Washington(ANN)-Wakiilaka Somaliland ee Cariga Maraykanka ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay  shir  lagu qabanayo bisha May ee fooda oo inagu soo haysa, Washington D.C. Qraal kooban oo saxaafada loo qaybiyay, isla markaana lagu socodsiinayo muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan cariga Maraykana ayaa u qoranaa sidan;-

“shir balaadhan oo dhacaya Jimcaha May 18-keeda iyo Sabtida May 19-keeda. Shirkan waxasi wada jir ah u qaban qaabinaya Jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanka
iyo Canada iyo xafiiska Wakiilka Somaliland ee Washington DC. Jaaliyadaha hawshan qayb
libaax ka qaatay waxa ka mida jaaliyada Washingon DC iyo nawaaxigeeda, Jaliyadaha Connecticut,
Ohio, Minnesota, California, Seattle, Indiana, Massachusetts, iyo Toronto/Canada.
Shirku wuxu ka dhacayaa hotelka Hilton ee u dhow Washington Dulles Airport.

Ajandaha Shirku waa sidan soo socota.
Shirkanu wuxu soconayaa laba maalmood iyo laba habeen.

Maalinta koowaad ee Jimcaha Bisha May 18-keeda waxa shirku bilaabmayaa 9ka subaxnimo wuxu dhamaanayaa
5ta galabnimo. Shirkan waxa ka soo qayb gelaya jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanka iyo Canada,
Dad ka socda dawlada Maraykana dhinaca Wasaarada Arrimaha Dibada, dhinaca Wasaarada Difaaca,
dhinaca barlamaanka Maraykankaba iyo dad Maraykan ah oo ku xeel dheer arrimaha geeska Africa oo
khibradooda inala wadaagi doona. Waxa kale oo ka soo qayb gelaya wafti ka imanaya Somaliland oo
isugu jira dawlada, barlamaanka, xisbiyada muxaafidka iyo mucaaridka, ururada cusub ee siyaasada,
iyo xubno ka socda ururada bulshadaba. Habeenimada May 18-keeda waxa dhacaysa xaflad balaadhan oo
loogu dabaal degayo maalintii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay, xafladaas waxa ka tumaya
labada fanaan ee caanka ah Nimco Yasin & Nur Dalacay.

Maalinta labaad ee Sabtida Bisha May 19-keeda waxa shirku bilaabmayaa 9ka subaxnimo wuxu dhamaanayaa
5ta galabnimo. Shirka maalinta Sabtida wuxu u dhacayaa habkii maalinta kowaad (habkii Jimcaha).
Habeenimada May 19-keeda (Sabtida) waxa dhacaysa xafladii gebogebada shirka oo balaadhan oo u badan
qoob ka cayaar, xafladaas waxa ka tumaya fanaanada caanka ah ee Nimco Yasin iyo fanaaniin kale.

Ujeedada shirkanu wuxu ka turjumayaa xaalada maanta Somaliland marayso oo u baahan midnimo iyo wada
tashiga reer Somaliland. Waxa shirka lagu gorfayn doonaa arrimaha siyaasada, nabad gelyada, caafimaadka,
himilada Somaliland, xoriyada saxaafada, dimuqraadiyada, iyo sidii dadka Maraykanka ahi u caawin lahaayeen
Somaliland – khaasatan xiligan dalka Maraykanku ku jiro doorashada madaxweynaha iyo barlamaanka labadaba.

Waxaanu ogaysiinaynaa dhamaan Jaaliyadaha Somaliland ee degan Maraykanka, Canada iyo Yuruba – in ay
ka soo qayb galaan shirkan dhacaya May 18-keeda iyo May 19-keeda ee ka dhacaya Washington DC nawaaxigeeda.
Wixii faahfaahin dheeraada waxad ka helaysaa web siteka www.somalilandconference.com ama telephoneka 703 745 2199
ama emailka registration@somalilandconfrence.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *