Muqdisho (Araweelo News Network) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa walaac iyo cabsi ka muujiyey khataraha ururka Al-shabaab ku hayo

 

dawladdiisa fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu ka soo laabtay shirkii Qarammada Midoobay saxaafadda ugu waramay Muqdisho, waxa uu sheegay inay weli jirto khatar xooggan oo ka imanaysa Al-shabaab, isagoo shacabka ugu baaqay in si wadajir ah looga hortago dhibaatooyinka Al-shabaab, iyadoo ciidan iyo shacab-ba la is kaashanayo.

Waxa madaxweynaha Soomaaliya tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo isku duubni ku waajahan ka hortaga dhibaatooyinka dalka Soomaaliya soo gaadhaya weerarada iyo ficilada ururka Al-shabaab, waxaannu xusay in dalalka caalamku taageero u muujiyeen Soomaaliya sidii looga hortagi lahaa kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale meesha ka saaray in dhaqaalaha Soomaaliya loogu tallogalay aan lagu bixin doonin hawlgalada ciidammada AMISOM wadaan, balse lagaga shaqayn doono sidoo Soomaaliya loo gaadhsiin lahaa horumarin iyo ammaan si ay cagaheeda isugu taagto.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *