Hargeysa (ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe ka sii deysay Mulaxamiistaha wayn ee Jiim Sheikh Muumin oo ka mid ah Laxamiistayaasha Soomaaliyeed kuwa ugu caansan. Kadib markii uu xabsiga dhexe ee hargeysa ku jiray mudo shan sanadood ah, isagoo ku  xukunnaa xukun

dil ah.
Balse sida ay sheegayaan warar la xidhiidha siidayntiisa ayaa ka danbaysay dedaal ay qaybo baddan oo bulshada Somaliland oo Abwaano iyo dad kale isgu jiraa ugu ololaynayeen in xabsiga laga sioi daayo, isla markaana heshiis laga gaadho dilka loo haystay ee xukunmiisu ku dhacay.
Jiim waxa uu maanta gaadhay  magaalada Muqdisho, markii xabsiga laga sii daayay, halkaas  si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo ay qaar ka mid ah  bahda fanaaniita Soomaaliyeed iyo dadweyne fara baddan soo dhoweyn balaadhan u sameeyeen. Jiim waxa uu sheegay inuu Caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana uu ku faraxsanyahay inuu xurayadiisa dib u helo, waxaana uu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay in laga sii daayo xabsiga Magaalada Hargaysa oo uu mudo shan sanaood ah ku xidhnaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *