Hargeysa(ANN)Guddoomyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) ayaa  cambaareynayaa weerar xalay  lagu dilay Weriyihii Telefiishanka Universal uga soo Warami jirey Magaalada Laascaanood Marxuum Axmed

Saakin Faarax oo dablay aan la aqoonsan toogasho ku dileen,  isla markaana waxa uu ciidamada iyo maamulka Gobolka Sool ka codsanayaa inay si degdega gacanta ugu soo dhigaan Dableyda hubeysan ee dilka toogashada geysatey.

Gudoomiyaha Mareegaha Somaliland Mustafe Jannaale waxa sidaa ku sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo maanta ka soo saarey Magaalada Hargeysa, kaas oo u qornaa sidan:-
“Waxay ahayd Xalay abaaro 11:00-habeenimo markii uu soo baxay dilkaa weriyaha  oo naxdin iyo fajaciso nagu noqday.  Weriye Axmed Saakin Faarax oo  Telefiishanka Universal TV uga soo warami jiray Magaalada Laascaanood.
Waa dhacdo ugub ku ah Somaliland in Weriye la toogto, waxay arrintani nagu abuurtey welwel iyo walaac iyo naxdin dheeraad ah, marna maanu filayn  in Weriye Somaliland lagu tooganayo, maadamaa ay Somaliland tahay dal nabad ah oo dimuqraadiyad  iyo xasilooni  ka jirto, isla markaana ka duwan tahay Somalia oo dhaqanka lagu weeraro suxufiyiinta iyo dilalka qorshaysan sanadii u danbeeyay ka soconayeen.

Sidaa darteed, Ururka Mareegaha Somaliland waxay cambaareynayaan dilka foosha xun ee lagu khaarajiyey Weriye Axmed Saakin oo ahaa weriye ku koobnaa shaqadiisa. sidaa awgeed Bahada Mareegaha iyagoo ka tiiraanyaysan dilkaa foosha xun waxay ka codsanayaan Ciidamada amaanka iyo maamulka gobolka Laascaanood inay si deg-dega u soo qabtaan cidii fulisay falkaa foosha ee  toogashada lagu fuliyey Weriyaha oo si degdega sharciga loo horkeeno. suxufigaasi oo ahaa wakiilka ururka SOLJA ee gobolka Sool.

Geba-gebadii waxaan  ILAAHAY uga baryaynaa Marxuum Axmed-Saakin inuu illaahay naxariistii jano ka waraabiyo, eheladii, qoyskii, suxufiyiinta Somaliland, asaxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.
INA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN”. ayaa lagu yidhi qoraalka Ururka midawga mareegaha Suxufiyiinta Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *