Koboca dhaqan-dhaqaale iyo ganacsiga xorta ah ee Somaliland wuxuu u suurtageliyay ganasato badani inay si fudud u keenaan dalka agab kala duwan, maacuun iyo raashin ay ka soo waarideen dacallada dunida.

Haddii ay meesha ka baxdo xukuummad ummaddeeda ka ilaalisa wixii khatar iyo saammayn ku yeelanayana mustaqbalkooda, noloshooda iyo caafimaadkooda, Xoriyad kastaa waxay leedahay xad, haddii ay xadkeeda dhaaftona mujtamaca waxa ku yimaada

 

dhabarjab weyn oo aanay ka soo waaqsan, kala-danbayn la’aan, danaysi shakhsiyadeed, dabinno ganacsi iyo durduro aan dabar lahayn.

Dulucda maqaalkaygu waxay salka ku haysaa khatarta aan la dhaadin ee agabka, raashinka, maacuunta iyo daawooyinka sida joogtada ah ganacsatadu uga soo waaridaan wadammada caalamka ee dalkeena sida joogtada ah u soo gala, maadaama ay meesha ka baxday shaqadii  Qaranku u igmaday inay hubiso, la socoto, islamarkaana ilaaliso, taasoo loogu yeedhay ‘Hay’adda Ilaalinta Tayada’ oo aan awood u lahayn inay bulshada ka hubiso waxyeelada ay xambaarsanyihiin agabka kala duwan ee dalka soo gala, taasoo dhaawac weyn u geysan karta dhaqaalaha iyo noloshada Mujtamaca, maadaama dhaqaale badan la soo geliyay.

dalalka adfuunka wuxuu leeyahay hay’add la yidhaa Consumer Protection afka caribigana lagu yidhaa حماية المستهلك Hay’addaasi waxay la meeqaam tahay ciidanka nabadgalyadda. Haduu ciidanku dadka ka ilaaliaayo cadowga dhibaatadiisa, hay’addu waxay ka ilaalisaa dhibaatada ku imanaysa alaabta debedda, caafimaad darro dhaawac dhaqan iyo wixii diinta wax u dhimaya.

Augost 2009k ayuu madaxwaynihii hore ee Somaliland mudane Dahir Riyaale Kaahin wuxuu ku dhawaaqay Hay’adda aan kor ku xusay ka dib markuu ku qancay baahida dadku u qabo, taasoo uu maareeye u magacaabay Ibraahim Diiriye (Afxakame); Ibraahim wuxuu ka mid ahaa raxan macalimiin jaamacadii lafoole ka baxday , kana shaqeeyay 1982 shaybaadh cuntada lagu baadho oo laga yagleelay Caasimada wadanka Sucuudiga ee Riyaad, tababarna ka qaatay khubaro Maraykan ah; kana tirsan Hay’adda xukuumada Maraykanka u xil saran baadhista cuntada iyo daawooyinka FDA (Food and drug Administration), kuwaasoo  u yimi tobabar ay siinayeen Sucuudiga iyo cidii kale ee ka shaqaysa Tayada sida cuntada loo baadho.haseyeeshee Magacaabista Rayaale waxay noqotay laab la kacay lugase mahayo.

La soco qaybta Labaad

Prof: Cabdi Xuseen Maraykan(FLOSY)

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *