Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay ka mid tahay hay’adaha ugu baaxadda weyn, isla markaana ugu miisaanka culus hay’adaha kala duwan ee dawladda Somaliland, waxaanna hoosyimaad madaxda iyo masuuliyiinta dhammaanba gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo dhinaca kalena

hay’adaha kale ee dawladda iyo kuwa madaxabannaanba siyaabo kala duwan ula shaqaysay, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, nabadgelyada iyo ka shaqaynta xasilloonida guud ee qaranka Somaliland.
Wasaaradda daakhiligu waa hay’ad waajibaadkeeda shaqo yahay ka warhaynta iyo la socodka waxkasta oo ka dhaca ama ka socda gudaha xuduudaha Somaliland bad iyo berriba, iyada oo la shaqaynaysa hay’adaha kale ee aan sida toos ka ah u hoos iman, balse qaabilsan arrimahan aynu xusnay.
Waxa wasaaradda daakhiligu u xilsaaran tahay ilaalinta ammaanka magaalooyinka, gobollada, degmooyinka, tuulooyinka iyo meelkasta oo Somaliland ah, iyada oo la kaashanaysa ciidammada booliska iyo madax-dhaqameedyada kala duwan miyi iyo magaalaba.
Waxa kaloo wasaaraddaasi qaabilsan tahay xidhiidhka u dhexeeya xukuumadda dhexe iyo  gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka, maadaama guddoomiyaha gobolka oo hoos-yimaad wasaaradda arrimaas qaabilsan sida ku cad qodobka 111 ee dastuurka Somaliland, farqadiisa 6aad oo qeexaysa in guddoomiyaha gobolku yahay  xidhiidhiyaha xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka gobolka, isagoo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxa kaloo wasaaradda daakhiligu dalka ka caawisaa kobcinta dhaqaalaha iyo ururinta cashuuraha, iyada oo la shaqaynaysa wasaaradda maaliyadda oo arrimahaas qaabilsan. Sidaa daraadeed, wasaaradda daakhiligaa oo miisaankaa culus leh. Waxa qurux badan oo waajib dastuuriya ah in masuulka loo magacaabayaa uu noqdo mid ka dabbaalan kara baaxadda wasaaraddaasi u leedahay qaranka, waxana fiican in masuulka xilkaas lagu aaminayaa uu noqdo mid la miisaan ah mustaha mansabka loo dhiibayo ama kaba sarreeya oo aqoonteeda iyo waayo-aragnimdaiisana wata.
Sida laga wada warqabo waxa Khiimiistii taariikhdu ahayd 18 August 2011 xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha iska casilay Dr.Maxamed Cabdi Gabboose oo muddadii sannadka iyo dheeraadka ahayd ee uu xilkaas hayey loo tirinayey dhaliilo badan iyo inuu xilkii qaranka kaga mashquulay olole hoose oo uu ugu jiray sidii uu mar uun u furan lahaa urur-siyaasadeed, kaas oo uu ugu dambayntii maalintii uu xilka iska casilay ku dhawaaqay inuu doonayo sidii uu ugu madaxbannaan lahaa meelmarinta hankiisa siyaasadeed ee la xidhiidha furashadda urur-siyaasadeed.
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose inkasta oo uu yahay siyaasi mujaahid ah oo dalka halgan u soo galay, haddana dad badan oo saluugsanayaa ayaa ku tilmaami jiray in xilka loo dhiibay aanay shaqadiisii ahayn, balse dhakhtarka u fiican tahay inuu faraha ka qaado arrimaha siyaasadeed ee uu dhex dabbaashay, dibna ugu noqdo mihnaddiisa shaqo ee dhakhtarnimo, madaama ay jiraan bukaan badan oo baahi u qaba cid dawaysa xannuunka Dr. Gabboose takhasuska u leeyahay.
Markii Dr. Gabboose is casiley waxa soo baxay rag badan oo hunguri ka galay inay buuxiyaan xilka wasaaradda daakhiliga ee bannaanaaday, laakiin nin waliba dhinaciisa xamaanta ha u urursado oo caaqil iyo cid wastaysa ha ku waashee cidda qudha ee awoodda dastuuriga ah u leh buuxinta jagadaasi waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga ayeyna tahay inuu soo xulo masuulka u qalma wasaaradda daakhiliga, isaga oo eegaya waayo-aragnimda, khibradda iyo kartida masuulkaasi u yeelan doono inuu ka midho dhaliyo waajibaadka culus ee dhakhada laga saaray, guusha iyo guul-darada masuulka xilkaas loo magacaabo soo hooyaana waxay faa’iido ama khasaare u yeelanaysaa qaranka Somaliland iyo madaxweyaha bulshada aqoonyahanku ka buuxo kelidii kala soo dhexbaxay. Inkastoo qaddarka iyo awoodda Illaahay (SWT) iyana halkeeda tahay.
Shakhsiga loo magacaabayo xilka daakhiliga maaha, mana qurux badna in lagu soo xusho, eex, reernimo, qaaraabonimo iyo saaxiibtinomo midna, laakiin waxa madaxweynaha awooda dastuuriga ah u leh looga fadhiyaa inuu jagaas u soo xulo shakhi ama masuul aqoon iyo karti u leh ka midho-dhalinta hawlaha miisaanka culus ee wasaaradda arrimaha guduhu dalka u hayso, masuulkaasi gobolka uu doono iyo deegaanka uu doono ha ka soo jeedee.
Kolley waynu ka warhaynaa oo culays badan iyo cadaadis xooggan ayaa madaxweynaha kaga iman doona shakhsiyaad dabada ku wata cuqaal iyo saaxiibbo oo doonaya in xilkaasi loo dhiibo, talooyin badan baa madaxweynaha ku socda oo arrimahaas la xidhiidha. Hase ahaatee, qofka go’aanka kama dambaysta ah gaadhaaya waa madaxweynaha oo looga fadhiyo inuu bedka soo dhigo nin ka soo dhalaala waajibaadka qaran ee loo xambaariyo.
Masuulka loo xulayo daakhiligu waa inuu noqdo shakhsi aqoon badan iyo cilmi u leh degaannada kala duwan ee Somaliland ee wasaaradiisu maamuli doonto, waa inuu noqdo nin leh hoggaamin, haggis, isku dubba-ridis iyo hubin in hawlaha wasaaradihiisu qaranka u hayso sidii loogu talogalay u socdaan. Waxa loo baahan yahay in masuulkaasi noqdo mid hadh iyo habeenba heegan u ah ka warhaynta waxa ka dhacaya dalka gudihisa oo dareenkiisu u xidhan yahay deegan kasta iyo tuulo walba oo dalka ah miyi iyo magaalaba. Waxa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu soo xulo shakhi leh dulqaad, go’aan qaadasho, cod kar ah oo dadka wada qanci kara, haasaawiye bulshada isku wadi kara oo cida wax tabanaysa iyo ka laga tabanayaba qancin kara. Shakhisigaas waxa looga baahan yahay in shaqadiisu ku koobnaato oo qudha xilka wasaaradda arrimaha gudaha ee lagu aaminay oo aan arrimo kale iyo siyaasad isku mashquulin sida Dr. Gabboosihii ururradu ka dhex guuxayay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *