Hargeysa(ANN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta markii ugu horeysay dhegaysatay  dacwad ka dhan ah Wargeyska Saxafi, taas oo la xidhiidha war uu wargeyskaasi qoray  ka dibna uu ka cadhooday  Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Maxamed Xaashi Cabdi oo dacwad u

gudbiyay maxkamadda gobolka Hargeysa.
Dacwadani ayaa markii ugu horeysay waxay bilaabantay 05,01,2011, waqtigaasi oo tifaftiraha Wargeyska Saxafi, Cabdi-Fataax Maxamuud Caydiid looga yeedhay maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo uu halkaa ugu tegay Xeer Ilaaliye, Aaden Seed iyo saraakiil ka socota Qaybta dambi baadhista ee Bileyska ee CID-da, kuwaas  oo maxkamadda horteeda ku dalbaday inay tifaftiraha wax weydiiyaan.
Hase yeeshee tifaftire C/Fataax waxa uu ku dacwooday in xeerka Saxaafadda Somaliland dhigayo in cidii dacwad u qabta saxaafadu ay maxkamadda keensato cabashadeeda, wax la baadhaana aanu meesha oolin, balse waxa laga cabanayo mar horeba la baahiyay.
Ka dibna Garsoore Siciid Yuusuf Indha-Caad (Siciid Dhegoole) oo dacwadda loo gudbiyay ayaa u sheegay xeer ilaaliyaha iyo CID-daba inay dacwadooda soo gudbiyaan, balse aanay jirin wax la weydiiyay tifaftiraha. Ka dibna waxa ay soo gudbiyeen wax ay ugu yeedheen warqad tilmaamaysa in uu tifaftiruhu ka masuul yahay baahinta laga cabanayo, iyadoo  uu garsooruhuna ku amray tifaftiraha inuu saxeexo.
Intaa ka dib shalay goor ay subaxdii hore tahay ayaa askari ka tirsan CID-du telefoon u diray tifaftiraha wargeyska oo lagu wargeliyay in laga doonayo maxkamadda.

Iyadoo  markii uu halkaa tegay Tifaftiraha Saxafi Garsooraha Maxkamadda gobolku ku wargeliyay in dacwadii la gelayo, iyadoo aanu tifaftiruhu helin qoraalka eedaynta ah, isla markaana aanu weli ogeyn waxa lagu eedaynayo, waxaanay dalbatay Xeer Ilaalinta u doodaysa Wasiirka Duulistu inay dacwadii furanto, isla markaana eedaysanaha xaashida eedda loo akhriyo.
Hase yeeshee waxa uu tifaftire C/Fataax sheegay in aanu waqtigaasi ka hor ogeyn arrintaa, isla markaana  aanay jirin cid warqad yeedhmo ah oo maxkamadda uga timid u keentay. Sidaa darteedna waxa uu doontay qareen ka difaaca eedaymahaa, kaas oo maxkamadda ka dalbaday in dacwadda dib loo dhigo iyo inay xaashida eedda soo darsaan. Xeer ilaaliyuhuna ayaa ku dooday in aanay suurto gal ahayn arrintaasi oo xabsiga la dhigo Tafaftiraha Saxafi.
Laakiin Garsooraha maxkamadda ayaa ganafka ku dhuftay soo jeedintaa, wuxuuna   ogolaaday  in xaashidda eeda ay soo dersaan Qareenka iyo Tifaftiraha, waxaanu garsooruhu dhegaysiga dacwadaas u muddeeyay in maanta la furo, balse waxay tifaftiraha ka dalbatay in uu damaanad keensado, taasi oo uu qareenkiisu qaaday.
Lama garanayo sababta Garsooruhu dammaanada uga dalbaday Tifaftiraha Wargeyska Saxafi maadaama aanu jirin dambi xabsi uu ku mutaysan karo, isla markaana weli dhegaysiga dacwadaas la gudo-gelin oo aanu dambiga lagu eedaynayaa weli ku cadaan.
Dacwadani waxay la xidhiidhaa war uu wargeyska Saxafi baahiyay 23-kii December 2010 oo sheegaysay in Wasiirka Duulista Hawadu lacag qadarkeedu yahay 2 milyan oo Diinar oo lagu caawiyay Somaliland uu ka soo qaaday dalka Kuwait, isla markaana aanay lacagtaasi khasnadda dawladda ku dhicin, balse xisaab gaar ah lagu shubay.
Arrintanina waxay ka cadhaysiisay wasiirka Duulista Hawada Maxamed Xaashi Cabdi, waxaanu dalbaday in garsoorka la horgeeyo Wargeyska Saxafi. Waxaana dacwadaa saaka dhegeysigeedu ka bilaabmay maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo la dhegeystay labada dhinac ee Wasiirka iyo Wargeyska. Waxaana dib loogu mudeeyay sabtida todobaadka danbe.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *