Hargeysa(ANN)Shirkadda Al-Nuur Furniture, ayaa la gudoonsiiyay abaalmarin ay ku mutaysatay waxqabadkii ugu mudnaa sanadkii dhamaaday ee 2011.  Xafkad  si weyn loo agaasimay oo lagu qabtay Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu maamuusay abaalmarinno lagu

 

guddoonsiinayay shakhsiyaadkii ugu waxqabadka mudnaa ee sannadkii 2011, taas oo ay shirkadda Al-Nuur noqotay shirkadda ugu mudan.
Ururka dhalinyarada ee SOYADO,  ayaa soo qabanqaabiyay munaasibadaa, taas oo  hal-ku-dheg looga dhigay: “Masuul daacad ah iyo ma-danayste hawlkar ah” iyadoo ujeedada munaasibadaa loo qabtay lagu sheegay inay tahay  mid lagu dhiirrigelinayo shirkadaha iyo ashkhaasta horumarka ku soo kordhiyay dalka intii lagu guda jiray sannadkii 2011.
Guddoomiyaha ururka SOYADO Md. Maxamed Haaruun Axmed ayaa sheegay inay abaal-marinahan ku saleeyeen ra’yi-ururin ay ka sameeyeen gobollada Somaliland, isaga oo ku dooday in qiimeyntoodu ka turjumayso aragtida dadweynaha.
Guddoomiyada SOYADO waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay kaalinta wax-ku-oolka ah ee shirkadda ALNUUR ugu jirto xarunta agoomaha Hargeysa, iyaga oo sida oo kalena ku ammaanay taageerada ay shirkaddu ka geysato hawlaha kale ee horumarinta dalka.
“Shirkadda ALNUUR Furniture waxay ku guulaysatay inay ka mid noqoto haldoorka horumarka sannadka 2011, iyada oo ku muteysatay horumar iyo dedaal dheeraad ah oo u badan dhinaca taageeridda ururrada bulshada iyo caawinta xarunta agoomaha” ayaa lagu yidhi shahaado-sharafta lagu abaal-mariyay shirkadda ALNUUR.
Maamulaha guud ee shirkadda ALNUUR Md. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo madashan kaddib dareenkiisa uga warramay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mar kale hantiyaan abaalmarinno ka turjumaya shucuurta bulshada, isaga oo xusay inay dedaalkooda halkaas ka sii wadi doonaan, isla markaasna ay taageeri doonaan horumarka bulshada guud ahaan.
Maamulaha shirkadda ALNUUR waxa uu sidoo kale u mahadnaqay dhalinyaradii isku hawshay inay barnaamijkan abaabulaan.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xidhitaankii madashan shahaadooyinkii loo gartay guddoonsiiyay saddexdii shirkadood ee ugu waxtarka badnaa bulshada kuwaas oo kala ahaa ALNUUR Furniture, Telesom iyo Somtel.
Waxa kale oo halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin 17 xubnood oo u badan golaha Xukuumadda, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Duulista iyo hawada, Maayarka Gabiley, Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Sh. Aadan Siiro, Aamina Maxamuud Diiriye, Xil. Nacnac iyo xubno kale oo badan.
Shirkadda Al-Nuur Furniture oo carwadii ganacsi ee lagu soo bandhigay Somaliland dabayaaqadii sanadkii hore qaadatay abaalmarin ay ku mutaysatay dhinaca adeegayada ay bulshada u qabato iyo waxyaabihii ay kusoo bandhigtay carwadaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *