Oslo(ANN) Urur Siyaasadeedka RAYS, ayaa xafiis cusub ka furtay todobaadkan caasimada Norwey ee Oslo, taas oo qayb ka ah dardar gelinta Ururkaa iyo sidii laysugu xidhi lahaa tageerayaasha dalalka Yurub iyo dalka gudihiisa. Gudoomiye

xigeenka koowaad  Axmed Cilmi Dhoolayare oo socdaal ku maraya dalalka Yurub, ayaa xadhiga ka jaray xafiiska cusub ee Rays ee laga furay Oslo, wuxuuna hadal uu halkaa ka jeediyay kaga waramay barnaamijka Ururka RAYS iyo waxyaabaha ay doonayaan inay ka qabtaan adeegyada aasaasiga ah.

sidoo kale wuxuu ka hadlay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan.

sidoo kale waxa madashaa ka hadlay masuuliyiinta xafiiska cusub ee Rays, waxaana taageerayaasha Rays muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay hiil iyo hooba la garab istaagaan Ururka RAYS.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *