Hargeysa(ANN)Ururka Saxaafada Madaxbanaan ee Somaliland (SOLJA) ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku canbaareeyay  cabudhin  ay sheegeen inay  ku hayso qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ka hawl gala.Hogaanka sare ee Ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa  shir-jaraa’id  oo ay ku qabteen shalay  Xaruntooda Hargeysa, waxay Xukuumadda ugu baaqeen inay joojiso gabood falada ka dhanka ah saxaafada iyo dacwadaha joogtada ah ee sanadkii ay talada haysay ku soo dacwaysay ugu yaraan sideed ka mid ah qaybaha Warbaahinta.
Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamed-Rashiid Maxamed Faarax oo ugu horayn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda wadanka ka talisaa inay tan iyo markii Xilka la wareegtay sanad ka hor Maxakamadaha u gudbisay Dacwado ka dhan ah Wargeysyada Waaheen,Saxafi, Hargeysa Star iyo TV-ga Horn Cable oo laba cisho ka hor isagana dacwad lagu eedaynayo loo gudbiyay Maxakamadda, isagoo sidoo kale xusay inay jiraan dhawr Warbaahineed oo kale oo iyagana intii madaxweyne Siilaanyo talada haysay lagu fuliyay Dacwado xukuno Ganaax iyo xadhig isugu jira.
“intii lagu guddo jiray Ololaha Doorashada Madaxtinimada waxa uu Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayay Xukuumaddii talada ku wareejisay ku eedeynayay in la cabudhinayo Saxaafada oo ay iyagu Madaxbanaani siinayaan, isla martkaana uu dhaqan gelinayo Xeer Saxaafada ee 27/2004, Sanadkii ay hada Talada haysayna ilaa sadeed Dacwadood oo ka dhan ah Saxaafada ayay Maxakamada u gudbisay, kuwaasoo laba ka mid ah oo Wargeyska Waaheen iyo Saxafi lagu qaaday lagu xukumay Ganaax iyo Xadhig, kuwo kalena ay wali ku jiraan ilaa hada , taasi markaa waxay ka dhigantahay in Xukuumadu bil keliya aanay ka nasan dacwaynta Saxaafada” ayuu yidhi Maxamed-Rashiid
Waxaanu intaasi ku daray “maalin dhawayd waxa dhacday in Saxaafada lagu midab takooray shir-jaraa’id oo Wasiirka Arrimaha dibadu ku qabtay Madaxtooyada oo aanay ahaynba in lagu qabto, waxaana loo diiday inay ka qayb galaan Wargeysyada Waaheen, Ogaal iyo TV-ga Horncable”.
Xoghayaha Ururka Saxaafada Somaliland ee SOLJA, waxa uu hoosta ka ka xariiqay in Ururkoodu si kulul u cambaaraynayo xadgudubyada lagu hayo Saxaafada Madaxabanaan, waxaanu yidhi “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si kulul u cambaaraynayaa falalk noocaan ah ee Xukuumaddu kula kacday Saxaafada Madaxa banaan ee dalka, waxaanan Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu hoos u eego arintan oo uu wax ka qabto”.
Waxaanu intaasi ku daray”Madaxweyne Siilaanyo waa laga sugayaa balan qaadkii uu maalintii uu madaarka ka soo degay Saxaafada u balan qaaday inuu shir-jaraa’id u qabanayo, shacbiga iyo dadka oo dhamina way ka sugayaan”.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay Maxakamad Dastuuriga ah u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Xafiiska Xeer ilaalinta guud “waxaanu Maxakamada Dasturiga ah u gudbinay Dacwad ka dhan ah Xafiiska Xeer Ilaalinta, oo aanu kagag dacwoonayno sababta Dacwadaha Saxaafada iyo Dawlada ka dhexeeya loogu qaado Xeerka Ciqaabta guud, halka hadii qabsadaan Nin Suxufi ah iyo qof kale oo rayid ahi dacwadooda lagu qaado Madani” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.
Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA Salebaan Ibraahim {Saleban Guray} oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay joojiso Ficilada lagu curyaaminayo hawl qabadka Saxaafada dalka iyo Dacwadaha isdaba jooga ah ee ay Maxakamadaha kaga furayso, isagoo tilmaamay inuu Ururkoodu si toos ah u daba gelayo sababta ay Xukuumaddu cadaawada ugu hayso Saxaafada dalka “arintan waanu daba gelaynaa oo sidaa kaga hadhi mayno, wax loo sii Dulqaadankarana maaha” ayuu yidhi Saleban Guray.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *