Mohamed Jama RoblehS1. Yaa ka mas’uul ah ?   Dameerka labaatan sano iyo in ka badan lagu shaqaysanaayey ee dhisme laga samaystay, ubad lagu koriyey oo jaamacaddo kasoo baxay ee gudaha iyo duleedada magaalooyinka iyo tuulooyinka gaajo iyo macaluul dhaqaaq-joogsanaya.  ama meeraysta yaa

ka ma’uul ah ?,  cuqubadiisa yaa dummadda loo saarayaa ?  Ma la helayaa maxkamad ugu xukunta ku-danaystihii in maalintii uu siiyo galaan  ama laba galaan oo hadhuudh ah iyo biyo ?
S2 .  Maxaa laga yeelayaa dadka dhimirka meelo u furtay ee kaalmayn iyo caawimo in lagu siiyo ku  baaqaya ee u raadinaya ? . Maxay u ururin waayeen dadka waalan ee rag iyo dumarba leh ee suuqyada meeraysta ?, ma kuwa lacagta lala daba socdo ayuun baa meelahaa loo furtay ? Ciddii aan cidi wadanin miyaanay qorshaha ugu jirin ? ma adduunyo iyo faraqabsi baa meelahaa loo furtay kaalmada loo codsado ? Haddaba garanay dadka lala daba-socdo arrin iyo adduunyee, yaa ka mas’uul ah in ay ururiyaan dadka aan cid lahayn ee waalan ? Dulmigooda yaa loo raacayaa ?
S3.   Yaa lagu hallaynayaa ubadka yaryar ee derbi-jiifka ah  ee xabagta iyo anshax-xumada ku baranaaya?  Miyaanay saamayn ku lahayn mustaqbalka  aayaha dalka ?
S4.   Yaa xal u helaaya danyarta meheradaha suuqa hor-fadhiista ee dawladda hoose cagafta geliso iyada oo meheradluhna kiro dulsaar ah ka qaado danyartaa ?
S5. Yaa u maqan waddooyinka turun-buuqada wada yeeshay ee baabuurtii burburka ku haya ? lacagta waddo maristase halkee la mariyaa ?
S6.  Waddaniyaddii xaggee bay innaga qabatay , miyaa laynaga beddeshay? Waddanigi mee, goormuu garan doonaa adaa dalkan leh ee wax gasho ama baylahda ka illaasho ?
S7.   Yaa ka dambeeya qorshaha bulshadu xashiishka ka bixiso lacagta kale iyada oo cashuurtii adeegga bulshada haddana bixisa ? Bulshada miyaan loo adeegeen mise waa laga adeeganayaa ?
S8.   Maxaa lagu kala saarayaa waddaniga cashuurta bixiya iyo moogaha bixinteeda diida ?
S9.   Horumarka dal waa kolba inta aqoonta dadkiisu gaadhsiisan tahay,   haddaba sidee dal horumar ku gaadhayaa ? ma jaamacaddo badan baa mise waa siyaabo kale ?
S10.  Dabka maanta adduunka waxa lagu shitaa kemiko, halkaynu weli ku
eegnahay madagtii. Ma awrka dooh iyo madag baynu ku ekaannaa
mise tartan baynu ummadaha la galnaa ?
S11.   Yaa wax u sheegaaya dadka garanla’ digaaga dalka ku dhaqda ee digaag, beed iyo maraq-digaag dibedda innooga soo waaridaya ee weliba Tv-yada ka xayaysiinaya ? miyaanay waddaniyad lahayn,  ama khajilaynin ?  maxaa u diidan inay dad xigaal ah ku maal-geliyaan soo dhaqa digaagga? Miyaanay ogeyn in kumanaan maalin keliya lagu dillaacin karo ?  Taladii iyo garashadii maxaa innaga qaaday ?
S12.  Maxaa laga yeelayaa dal musbaar samaysan la’ oo haddana birtoodii dal kale loo raraayo ? ma daysta ayaynu garan la’ nahay ha innoo taallee gurashada u diida ?
S13.   Qabyaaladdii hadday madaxdii sare gashay, sidee wax looga qaban
karayaa ? Madaxweynuhu ma ogyahay madaxdaa bahasha
hillaabtey ? miyaanay jirin habkii dhuudhaaska ee wax lagu ogaan
jirey ? mise waa sidii hawshii laba midiglaha ?
S14.    Aakhiro xaggee baa lagu illaabayaa iyo maalinta xigaalku kala
ordaayo ? yaa yidhi dulmigii waa layska dhaafay, yaase daliil u
haya ama u helaaya ?
S15.     yaa loo xilsaaray dameerka arxan-darrada loo saaro xammilka
culus ee dalcadaha tiirada dheer laga saarayo ? dembigaa yaa u
doonyo-qaad ah ?
S16.  Waxbarashadu waa muraayadda dalka, agaasime guud ee waxbarashada Aasaasiga oo waxtar ah ayaa laga beddelay oo la keenay mid aan dhaqankii waxbarasho lahayn oo reerkii ah oo xataa maamulku ka qaldan yahay. Haddaba kol haddii ay reeraysan tahay miyaa la waayey mid aqoon u leh iyo waayo-aragnimo wasaaradda waxbarashada ? miyaan waxbarashada loo tixgelinaynin aqoonteeda  iyo yaa wadi kara ? maxaa dhacaya haddii kii adhiga looga quustay geela loo diro ? miyaanay fiicnayn in xukuumaddu ka fiirsato ciddaan ehel u ahayn waxbarashada oo loo magacaabo ?
S17.  Yaa innooga taliya dadka baradho, basal iyo toon ilaa Chine  innooga
keenaaya ee garanla’ halkan ku beerta way ku baxdaaye ? ama
sidoo kale garanla’ beeraleyda maal-geliya oo idinku ka sii iibsada
dalaggaa dalka iyo dadkaba dhaqaalihiisa kor u qaadaya ?
S18.   Waxaan maqalnaa dhuxusha ha la joojiyo, dhirta yaan la garaacin, maxaa innaga hortaagan in la helo fikirado habab iyo walxo u dhigma oo loogu beddesho ? Haddii aan la helin beddel ma laga maarmayaa isticmaalka dhuxusha ?
S19.   Ummaduhu caqliga iyo garaadkay isku biirsadaane yaa innagula ballamay in labadaba lala kala cararo oon laysula iman ?
S20.    Yaa ku dhaliya dadka dhismeyaasha ku waashay inay biyaha dooxyada xidhaan, si ay faa’iidada u tusaan dadkooda , shaqana dhallinta ugu abuuraan ?.
S21.    Maxaynu uga khashaafnaa in aynu cunno waxaynu beeranno ? Isla-weynidaa xaggee baynu kala nimi ? Faqiir-musda-kibir ma ka muuqdaa fagaaraha tartanka horumarka ?
S22.   Maxay dalka u qabteen dawladaha hoose muddadii 20 sano ? Si xalaal ah maysula xisaabtannaa, xukuumadii hore maxay kala qabteen muddadoodii ? tanse maxaa laga filanayaa ?
S23.   Ma lays weydiiyey weli in qabyaaladdii laga guurey iyo in kale ? Sidee looga bixi karaa bahashan dhuuxa innooga dhacday ? Ma isla garan karnaa habka keliya oo aynu kaga bixi karno qudhunka iyo qabyaaladdaa ?
S24     Beryihii hore  waxa jiri jirey xisbi  iska daba hadla macfallada  oo midba kiisa ka dambeeya dhulka la dhaca . Haddaba hadda waxa soo baxay beelo iska daba hadla oo Tv-ga isu fuula .  Ma odhan karnaa beelahaasi waxay la mid noqdeen Xisbigii ? Beelihii maxaa gurraca baday ee u diidey inay toos u socdaan ?  Haddayse garan waayeen, kuwooda ka daba hadlaaya ma odhan karnaa way ka fiican yihiin ?
Markase Tv-ga laga eedaynayo beesha oo iyadu is-cambaaraynayso jiritaankeennii wax ma u dhimaysaa iyo ictiraafkii mise waa ceeb beeshuun ah ?
S25      Dalka waxa jira qormo-joog iyo qurbo-joog . Xukuumadda hadda ma qurbo-joog uun baa dooretay ?  Qormo-joogga yaa uga badnaa doorashadii xisbiga talada haya ?  Maxaa sababay in xukuumaddu dhegeheeda u furto qurbo-joogga oo qudha ? Xukuumaddu ha ogaato in qormo-jooggu doortay dalkana u soo halgamay ? Mise waa laga dul-guurayaa qormo-jooggii ?
S26.     Kolkaan shanta doonaayey qiiro darted ee aan koonfur isugu tuuray shuruud la’aan waxa lay bixiyey Somali-qaldaan. Dhib wixii lay geystey haddii aan dib u-gurtay oo tii aan garan waayey markii aan manta gartay, maxaan dhimay ee weli  I daba dhigay walaalaha Somaliya ?  Haddaarka maxaa keenaya ma indhaan u ahaa ? maxaase u diidey maca-salaama oo iga danaystaan ? Ma faal baa ii qabtay inay igu dhegaan ?
S27.    Yar iyo weyn, madax iyo mijo, aqoon-yahan iyo garaad-yahan , maal-qabeern iyo dantii-raac maxaa innoo diidey in aynu wax ka qabanno biyaheenna badda ku qulqulaaya ? Nimcada Eebbe inna siiyey maxaa aynu uga faa’iideysan la’nahay ? Maxaa innoo diidan in aynu dalag ku beeranno oo dabeed kaga maaranno bariiska iwm ? Biyo la’aanta xoolaheenna haysa ma innagaa ugu wacan mise waa tamar-darro xaggeenna ka timid ?
S28    Horaa loo yidhi waxaan nabad iyo caano ahaynba waa la kala qaadaa. Ma la dareensan yahay in waxyaabo badan la kala qaaday ? Ma la garan karaa waxyaabaha aynu kala qaadnay ?
Waxaan jecelahay marka aad dhamayso qoraalka maqaalkan inaad aragtida iyo rayigaaga ka dhiibato oo ka jawaabto su’aalaha wixii aad ka fahanto mawduucan  ee ay kuula muuqato jawaabta ku haboon.
Prof. Maxamed  Jaamac Rooble
Bahdoon Corporation Chemical laboratory
Hargeysa Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *