Hargeysa(ANN)Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Ehelkii, Wasaaradda Duulista & Hawada, iyo Shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Duuliye Sare, MARXUUM,

CABDI CALI OBSIIYE oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, laguna aasay.

Marxuumku waxa uu mudo dheer duuliye sare ka ahaa shirkadii Diyaaradaha ee Somali Airline. Sidoo kale Marxuumku waxa uu 1991-kii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo hawada ee Somaliland oo uu ilaa 1991-2010-kii ka ahaa agaasime balse labadii sanno ee ugu danbeeyey uu ahaa la taliyaha wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada JSL.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Shacbiga reer Somaliland, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Ehelkii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *