Ayan abdiririzak radio hargeysa image araweeloarchive

Hargeysa (ANN)Koox hablo  suxufiyiin ah ayaa loo soo gebagebeeyay tababar  muddo todoba cisho ah ay ku baranayeen farsamada  disaynka  iyo qaabeynta Joornaalka ee afka qalaad lagu yidhaahdo [Layout Design], kaas  oo maanta loogu soo gaba-gabeeyey Caasimada Somaliland

 

ee Hargeysa.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay,isla markaana ay bixinayeen casharada qaar ka mid ah hablaha Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland ee WIJA oo u taagan, daryeelida iyo kor u qaadida aqoonta hablaha saxaafada Somaliland, waxa ka qayb galay 10 hablood lagu barayay mudadii uu socday farsamada habaynta Layout-ka.

Munaasibadii xidhitaanka tababarkaa  waxa ka  hadashay Madaxa mashaariicda ee Ururka Haweenka Suxufiyiinta Somaliland ee WIJA Marwo. Ayaan Cabdirisaaq Jaamac oo sharaxaad ka bixisay  sida loogu baahan yahay inay habluhu ka hawlgalaan, isla markaana ka shaqeeyaan joornaalada iyo Mareegaha Internet-ka, balse aanay ku koobnaanin oo kaliya Telefiishanada iyo Idaacadaha: “Tababar muddo todoba cisho ah u socday 10-hablood oo ka mid ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan warbaahinta Somaliland, tababarkan aanu hablaha bareynay casharo ku saabsan waxa uu ahaa bud-dhigista joornaalka [Lay Out Design], nasiib-daro waxaanu ka weynay joornaalada Print Media hablo ka shaqeeya, Madbacada qaranka iyo Joornaalka Afka Dawlada ku hadla oo aanu ka helnay sadex hablood oo ka shaqeeya, taasina waxay keentay inaanu hablaha tababaradan noocan oo kale ah u qabano.”ayey tidhi Ayaan Cabdirisaaq.

 

Waxayna iyadoo  hadalkeeda sii wadata tidhi “Muddooyinkan danbe  aad ayey u badan yihiin hablaha saxaafada ku soo biirayaa, kuwaas oo ku biira Telefiishanada iyo Idaacada, waxaanan ku dhiirigelinayaa hablaha saxaafadu inay ka shaqeeyaan joornaalada iyo mareegaha Internet-ka oo ay doorkooda u muujiyaan,isla markaana u noqon lahaayeen qoraa Wareysyada iyo Website-yada wax ku qoraan”
“Maadama aanu ka weynay Joornaalada iyo Mareegaha Somaliland hablo suxufiyiin ah oo ka shaqeeya ayaa waxaanu doorbidnay sidii aanu aqoonta hablaha iyo xifadooda suxufinimo la xidhiidha bud dhigista Joornaalka [Lay out Design] kor ugu qaadi lahayn.”ayey tidhi Ayaan Cabdirisaaq.
Ayaan Cabdirisaaq waxay ku dooday tababarkani inaanu ahayn kii ugu horeeyey ee Ururka WIJA  u qabto hablaha saxaafada Somaliland, balse hablo hore aanu u qabanay tababar noocan oo kale, iyada oo hablihii aanu wakhtiga wax barnay ay qaarkood ku shaqeeyaan.

Marwo. Ayaan waxay u rajeysay, isla markaana tallo ahaan ugu soo jeedisay hablaha saxaafada Somaliland inay wixii ay barteen ku shaqeeyaan “Waxaan idinka idiin rajeynayaa inaad aqoontii iyo casharadii mudadii todobada cisho ahayd ee tababarkani idiin socday aad barateen inaad ku shaqeysaan oo aad ku hawlgashaan, weliba idinka oo tabaruc ugu shaqeynaya Wargeysyada, idinka oo ka midho dhalinaya wixii aad ku barateen halkan, taas laf-tigeedu waa iga tallo”
“Ururka WIJA waxay soo dhaweynaysa hablaha saxaafada Somaliland, iyada oo u haysa niyad sami iyo qalbi furan dhamaan hablaha saxaafada Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo inta jecel saxaafada-ba.WIJA waxay ka shaqeyn doonta, kor u qaadida aqoonta hablaha saxaafada Somaliland,”
Ayaan waxay uga mahad-celisay hablaha suxufiyiinta ah mudada todobada cisho ah ee ay tababarka casharada qaadanayeen, iyada oo ku bogaadisay sida ay wakhtigooda ugu hureen mudada ay casharada baranayeen.
Sagaal Cabdiraxmaan Maxamuud oo ka mid ahayd ardeydii mudada todobada cisho baranaysay nashqadeynta iyo qaabeynta Wargeyska ayaa waxay u mahad-celisay ururka WIJA ee mudada todobada cisho ah barayey aqoonta [Lay ourt Design-ka].
Maaha markii ugu horeysay ee ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland ee WIJA ay tababar noocan oo kale ah u qabtaan hablo suxufiyiin ah, balse dhowr jeer oo hore ayey tababar u qabteen hablaha, taas oo ay ku kobcinayaan, isla markaana ay kor ugu soo qaadayaan aqoonta saxaafadeed ee ay hablaha leeyihiin.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *