Hargeysa(ANN)ujaahidad Yurub Abiib Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inay u sharaxan tahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Gobolka Maroodi-jeex uga tartami doona Xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa ku bogaadiyey arrintan qaar ka mid ah Cuqaasha, waxagaradka  iyo Salaadiinta

deegaanka  ay kasoo jeedo.

Sidaa waxay Yurub ku sheegtey qoraal kooban oo ay xalay soo gaadhsiiyey warbaahinta,. Yurub Abiib Cabdi oo ka hadlaysa murashaxnimadeeda Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa  tidhi,  “Aniga oo ah Yurub Abiib Cabdi waxaan maanta (Shalay) 12 Jun 2012, shaaca ka qaadayaa inaan u sharaxanahay, Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Xisbiga KULMIYE, oo aan ka tirsanahay xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga.

Waxa igu kalifay inaan isa soo sharxo waxa weeyaan sidii aan dadkayga, dalkayga-ba wax ugu tari lahaa, waxaanan ku kalsoonahay inaan wax baddan ka qaban doono arrimaha bulshada maadama aan ahay qof baahida dadkeedu qabaan xog-ogaal u ah.””

Yurub Abiib Cabdi Cumar ayaa noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee Caasimada Hargeysa kaga dhawaaqday inay tahay murashaxad Xisbiga KULMIYE ugu tartami doonta Golaha Deegaanka, isla markaana waxay ka mid ahayd hablihii kaalinta libaax ka soo qaatey halgankii dib-u-xoreynta qaran ee Somaliland, isla markaana kaalin muuqata ku lahaa arrimihii nabadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *