Hargeysa (Araweelo News Network)Wadaadka mayalka-adag Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo hore u samaystay urur-diimeedkii xukuumadda Somaliland  mamnuucday ee Xisbullah, ayaa ciidammadu ammaanku xalay xabsiga u taxaabeen.

Wadaadka oo ay hore xukuumaddu marar kala duwan u xidhay, waxa xadhigiisa lala xidhiidhyay kadib markii uu meel fagaare ah kaga qudbadeeyay inuu taageersanyahay  weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Kooxda Al-shabaab ku qaadeen todbaadkii hore dhismaha Westagate ee Nairobi.
Sheekh Maxamuud waxa uu tallaabada kooxdaasi Al-shabaab ka mid ahayd qaaday ku tilmaamay mid geesinimo  ah, isagoo dhinaca kalena shacabka Somaliland ugu baaqay inay qaataan shareecada Islaamka oo la isku xukumo.

Waxa kaloo uu wadaadkani si wayn u dhaliilay xeerka cashuur-kordhinta horumarinta waddooyinka ee dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyeen oo uu ku tilmaamay mid lagu bannaysanayo cunida hantida ummadda.
mana aha markii u horreysay la xidho, balse waqtiyo hore oo badan ayaa xabsiga loo taxaabay intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay iyo xilliyadii xukuumadda Madaxweyne Rayaale-ba, iyadoo mar walba marka uu muddo xidhnaado la soo dayn jiray.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *