Waxaan marka hore salaanta islaamka u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland , meel walbba oo ay joogaanaba, Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.

Feb 20,2012, oo aan xusaynno sannad guuradii  ka soo wareegtay maalintii ardayda  Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso,taariikhdeeda la qoro,loona aqoonsado maalin Qaran.
Haddii waqtigu ii saamaxo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaa goobtii aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii aan goob jooga u ahaa ee ka dhacday halkaa.

Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii maxakamadda la keenay Macallimiintii,Dhakhaatiirtii,Aqoonayahanadii, Dhallinyaradii UFFO, ee xaq darrada lagu xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka magaalada Hargeysa iyo xaalad da murugada leh ee uu ku sugnaa 1982 , oo ahayd arrin aad looga  damqado,laga gil gisho,laga murugoodo, waxaanay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFFO , ay u guntadeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga  qarsan karin,ee bulsh adii laga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee noloshu u baahnayd… Dawo aad u doonato dhaafee,nadaafad darrada, tayo xumada &  dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay n afiba kuu geyseen, haddii aad waqtigaa Hargeysa  joogi lahayd.

February 20,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey .Jaha wareerkaa maalintaa ku dhacay Ciidankii Siyaad Barre, waxay  miciinna u arkeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon gur yaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weed haadu ma gasho,” waana maalintii keligii taliyihii Afweyne Barre ,Basaasiintiisii iyo Qabbaanadiisii ba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u  dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaa stoodii !!!

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii ku sh ahiiday  maalintaasi,waxaanan ilahaay uga baryayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabi yo.Waxaan kale oo aan tacsi gaar ah u dirayaa, ehelkii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii jan no fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aad isu naqaanay ,kana mid ahaa Ardaydii dhagax tuurka , ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiigyocabka ahi  sida arxan -darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.

Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dhalinyarada Som aliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqe eya , difaaca , ilaaliya , kuna dadaala inaad  adkaysaan Nabad gelyada,jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland ee lama taabtaanka ah , naf iyo maalnna aynu ku bixinnay.
February 20 ,2012, oo ku began sannad guuradii  dhagax tuurka ee ardaydii Dugsiyada Sare  ee magaalada Hargeysa , ay dhagaxa kala hor tageen askartii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, waa maalin mudan in si weyn loo xuso ,taariikhdeeda la qoro, loona aqoonsado maalin Qaran.

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
February 20 , 2012

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *