Hargeysa(ANN)Dawladda Maraykanka ayaa u qaybisay Muwaadiniin ganacsato Somaliland u dhashay lacag ay ku maalgeliyaan fekradohooda ganacsi, si loo kobciyo dhaqaallaha bulshada.
Munaasibad shalay lagu qabtay  Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, ayaa  lacag cadaan ah oo dhan hal milyan oo Dollar loogu qaybiyay  13 Ganacsadde oo reer Somaliland ah, kuwaas oo laga soo xulay 292 oo dalbaday deeqdaa lacageed, isla markaana kuwa lacagta  ku guulaystay ayaa loo qorsheeyay sidii ay lacagtaa  ganacsi ugu  abuuri lahaayeen, kaas  wax ka taraya koboc dhaqaale iyo shaqo abuurista.
Deeqdan oo dawladda Maraykanku ay soo marisay Ha’yadda USAID, ayaa  qeyb ka ah  mashaariic ay dawladda Maraykanku ugu tallo-gashay inay kor ugu qaado dhaqaallaha iyo ganacsiga dalka, waxaana munaasibaddii deeqdaa  lagu gudoon siinayay  ganacsatadaa ka qeyb galay Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda.
Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in deeqdani ay tahay mid wax ka bedalaysa dhaqaallaha dalka oo uu tilmaamay inay toos u saamaynayso dhaqaallaha iyo wax soo saarka.
“Runtii waxa xiiso lahaa oo la xusi karaa qaabkii loo soo xushay 13-kan Ganacsade ee ku guulaystay Barnaamijkan oo ay soo dalbadeen 292 Ganacsade oo reer Somaliland ah. Waxa loo soo xushay ganacasatadan si xor ah oo cadaalad ah, waxaana aanu kala shaqaynaynay Ha’yada DIA, wasaaradda qorshaynta iyo Rugta Ganacsiga. Waana aanu ku qanacsanayn wasaarad ahaan sidii ay bilow ilaa dhammaad hawshaasi u qabsoontay. Waa barnaamij dhaqaale kobcin ah oo toos u saamaynaya dhaqaalaha dalka,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Sidoo kale, la Taliyaha mashaariicda ee Ha’yadda USAID u qaabilsan Somaliland/Somalia Marry Pett Mckeever, oo ka hadashay mashruucan ayaa sheegtay inay uga dan leeyihiin inay kor u qaadaan dhaqaalaha Ganacsatadda Somaliland.
“Waa arrin xiise gaar ah leh barnaamijkan aanu ku taageerayno ganacsiga Somaliland si loo kobciyo dhaqaalaha bulshadda, waanay eegayaan qaadhaan bixiyeyaasha kale sida uu u fulo mashruucani.iyagoo ka fikiraya inay soo galaan haddii lagu guulaysto barnaamijkan,”ayay tidhi Marry Pett Mckeever, waxaanay intaasi ku dartay in fikradaha ganacsi ee la maal-gelinayaa ay ku wajahan yihiin dhinacyadda Kalluumaysiga, Beeraha, xoolaha nool iyo tijaaradda kaleba.
Sidoo kale, xubno u hadlayay ganacsatadda ku guulaysatay mashruucaa, ayaa u mahad celiyay dawladda Maraykanka  iyo barnaamijka  kor loogu qaadayo dhaqaallaha Somaliland, waxaanay balan qaadeen inay u fulin doonaan sidii heshiisku ahaa, isla markaana ay wixii loogu talogalay ku fulinayaan lacagtaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *