Oslo(ANN) Urur Siyaasadeedka RAYS, ayaa xafiis cusub ka furtay todobaadkan caasimada Norwey ee Oslo, taas oo qayb ka ah dardar gelinta Ururkaa iyo sidii laysugu xidhi lahaa tageerayaasha dalalka Yurub iyo dalka gudihiisa. Gudoomiye
xigeenka koowaad Axmed Cilmi Dhoolayare oo socdaal ku maraya dalalka Yurub, ayaa xadhiga ka jaray xafiiska cusub ee Rays ee laga furay Oslo, wuxuuna hadal uu halkaa ka jeediyay kaga waramay barnaamijka Ururka RAYS iyo waxyaabaha ay doonayaan inay ka qabtaan adeegyada aasaasiga ah.
sidoo kale wuxuu ka hadlay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan.
sidoo kale waxa madashaa ka hadlay masuuliyiinta xafiiska cusub ee Rays, waxaana taageerayaasha Rays muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay hiil iyo hooba la garab istaagaan Ururka RAYS.