https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?view=att&th=1418668ba7f15b67&attid=0.1&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1380991141394&sads=Omt2QsCZtZ3yV_Og0YmpD1j7Zfo&sadssc=1Damaca Xisbiyadan mucaaridka ah wuxu uu  ku salaysan yahay Cad yahow ku Cunay ama ku Ciideeyey odhaahdaasina waxay ay khatar ku tahay jiritaanka Shacabka hadaanan laga hortagin.

Maahmaah baa tidhaahda Nimaan Runta Sheegin Beenbaa u Qarsoon oo macnaheedu yahay inaad run sheegto iyo inaad been sheegto oo aad qarsatid  sidaa daraadeed Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland mudane  Maxamuud Xaashi Cabdi waa nin ka sheegay Runta Waxqabadkiisii, waa wasiir doonaya inuu qanciyo shacabkiisa, mudadii yarayd ee uu xilka hayayna wasaaradiisa wax badan oo horumar ah ka qabtay, waxaan rabaa inaan maqaalkan kaga hadlo warar badan oo xisbiyada mucaaridka ahi ku dhaliilayeen horumarka dalka mudooyinkii danbe,  in badanse aan ka warwareegayey jawaabtooda balse aan hadda ku qasbanahay lana gaadhay waqtigii runta loo sheegi lahaa fartana loogu fiiqi lahaa xaqiiqada. 

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waa wasiirkii u horeeyey ee dib u dhis balaadhan ku sameeyey madaarka caasimadeena Hargeysa kaasoo u dhameystiran yihiin adeegyadii heer caalami ee looga baahnaa, waxa uu kale oo uu ka hirgeliyey madaarka mashruuc laydhka ama korontada ah loogana dhalinayo Hawada (Wind Power) oo madaarka bishii kharash ahaan hore uga bixi jirtay lacag dhan Doolar 6000/.,  laydhkan oo loogu talo galay in habeen iyo maalin ka haadaan diyaaraduhu madaarka Hargeysa,  waxaanu madaarku maanta la tartamayaa madaarada caalamka, wasiirku wuxu kaloo dib u dhis ku sameeyay madaarka Berbera.

Waxan la yaabay xisbiyadan mucaaridka ah ee Habdhaqankooda siyaasadeed ee dalka ku hayaan oo u eg iney dalka iyo shacabkooda u tudhayn, doonayaana iney gacantooda ku burburiyaan , Iyagoo khatar ku ah himilada Shacabka Somaliland iyo jiritaankeeda. Damaca Xisbiyadan mucaaridka ahna wuxu uu  ku salaysan yahay Cad yahow ku Cunay ama ku Ciideeyey odhaahdaasina waxay ay khatar ku tahay jiritaanka Shacabka hadaanan laga hortagin.

Waxan halkan uga mahad celinayaa waxqabadkii uu u qabtay shacabkiisa iyo dalkiisa Wasiirka Duulista iyo Hawada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxanan u rajeynayaa inuu sii labanlaabo waxqabadka laxaadka leh ee uu ka qabtay maddaarada dalka, aanuse dheg u dhigin dadka tirada yar ee aan aqoonteeda iyo garashadeeda lahayn waxqabadkaaga.

Prof. Mohamed Ahmed Farah Mattan (Jaafaa)
Nairobi, Kenya

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *