Wajaale(ANN) Ururka Somaliland Youth Peer Education Network oo kamid ah ururada Dhallinyarada ee ka hawlgala deegaanka Hargeysa, ayaa bandhig ciyaareed loogu talagaley Wacyigelinta  cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka  ku qabtey Magaalada Tog-Wajaale oo ku taala Xuduuda  dhinaca galbeed

 

ee u dhexeysa Somaliland iyo Ethiopia, isla markaana ah magaalo ganacsi.
Munaasibadan wajahnayd  sidii bulshada Wajaale looga wacyigelin lahaa Cudurka halista ah ee HIV/AIDS, oo ay qabteen Ururka (Somaliland Youth Peer) waxa ka qeybgalay qeybo badan oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Tog-Wajaale, sida Madax-dhaqameedka,Ganacastada,Haweenka iyo dhalinyarada. Waxayna  Ururka Somaliland Youth Peer Network, barnaamijkooda Wacyigalinta kusoo bandhigeen ciyaaraha Qalaama -rogadka iyo riwaayado goos goos ah oo ka turjumaya siyaabaha la isaga ilaaliyo Cudurka halista ah ee HIV/AIDS. Sida looga  hortegi karo  iyo arimo kale la xidhiidha wacyigelinta xanuunkaa.


Agaasimaha Ururka Somaliland Youth Peer Education Maxamed Mahad Dhamac oo ayaa sheegay inay Tog-Wajaale kamid tahay Magaalo irideedyada ay dalka Somaliland kasoo galaan dadyow badan oo ay suurtagal tahay inay  qabaan Xanuunkaa taas oo ay lagama maarmaan tahay in laga wacyi galiyo bulshada deegaanadaa  ku dhaqan guuda ahaanba, iyaguna ay xooga saarayaan wacyigalinta dhalinyarada iyo da’ayartu inay ka feejignaadaan halista cudurkaa.


Waxaanu xusay  in loo baahanyahay inay had iyo jeer barnaamijyadan Wacyi galinta ahi ku lamaanaadaan waxyaabo ay dadku ku dhageysan karaan oo xiisa galiya,  sida ciyaarahan qalamaa-rogadka ee ay kooxihii ururkaa ka mid  kusoo bandhigeen Wajaale.
Guud ahaanba kasoo qeyb galayaashii Barnaamijka  Ururka Wacyigalinta xanuunka dilaaga ah ee  HIV/AIDS (Somaliland Youth Peer Education HIV/AIDS,), waxa  soo jiitay  ciyaarta qalaamaa-rogadka ah ee ay soo bandhigeen dhalinyaradii wadey wacyigelinta, taas oo xiiisa gelisay  dadwenaha ku nool Magaalada Tog-Wajaale.
Ururka (Somaliland Youth Peer) waxay sheegeen  inay  barnaamijkan oo kale hore ugu  qabteen  Xaafado iyo Dugsiyo ku yaala  magaalada Hargaysa,  gaar ahaan Xaafada State house iyo dugsiga sare ee magaaladda Hargaysa ee Maxamuud Axmed Ali.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *