-
Published On: Sun, Apr 22nd, 2012

Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Yaanay Noqon Ninkii Iimaam Yaxye Ku Yidhi Maxaad Codsanaysaa Ee Yaabka Iyo Murugada Codsaday Qore: Professor Cabdi Xusseen Maraykan (Flosy)

Smiley face
Share This
Tags

1945-kii Dhamaadkii Dagaalkii labaad ee adduunka, waxay gumaysteyaashii yiqiinsadeen in aanay dalalkii ay qabsadeen sii haysan karin oo ay ku qasaban yihiin inay u diyaar garoobaan sidii dadyawgaa loogu wareejin lahaa xorriyadooda.

1960-kii ayay Somalia iyo Somaliland xorriyadoodii ka kala qaateen Britan iyo Italy. June 26 1960,  waxay ahayd maalintii calanka buluuga ah ee xiddigta shanta geesood dhexda kaga taal laga taago dhulka Somaliland.

Dhawr maalmood kadib July 1st 1960 waxay  Somaliland la midoobeen Somaalidii ka xoroowday  Talyaaniga, taas oo ujeedadeedu ahayd  sidii  loo  heli lahaa saddexda Somaaliyeed ee gacanta gumaysiga ku hadhsanaa, kuwaas oo ahaa Somalida Ethiopia, Somalida NFD (Kenya) iyo Soomaalida Djibouti ee France(French Somaliland}.

In kasta oo ay siyaasin badan ku taliyeen in midawga Somaliland aanay ku deg-degin oo lasii haysto gobonimada la qaatay lix bilood si laysu barto oo ay labada Bulsho Koonfur iyo Woqooyi isu fahmaan, laakiin taas waxa ka horyimi shacbiga Somaliland, iyagoo  ku lahaa  siyaasiinta, “xamar taga oo la soo gala walaalaheen midow aan shuruud lahayn.”

Siyaasiinti reer Somaliland, waxay  qasab ku noqotay inay racaan talada dadka, haddii kale waxa ay u ekaan lahaayeen tira yar oo daad is hor taagey. Dadyowga reer Somaliland waxa yoolkooda ahaa in shanta Somaaliyeed yeeshaan ,hal calan iyo hal maamul (shantoo is weheshaday wacneydaa,  calan inay wadaagaan wanaagsanaydaa) ayaka mid ahaa hadaladii iyo hal ku dhegyadii waqtigaa socday.

Sidaa ayuu ku yimi is raaci Somalia iyo Somaliland, hase ahaate waxa riyada beeneeyey gumeestayaashii British,France,Talyaaniga iyo Ethopia oo diiday. Jabuutina gooni isu taag u qoondeeyay, markay xoriyada qaateen 17 sanadood ka dib (27June1977).

Sagaal sannadood kadib, 21st October 1969 waxa  dalka inqilaab ku qabsaday ciidankii dalka oo uu hogaaminaayo, General Siyaad Barre. Waxay  askartii laaleen dastuurkii dalka u yiil, waxay xabsiga dhigeen xukuumaddii rayidka ahayd, iyadoo 15 Oct, shirqool toogasho ah lagu dilay Madaxweynihii Dalka C/rashiid Cali Shar-maarke, isla markaana xaaladu kacsantahay.  Ciidamadaa ayaa  baabiyey  Baarlamankii ay dadku soo doorteen.  Waxay ka talinayeen dalka  kow iyo labaatan sanadood, kuwaas oo  ku xukumayay  qori caaradii iyo wareegto Siyaad Bare  ka soo baxda.

Waxaan xasuusta 1974kii mar uu Siyaad noogu yimi Jaamacadii ummadda  ee Lafoole  oo aan Arday ka ahaa, wuxuuna  isagoo noo qudbadaynaya nagu yidhi, “markaan talada la wareegeeynay cidna talo maanaan weydiin,  maantana talo idinkama weydiinayno dalka”.

Hase yeeshee Shacab weynihii Somalia markii ay u adkkeysan waayeen xukumkii qallafsanaa ee Siyaad Barre. Waxa khasab noqotay in qori laggaga  qaado xukunka. Waxaana  abuurmay Jabhado kala geddisan bilowgii 1980-kii , kuwaas oo dagaal hubaysan ku qaaday Siyaad Barre iyo kooxdiisi ilaa xukunka laga tuuray 1991kii.

Dadweynaha reer Somaaliland  waxay  markiiba bilaabeen heshisiin qabaa`ilka intii oodwadaag ah in laysa  saamaxo oo ay beelaha Somaliland isugu yimaadaan shirarkii ay qabteen jabhadii SNM, kuwaas oo lagu  go’aansaday in la ilaawo dhibaatadii nidaamku dhex dhigay ee ahayd qaybi oo xukum.

Waxa la qabtay shirar kala geddisan oo heshisiin iyo walaaleen oo gunta laga soo bilaabay.Tallaabadii labaad ee la qaadey waxay ahayd in 18th May 1991 shirweyne ballaadhan oo lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Togdheer Burco, kaas oo ay  isugu yimaadeen dhammaan qaybaha ay ka koobantahay bulshada Somaliland sida  Salaadiin, Garaado,   Ugaasyo,  Cuqaal, Siyaasiin Culamada diinta,  Dhalinyaro, Macaliimiin, Saraakiisha ciidanka, iyo Wax garadka reer Somaliland.

Waxay go’an ku gaadheen gooni isutaaga Jammhuuriyadda Somaliland  iyo in ay dib u la soo noqdaan xoriyadii 26th June 1960 ay sida fudud ku dhex tuureen Muqdisho…SubxaanAllaah!!! Shacabkii 1960gii siyaasiinta ku qasbay midnimo ayaa  maantana talada gooni isu taaga lahaa. Somaliland 22sanadood bay gooni u taagnayd.

Iimaamkii xukumi jiray waqooyiga Yaman  ee  Iimaam Yaxye oo xukun adkaa ayaa nin beri ku yidhii Adduunyada wax ka qabso, waxa lagu siiyo ayaa walaalka loo labanlaabaya, amma wax halagaa qaado. Wixii lagaa qaaday ayaa walaalkaa laga qaadaya labanlaabkeed. Wax aan la filayn ayaa  ninkii kasoo baxay wuxuuna yidhi waxba yaan la i siin ee wax iga qaada.  Maxaa lagaa qaada markii la weydiiyey wuxuu ku jawaabey mid yaab iyo naxdin leh. Kadib markii uu yidhi,  “labadayda indhood mid halayga  tuuro ,wuxuu ogyahay in il keli ah wax ku arki karo kuna farax sanyahay mar haddii walaakii labada  indhood beelaayo.  Goaanka Somaliland ka noqosho maleh ee Somalia ha aqoonsato  Somaliland maanta iyaga oo labadooduba indha qaba. Haddii kale arrintu waxay u ekaanay ninkaa Yamaniga ahaa.

Midowga Somalia iyo Somaliland waa mid hore baa loo soo tijaabiyay waana la ogyahay waxa laga dhaxlay. Caqliga wanaagsan wuxuu inoo sheegayaa arrin lagu hoobtey oo la jitaabiyey in la iska jiro. Nebegeenii suubana (C.S.W) wuxuu yidhi muslin god laba jeer laguma qaniino.

Somalia waxa la gudboon inay  noqoto dalkii ugu horreyey ee aqoonsada Somaliland maanta, inta aanay berrito aqoonsigaas ka noqon saambuuse laga addimay. Aqoonsiga Somaliland wuxuu fure u noqon doona niyad sami,  walaaltinimo, kalsooni iyo   iskaashi

Somaliland oo Somalia la dhista dawlad iyaga oo adeegsanaaya habka nidaamkoda u dhisteen Puntlanna kaga dayatay .Sidaas waxa ku abuurmi kara laba dal oo jaar wanaag leh, wax is tara Somalilandna Somalia u arki kara walaal dhab ah.

Guntii iyo gebo gebidii waxaan hadalkeyga ku soo oodaya wax allala wixii kale ee lagaa hadlaaba  waa kaalay  is dilnee ,iyo ana Il iga  rid isaguna  labadaba ha beelee.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:”Times New Roman”; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin;} Qore: Professor Cabdi Xusseen Maraykan (Flosy)

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>