waxa muhiima in la isweydiiyo, duruufaha ama caqabadaha dhici kara hadiii diiiwaangelin la’aan lagu galo doorashadan soo socota. Hadaba maxay yihiin caqabadaasi?
Caqabadaha ama Mushkiladaha ka iman kara diiwaangelin la’aanta waxaa ka mida :
1. In la kala saari kari waayo muwaadinka dhabta ah iyo ka ajnebiga ah
2. Inaan la cadeyn Karin goob kasta dadka ka codeyn doona, iyadoo markaas ay dhici doonto in laga faaideysato diiwaangelin la’aanta, isla markaana lagu shubto
3. In muran badani uu ka abuurmi doono goobo badan
4. Inay adkaan doonto sida loogu qanco natiiijada doorashadaas
Talo soo jeedin:
1. Waa in dawlada dhexe iyo golayaasha sharci dejintu ka wada hawlgalaan sidii goaanka golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangelinta looga noqon lahaa, isla markaana loo diyaargaroobo in diiwaangelinta oo sidan ah lagu galo doorashada golaha degaanka,
2. Waa in koomishanka doorashooyinku ka hawlgalo sidii khaladaadka yar yare e weli ku sii hadhey diiwaangelinta looga saari lahaa, iyadoo markaas lala kaashanayo dadka aqoonta u leh hawshan inta ka horeysa april 2012
3. Waa in koomishanka doorashooyinku diyaariyaan qorshihii lagu diiwaangelin lahaa dadkii xaqa u yeeshey inay codeeyaan sanadihii u danbeeyey, iyagoo la kaashanaya beesha caalamka iyo dawlada somalilandba.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *