Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee garabka uu hogaamiyo Faysa Cali Waraabe ayaa ku Hanjabay inay qaadi doonaan Talaabo ka dhan Xukuumadda haddii aan Xarumaha Xisbigaasi si dhakhso ah loo fasixin oo aanay xukuumaddu uga qaadin xayiraada iyo ciidamada ay dhigtay.

Xubnahaa garabka Faysal eek u magcaaban Xoghayaha Guud, Afhayeenka, Guddoomiyaha Garabka Haweenka, Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga UCID oo shalay  shirjaraa’id ku qabtay Hoteelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa ayaa digniin u jeediyay xukuumadda haddii aan deg deg looga qaadin xayiraada xafiisyadooda. Xubnahaa ayaa sidoo kale Xayiraada Maxakamada Sare ku soo rogtay Xafiisyadooda ku eedeeyay Wasiirka Madaxtooyada iyo Shakhsiyaad kale oo Xukuumadda ka tirsan  inay ka dambeeyaan Khilaafka Xisbigooda ka aloosan.
Afhayeenka Xisbiga Ucid ee Garabka Faysal Cali Waraabe Maxamed Xasan Shabaash oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi,  “Waxaanu ka digaynaa talaabada ay Maxakamada Sare Xayiraada ku saartay Xafiisyadii Xisbiga UCID, taas oo ay ka dambeeyaan shakhsiyaad Wasiirka Madaxtooyadu kow ka yahay, waayo shalay markii Odaayashu u tageen Madaxweynaha ee ay ku yedhaahdeen arintii Xisbiga ayaanu kuula soconaa, wuxuu shandadiisa kala soo baxay warqadii Maxkamadu Xayiraada ku saartay Xafiisyadayada, oo uu Madaxweynaha ku yidhi Xisbiga Xafiisyadiisii waa la xayiray, arintiisuna Maxkamad ayay ku jirtaa.
markaa Xirsi hadii uu faraha kala bixi waayo arimaha Xisbiga UCID anagu Dagaal ku qaadi maynee, anigoo Xaragoonaya ayaan Dhenged kaga saari magaalada”. Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbigaasi Mr Shabaash
Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage oo iyaduna shirkaasi Jaraa’id ka hashay ayaa eeddo kulul u soo jeedisay Masuuliyiinta Xisbigoodda ka tirsan ee Aadan Mire Waqaf Guddoomiyaha u doortay, kuwaasoo ay sheegtay in Xukuumaddu Hiil la garab joogto, waxaanay tidhi “Aadan Waqaf iyo C/raxmaan Cirro sababta ay Xisbiga u qasayaan waa Gardaro Garab og oo aan geed loogu soo gaban, waana taa Iminka Xafiisyadii Xisbiga loo xayiray, markaa Madaxweynaha iyo Ninka Xirsi la yidhaahdo ee markii shaqada Komishanka laga bedelay Gaadhiga Qorigu saaranyahay keynta ula baxay Faraha ha kala baxeen Xisbiga Ucid”ayay tidhi
Sidoo kale waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Jiir Cali Madoobe oo uu dhawaan Faysal Cali Waraabe u magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, kaasoo madaxweynaha ugu baaqay inuu isbedel ku sameeyo Masuuliyiinta ay isugu dhaw yihiin Golihiisa Wasiirada “Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu iska bedelo shakhsiyaadka xun ee umadda iyo isaga kala dilaya, waxaanan leeyahay Madaxweyne Saxaafadii aad shalay amaanaysay ayaa maanta Maxakamad la wada hortaagay (Horn Cable TV) oo aad 18 May amaanaysay ayaa maanta oo ugu dambaysay Maxakamada laga dacweynayaa, waxaana Saxaafada Dacweynaya Xirsi iyo Maxamuud Xaashi oo kuugu dhaw Masuuliyiinta Xukuumadda, arintan Xisbiga Ucidna Madaxweyne Ragii kula tartamay ayaad doonaysaa maanta inaad Xisbiyadoodii baabi’iso, taasina waa kugu ceeb, waxaanay horseedaysaa isku dhac ee arintaa madaxweyne hoos u eeg, waxaanan kugula talinayaa Madaxweyne Saddex Madaxweyne kaa aqbali mayno ee ragan aad Ilmaadeerada tihiin ee kugu hoos jira iska qabo” ayuu yidhi  Jiir Cali Madoobe.
Sidoo kale waxa shirkaasi Jaraa’id Hadalo kulul oo ay ku dhaliilayaan Xukuumadda iyo Garabka kale ee Xisbiga Ucid ka soo jeediyay Guddoomiyayaasha Gobolada iyo Xoghayayaashooda oo uu ugu horeeyo Xoghayaha Gobolka Hargeysa Mr Mawliid , kuwaasoo si midaysan Xukuumadda iyo Hay’adaha sharciga uga dalbaday in faraha laga qaado arinta Xisbigooda oo xafiisyadiisa loo fasaxo, iyagoo tilmaamay in garabka Aadan Waqaf ee iyaga ka soo horjeedaa yihiin Koox ka goosatay Xisbiga oo aan loo xayiri Karin xafiisyadiisa iyo danaha Xisbiga.
Dhawaaqa garabka  XisbigaUCID ee Faysal Cali Waraabe ayaa soo baxay kadib markii ay Odayaal iyo wax garad doonayay inay xaliyaan khilaafka labada garab maalmihii lasoo dhaafay sheegeen in garabka uu hogaaminayo Aadan Mire Waqaf diideen dhexdhexaadintii, kuwaas oo door biday inay sharciga ku kala baxaan, maadaama labada dhinacba dacwado u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *