waxaan rabnaa inaan halkan idiinku soo gudbino qiimayn  aanu sameeyey ururada isu soo hadhay iyo sadexda XISBI QARAN ee la odhan karo waa soo baxayaan qiimayntaas oo ay samaysay hay,ada madax banaan ee ISXILQAAN

waxaan idin xasuusinaynaa in qiimayntii hore ee aanu samayney aanu ku weyney hal urur oo ahaa
BADBAADO halkiisiina uu soo galay xisbiga dalsan oo aan qiimaynta noogu jirin bal maantan nala eega
hadaba akhristoow anagoo mid mid u kala qaadayna adna dhinacaaga nagala qiimee adigoo ka
eegayni xaga qabyaalada amaa caadifada xisbiga aad taageersan tahay:
maadaama sidaynu la wada socono dadkeena lagu saliday bahasha qabyaalada oo inta badan taageerada
lagu bixiyo qaab qabiil
A_  waxaan teerigaraynaynaa inaanu isku qabano xisbiyada ka soo jeeda beesha qudha
B_   waxaanu ku xejin doonaa sida xisbigu u kasbado shacweynaha kale ee ku dhaqan somaliland
C_  waxaanu isticmaalaynaa  ereyada ka haboon qabiil la magcaabo sida BARRIGA BURCO  .GALBEEDKA BURCO
GEBILEY  etc
D_waxaanu  isticmaalaynaa  magaca URUR maadaama aanay  weli kala hadhin  oo XISBI loo gudbin
NB_waa qiimayn madax banaan oo shaqsiyeed mana aha wax saamayn ku yeelanaya himiladaada fog
cid walibana fekerkeeda iyo aragtideeda waa u madax banaan tahay

Waxaan ku bilaabaynaa

1-DALSAN IYO NASIYE
labad xisbi ee DALSAN iyo NASIYE waxaa ka sharaxan wasirkii hore ee arimaha gudaha ISMAACIIL YARE oo si weyn
looga yaqaano  somalilaand iyo nin isagu ku cusub saaxada siyaasad labaduba waxay ka soo jeedaa deegaanka gebiley
sida muuqatana waxaad moodaa hadii aanay midoobin inay qaybsami doonto cududa ay ka sugayaan taageerayaashooda
maadaama ay ka soowada jeedaa hal meel runtiina ma muuqato taageero debedeeb oo ay heli karaan maadaama gobol
waliba la daalaa dhacayo xisbi ka soo jeeda ardaagiisa
weliba waxaa taas u sii dheer in xisbiga KULMIYE yahay mid ku sii sugayey garoonka ayna u sharax  yihiin siyaasiyiin magac leh
oo reer gebiley ah   hadal iyo gun waxaad moodaa in labadan xisbi  inay isla degi doonaan:

2_WADANI iyo UMAD:
labadan xisbi waxay ka soo wada jeedaan GALBEEDKA BURCO waxaana kala hogaanimana laba siyaasi oo lagu tilmaami
karo  RUUGCADAAYO hadaba markaanu u kuurgalay taageerada ay ka haystaan galeebka burco waxaad moodaa inuu
cadcad yahay ururka WADANI    sidoo kalena uu haysto taageero badan xaga dadka kale
in kastooy  jiro xan hoose oo  didmo geliyey taageerayaashiisa xantaasoo ah  in CIRRO gacan saar hoose
la leeyahay xukumada SIILAANYO taasoo dad badan oo taageerayaasha GALBEEDKA BURCO ahi ka biyo diidaan
jaanisna siin karta ururka UMADA oo la moodo maalmahan inuu danbe inuu ku qaaday dawlada jirta  dagaal siyaasadeed
oo uu ku kasban karo taageero ah   si katooy ahaato saadaashaydu waxay horaysiinaysaa ururka WADANI  inuu noqon
doono xisbi  qaran in kastoo laysku barbar jiro oo maalmo  yar wax isbedeli karaan :

3_URURKA RAYS :
waa urur ka soo jeeda BARRIGA BURCO runtii wuxuu haystaa ururkani jaanis weyn maadaama aanay jirin
urur kale oo beeshaas u sharaxan waxaa hogaaminaya nin aan aad loga aqoon saaxada siyaasada laakiin dawlada
somaliland ka soo qabtay xilal badan in badana ka soo ahaan jirey mansabka AGAASIME GUUD inta badana la soo
shaqayn jirey hay,adaha UN ka
hadaba waxaa jirta carqalad ka hor iman karta qaybina karta taageeradaa laaxdka leh iyo jaaniska uu dheeryahay
urur kale carqaladaas oo ah SIILNAANYO oo ah madaxweynaha maanta talada haya sida la wada og yahayna aan
isagu diyaar u ahayn inuu isasoo sharaxo sida ilo xogagaali sheegayaan ama uu isba cadeeyey  oo doonaya inuu
kursiga fadhiisiyo saaxiibadiis hore ee kula jirey xisbiga kulmiye wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba
u fuuli doonaa siduu isaga reebi lahaa URURKA RAYS
khidadii ugu weyneydna siilaanyo wuxuu ciyaaray markuu dib u dhigay doorashadii musharaxa  madaxweynenimada
isagoo ka baqay haduu sheego in madaxweynaha uu u sharaxan yahay nin ka soo jeeda meel kale  inuu
waayi doono taageeradii BARIGA  BUCO oo lagu xanto inta badan inay meel isu raacaan
laakiin waxay taladu gacanta ugu jirtaa taageerayaasha BARRIGA BURCO oo runtii intooda badani
markaad la sheekaysato aan ku qanacsanayn inay tobanka sano ee soo socda ka maqnaadaan saaxad siyaasda ee  wadanka
jecela inay inay helaa xisbi ay ka duulaan si ay uga dhex muuqaadaan shaashada
geba gebadii ururkani wuxuu haystaa jaanis weyn oo uu kaga mid noqon karo sadexda xisbi saadaashaduna
waxay ku daraysaa inuu soo  bixi doono

4- URURKA KULMIYE
waxaa hogaaminaya mujaahidka ahna Madaxweyna somaliland waana xisbul xaakimka  hadaba KULMIYE
in kastuu ahaa xisbigii ku guulaystay talada wadanka  hadana lama odhan karo wuxuu haystaa taageeradii
hore  dad badan oo taageeri jireyna waxay  hada kala raaceen ururada kale taageerada ugu weyna hada wuxuu
ka sugayaa laba meelood  BARRIGA BURCO  oo la odhan karo marnaba kama helaayo taageero u dhiganta tuu ka
heli jirey waayo inta badani waxay raaceen  URURKA RAYS  hadii ay BARRIGA BURCO dhankaas RAYS wada maraana
waxaan shaki ku jirin inuu saaxada ka baxaayo
waayo waqooyiga hargays iyo gebilay sidaan xaga sare ku soo xusnay  taag kasta ha yeesheene waxaa soo taagan
laba urur DALSAN IYO NASIYE oo si weyn u dhantaali kara taageeradii weyneyd  ee uu hore uga
bartay deegaabadaas iyadooy sidaa tahay KULMIYE waxuu haystaa awoodii dhaqaalaha  dalka  waxaana saadaalin
karnaa xalaal iyo xaaranba haysku daree inuu ka mid noqon karo  sadexda xisbi ee soo baxaya marka loogu daro
xukuumada badhitaaraysa

5_ URURKA UCID
sidaad wada garanaysaan waxaa hogaaminaya siyaasiga weyn ee FAYSAN CALI WARAABE  oo inbadana soo ahaa xisbi
mucaarada  isagoo sanadkii tegey u qaybsamay laba garab oo la odhan karo miisaankii xisbiguna  wuxuu raacay
siyaasiga  cabdiraxmaan ciro oo hogaaminaya xisbiga WADANI  markaanu dhinac walba ka eegnay uma muuqdo urur
u soo gudbi kara kama danbaysta

6_ URURKA XAQSOOR
waxaa hogaaminaya mujaahikii weynaa XASAN CIISE  oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay raga bilaa godobta ka ah
soomaliland marna soo ahaa m_weyne ku xigeenka somaliland  xisbigani waa xisbi runtii dadbadani u hayaan niyad iyo
xiise dheeraada waana xisbiga keliya ee soo dooray gudoomiye ku xigeen ka soo jeeda sool in kastoo aan in adan qalinka dul dhignay
kuna war wareegnay hadana sida hada wax u socdaan saadaashadu waxay sheegaysaa in  ururkan XASOOR  iska nasan doono

7_URURKA UDUB
ururkani wuxuu ahaa ururkii lagaga adkaaday doorashadii hore  taageerayaashiisii ugu awooda badnaa ee uu ku
tiirsanaana dhamaan      waxay u qaybsameen  ururada kale waxa keliya ee la odhan karo  taageeruu ka heli karaa waa
REER SAAXIL waa hadii jamaal cali xuseen loo  daayo musharaxnimada  taasooy tahay hadana ma
muuqato  jaanis maanta u saamixi kara inuu ka mid noqdo sadexda xisbi qaran

guntii iyo gunaanadkii waxaan soo reebnay sadexdan xisbi
KULMIYE
WADANI
RAYS

NB_waa qiimayn madax banaan oo shaqsiyeed mana aha wax saamayn ku yeelanaya himiladaada fog
cid walibana fekerkeeda iyo aragtideeda waa u madax banaan tahay
MIDKA KHAYRKU KU JIRO ILAAH HAYNOO DOORO

HANAD YARE
baxsane1111@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *