Marka Hore Waxan Salaamayaan Dhamaan Madaxda dawlada Somaliland iyo Dhamaan ummada Somaliland waxan leyahay asalaamu calayku waraxmatulaahi waa barakatu intaa kadib waxan soo jeedinayaa arimo mihiim u ah dhamaan
umada somaliland melkasta oo ay  joogto, kuwaas  waxtarna inoo leh ka hadalkoodu.

Ugu horayn  waxan ka hadlayaa in badan waxaynu maqlaynay madaxwaynihiibaa meel hebla laga casuumay,  madaxwaynihiibaa meel hebla shir loogu yeedhay,  markasta oo madaxwaynaha dal kale looga yeedho waxan is idhahdaa tolow maanta waxa  uu soo kordhiyay waa maxay? hadana markaa  ayaa la waayaa wixii la filanayay madaxwaynuhu wuxu tegay dalal aad u badan sida, UK, Kuwait, koonfurta Sudan Ethiopia, hadana  ugu danbayntii socdalkiisa waa kan kaga yimi dalka China.  Inkasta oo u sheegay balanqaadyo culus hadana inbadan oo ka horeeyey oo balan qaadyo ah ayaa jiray sida balantii Kuwait iyo kuwo lamida intaa kadib horta waxan leeyahay madaxwayne dedaalkaagu wuu wanaagsan yahay halkaana ka sii wad, laakiinse shacbigu weli dhegtuu kuu taagayaa, waayo madaxwaynoow dalka oo dhan iyo dadka adaa masuuliyadiisu kusaarantahay saad horeba ugu qaadatay.

Madaxwayne shacabku waxay kuu doorteen is bedel dalka iyo dadka ah hadaba iyada oo aan degdeg jirin lana ogyahay inta ay dawlada cusubi jirtay dedaalka aad ku jirtidna la og yahay waxaanu kaa codsanaynaa waxa jira gobol aad ilawday ee Madaxwayne taa ma ogsoontahay,
Madaxwayne gobolada somaliland waa inay isku xidhnaadaan waxa jira gobol ga’doon ah oo aan laga war hayn lana ogyahay xaalkiisa waana gobolka Sanaag ee la soco

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wa barakaatu

Qalinkii C/raxmaan Axmed Maxamuud ilsar

kafeeye@hotmail.com
kafeeye2012@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *