Geeridu waa xaq, Waxaase   dhacaday geeri naxdin badan, waan hubaa adiga iyo qof kasta oo sidaan u bartay u baran lahaa Marxuum Eng. Aadan Muxe’ed Xuseen inay indhihiisa Ilmo ka iman lahayd oo uu dareemi lahaa murugo marka uu maqlo geeridia Marxuum Aadan Muxe’ed Xuseen

Illaahay naxariistii jano 
ha ka waraabiyee wuxuu ahaa qof shaqsiyad fiican oo akhlaaq iyo eedaab badan, isla markaana ma daale ah oo maskax furan. wuxuu jeclaa inuu u naxariisto dadka oo wixii uu owoodo ku gargaaro. wuxuu ahaa marxuum Aadan Muxe’ed Xuseen dalad ama geed hadhweyn oo la hadhsado, isla markaana kulmiya oo ay hadhkiisa isugu yimaadaan dhalinayaro, ama ashkhaas aan heshiis iyagu ahayn, ama aan saaxiibo dhab ah ahayn, balse uu isagu kulmiyay, kuwaas oo aan la’aantii kulmeen, ama aan meel isugu yimaadeen.
Marxuum Aadan Muxe’ed Xuseen wuxuu ahaa intii aan dunida guudkeeda ku noolaa shaqsiyaad fara ku tiris ah oo aan dadnimadooda u bogay, wuxuuna marxuumku ka mid ahaa dadka sifooyinkaa leh ee dunida aynu maanta ku noolahay kasii dhamaanaya. Inaa Lilaalh wa Inaa Ilayhu Raajuciin. Marxuumka wuxuu Axadii 12 February 2012, ku geeriyooday Adna Hospital oo ku yaala Magaalada Hargeysa, kadib markii maalmo yar xanuun dhinaca Neerfayaasha ahi soo waajahay oo sababay inuu socodku ku adkaado, waxaana marxuumka Monday, 13 February 2012, lagu aasay magaalada Hargeysa.

Tafaftiraha Araweelonews Carraale M. Jama oo ay marxuumka saaxiibo qaali ah ahaayeen  iyo  bahda Araweelonews, iyagoo ka murugaysan  geeridaa naxdinta leh, waxay dhmaan saaxiibada iyo skhirstayaasheeda  u weydiinaysa inay ugu duceeyaan marxuumkaa oo ahaa shaqsi qiima badan in Illaahay naxariistii jano ka waraabiyo asxaabtii ehelkii iyo qoyskiina samir iyo iimaan ka siiyo.  Aamiin Aamiin Aamiin
Inaa Lilaalh wa Inaa Ilayhu Raajuciin

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *