Hargeysa(ANN)Shirkadda daabacaadda xayaysiisyada ee ASAL ayaa qayb-libaax ka qaadatay kor-u-qaadista bilicda astaanta waddareed iyo agaasinka shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka WADDANI, iyada oo addeegyo xirfadi ku lammaan tahay kaga qaybgashay madashii shirweynahii 1aad ee

 

ururkaa oo lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa Apri; 8 – 9 2012.
Maamulaha guud ee Shirkadda Daabacaadda ASAL Mr. Farxaan Faarax Aadan oo warbaahinta u warramayay ayaa sheegay in shirkaddiisu fidiso adeegga ugu ballaadhan ee daabacaadaha dalka, isla markaana ay ka qayb-qaadato kor u qaadista muuqaalka Hay’addaha Ganacsiga, Ururrada, laamaha Dawladda iyo mashaariicda qof ahaaneed iyo wixii la mid ah.
“Shirkadda Daabacaadda xayaysiisyada ee ASAL, waxay khibrad badan u leedahay hab-sami u agaasinka munaasibadaha kala duwan,” ayuu yidhi Md. Farxaan, isaga oo xusay in ay ururrada kale iyo guud ahaanba cid kasta oo xayaysiis u baahan ay u fidin doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Maamulaha Guud ee ASAL, Mr. Farxaan Faarax Aadan waxa uu sheegay in shirkaddoodu tahay shirkad ganacsi, oo ay dhiirrigelinayaan tallaabo kasta oo wax ka taraysa horumarka iyo geeddi-socodka ummadeed ee reer Somaliland, gaar ahaan addeegyada ganacsiga iyo bilicda.
“Annagu waxaannu nahay hay’ad ganacsi, haddii aannu sidan quruxda badan ee la wada majeertay ugu adeegnay ururkan (WADDANI), macnuhu maaha, inaannu urur siyaasadeed ama siyaasadba ku jirno, cid kasta oo noo timaadda, urur kasta, xisbi kasta, iyo cid kasta oo xayaysiis u baahanba waannu u adeegaynaa oo albaabkayagu waa u furan yahay.” ayuu yidhi maamulaha shirkadda daabacaadda ASAL, waxaanu intaas ku daray, “Laakiin waa inay buuxiyaan shuruudaha ganacsi, kuwa dhaqan, caqiido iyo himilooyinka ummadeed intaba”.
Shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka WADDANI oo maanta lagu soo gunaanaday Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid bilicdiisa iyo hannaankiisa kaleba aad looga shaqeeyay, isla markaasna ay shirkadda ASAL si bilcoon uga shaqaysay iyada oo kaashanaysa adeegyadeeda boodhadhka, stickers-ka, kaadhadhka aqoonsiga, Callamada iyo guud ahaanba hababka xayaysiis ee ay ku shaqeeyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *