Hargeysa(ANN)Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL ayaa samaysay qiime-dhimistii ugu ballaadhnayd ee telefoonnadda dhanka dibadda (international call rates)waxaanay taasi ka dambeysay markii ay maamulka shirkaddu garteen inay il-raxmadeed hoos ugu eegaan baahiyaha bulshadda

isticmaala adeegayada xagga telefoonnada ee Shirkadda SOMTEL.
Madaxa Iibka iyo suuq-geynta Shirkadda Somtel Cabdinaasir Xaaji Saleebaan Abdi oo maanta warbaaihita kula hadlayey Xarunta Shirkadda ee magaalada Hargeysa, isaga oo ay hareero fadhiyaan Saraakiil sarsare oo ka tirsan Shirkadda SOMTEL oo ay ka mid ahaayeen ku xigeenka Iibka iyo suuq-geynta Axmed Nuux Siciid, madaxa xidhiidka dadweynaha Cabdinaasir Cawad Muuse iyo Engineerro isugu jira Soomaali iyo ajaanib.
Cabdinaasir Saleebaan oo shirkaasi jaraa’id ka ka hadlayey waxa uu yidhi; “Aniga oo ku hadlay magaca Shirkadda Somtel maanta oo ay taariikhdu tahay 21kii 4/2012 waxaanu bulshada reer Somliland ugu bushaaraynaynaa inaanu ka shirkad ahaan u samaynay qiime dhimisii ugu ballaadhnayd oo aanay jirin shirkad kale oo hirey ugu dhiiratay inu ku dhaqaaqdo qiime dhimis intaa leg. Sidioo kale waxaanu maanta halkan [xafiiskiisa] kaga dhawaaqaynaa qiime dhis balaadhan oo aanu ku samaynay Telefoonadda dibadda shirkadda waxaanand ogtihiin inay Somtel tahay shirkadii ugu horeysay ee dalka ka samaysa qiime dhis ay bulshadu ku faraxdo.”
Madaxa Iibka iyo suuq-geynta SOMTEL Cabdinaasir waxa uu sheegay halkii ay markii hore dadku dibadaha ku la hadlijreen $1Dollar 12 daqiiqo oo ahayd 6:00am ilaa 6:Pm inay hadda shirkaddu ka dhigtay $1 Dollar 20 daqiiqo oo 24 Saacaddood oo ah mobile iyo land line-ba.
Mr Saleebeen waxa uu halkaa ka tiriyey magacyada waddamada ay khusayso qiime
dhimistaasi waxaanay kala yihiin sidan hoos ku qoran sidan: Australia, spain, Italy, Farance,, Norway, UK, Finland, Portugal, Ireland,Belgium, Turkey, Russia, South Africa, Kenya, Egypt, Pakistan, Germany, New eland, Denmark, Netherland, Sweden, wadamadda oo dhamaantood kulahadlaysid $ 20 Daqiiqo halkii Dollar oo ah land line. sidoo kale shirkaddu waxa ay si wada jir ah land line iyo mobile-ba qiima dhimis kuugu sameesay wadamadda kala ah USA, China, Malaysia,Thailand, Iraq oo aad ku hadlayso $1 Dollar 20 Daqiiqo
Shirkadda SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha ka farcama Dahabshiil Group
waxayna cagaha isku taagtey sannadkii 2010kii bishii Mars taas oo ka dhigaysa muddadii ay shirkaddu jirtey Labo Sanno . Runtii, marka laga
hadlayo taabbagalnimadda shirkada isgaadhsiineed, muddadani waxay u muuqataa mid aad u yar. Iyadoo shirkaddu ku guulaysatay keenista adeegyo tayo leh oo dadweynuhu mahadiyeen.

Shirkadda SOMTEL oo ku caanbaxday adeegga wireless-ka / (xadhigla’) casri ah oo ay tayadiisu aad u sarrayso iyo weliba qiime aad u hooseeya oo ay ku bixiso adeegyadeeda kala duwan. Qiimaha iyo tayada adeegyada shirkaddu bixisaa waxay ku sifoobeen kuwo la mahadiyey sumcad iyo kalsoonina u soo jiidey shirkadda iyo dhammaanba ummadda ku hadasha afka Soomaaliga meel kasta oo ay ka joogaan daafaha dunida.
farriimaha kala duwan sida SMS and MMS; GPRS/EDGE modem barnaamijka ila-soo-hadal(VoIP) ee lagu ladhay telephoonka gacanta iyo weliba adeegga maqal iyo muuqaalka 3G video call oo shirkaddu (SOMTEL)noqotay shirkaddii ugu horreysey ee keentay mandaqadda siiba Somaliland. Waxaa xusid mudan adeegga casriga ah ee Internet-ka, iyada oo ay shirkaddu SOMTEL ku caanbaxday Internet uu xawaarihiisu aad u sarreeyo una dhigma kan laga helo waddamada hore u maray ee ay ka mid yihiin Yoruba iyo America. Waxaan isna la hilmaami karin aaladda loo yaqaanno EDGE Modem-ka ee lagu walwaasho/qaato Internet-ka guura (wirelessflash-ka)oo ay shirkadda SOMTEL markii ugu horraysey keentay kanahirgeliseyWadanka . Muran kama taagna in SOMTEL ku faani karto hoggaanka adeeggan Internet-ka oo waaayahan dambe noqday mid aan looga maarmi karin nololmaalmeedka banubasharka.
Aan Tusaale u soo qaato wacdaraha shirkadda ee dhinaca adeegga Internet-ka iyo sida ay u noqotay shirkaddii ugu horraysey ee suurtagelisey in TV yada u baahin karaan barnaamijyada si toos ah (live coverage ) oo laga daawan karo caalamka dhammaantiis. Xusuuso baahintii tooska ahayd ee shirkaddu ku sharaftay xafladdii 18ka May 2011iyo labadii ku xigey ee ay nasiibka u heleen hawlwadeennada xafiiska qurbajoogga Somaliland (Somaliland Diaspora agency ) lana xidhiidhey xafladdii xagaaga iyo kii dood-cilmiyeedkii lagu qabtay jaamadda Hargeysa isla sannadkii 2011.
Aan kuugu sii daro ga ciyaarahii kubadda cagta ee garoonka ALAMZEY stadium ee ku yaalla magaalada Burco iyo sida layaabka leh ee ay shirkaddu SOMTEL u muujisey awooddeeda dhinaca technology-ga casriga ah siiba Internet-ka iyadoo shirkaddu ku guulaysatey in ay si toos ah u quudiso tiraba afar TV iyo weliba Radio Hargeysa kuwaas oo isku waqti tebinaya geeddi-socodka ciyaaraha gobollada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *