Hargeysa(ANN)Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta xadhiga ka jaray dhismaha xarun weyn oo loo qorsheeyay in lagu daryeelo carruurta derbi jiifka ah ee Somaliland. Dhismaha oo ku taala xaafada Maxamed Mooge ee Koonfur Bari Magaalada

 

Hargeysa ayaa la sheegay inay  ku baxday $ 97, 000 kun oo Dollar, taas  oo inta ugu badan ay bixisay shirkada DAHABSHIIL.
Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xaruntaa oo galabta lagu qabtay halkaa waxa kale oo kasoo qeyb galay Wasiirradda Daakhiliga , shaqada iyo arrimaha bulshada, masuuliyiin ka socday shirkadaha waaweyn ee dalka. Xaruntaa oo ka kooban dhismayaal kala duwan waxa loogu tallo galay in lagu daryeelo caruurta aan waalidka lahayn iyo kuwa kale ee ku dayacan suuqyada magaalada Hargeysa, waxayna ka kooban tahay laba qaybood oo Wiilasha iyo Gabdhaha loogu tallo galay inay kala galaan ,waxaana loo sameeyey illaa iyo hadda xaruntaasi qaybtii hurdada ee ay caruurtaasi seexan lahaayeen oo si qurux badan loo qalabeeyey,  isla markaana loo dhamaystiray jiifkii oo dhan iyo adeegyadii kale eel agama maarmaanka u ahaa nolosha iyo hoyga.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta Shirkadaha Dahabshiil Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) waxaanu ka waramay kaalintii ballaadhnayd ee ay ka qaateen dhismaha xaruntaasi hoyga u noqon doonta caruurta darbijiifka ah,waxaanu sheegay kaalintii ay ku lahaayeen hirgalinta dhismaha xaruntaasi inaanay u baahnayn in uu madashaasi ka sheego balse ay tahay mid iska muuqata isla markaana ay dadka daneeya kobcinta arrimaha bulshadu garanayaan dhaqaale ahaan sidii ay Dahabshiil Groups uga qayb aateen.
“Anagu wixii aanu qabanay waa laa shukra calal waajib haddii aanu waxqabanay waxaanu u qabanay waa qaranka Somaliland waxa dambe ee aanu qaban doonana waxaanu u qaban doonaa waa Somaliland,”ayuu yidh Xasan Xiise.
Xasan Xiis waxa uu intaasi ku daray “Tanina way ka sii xag jirtaa oo waxa lagu daryeelayaa caruuro yaryar oo masaakiin ah oodarbijiif ah.Jiil dhan oo lunsan baan doonaynaa inay waxbarashadoodii iyo caafimaadkiiba u soo jeestaan si ay u noqdaan dad dhisan oo mustaqbalka soo socda bulshada kale waxtara.”


“Anagu ka Dahashiil ahaan odhan mayno intaas iyo intaasaanu bixinay oo wax yaabahaasi oo kale waa nalagaga fiican yahay laakiin inaanu dhismaha xaruntani iyo qalabaynteedaba door weyn ku yeelanay aad baanu ugu
faraxsanahay,”ayuu yidhi madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkada Dahabshiil.
Xasan Xiis waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan taageerada xaruntan waxaanu yidhi “Arrintani sharaf weyn bay noo tahay waana mid aanaan intaa ku joojin doonin hadduu eebe yidhaa diyaarna waxaanu u nahay inaanu sidii hore oo kale uga qayb qaadano wixii dambe ee nalooga baahdo waayo haddaba wali waxa ka muuqata dayacaad badan.”
“Haddii nalagu yidhaado side baad ka yeeli doontaan mustaqbalka dambe ee dhismaha xaruntaasi talladeeda ayaanu ka yeelan doonaa haddana si rasmiya waxaanu hortiina ugu wareejinaynaa dhisimihii aanu maal
galinay ee xaruntaasi cidii soo abaabushay oo ah ururka SOWREC iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ” ayuu hadalkiisii ku soo khatimay Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Dahabshiil.
Cabdiwahaab Maax oo ku hadlayey magaca Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom oo halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay qiimaha uu dhismaha xaruntaasi ugu fadhiyo bulshada reer Somaliland iyo gaar ahaan ubadka ku dayacan dariiqyada iyo kaalintii ay Shirkadoodu Telesom ku lahayd dhismahaasi.

“Somaliduna waxay tidhaadaa goor gaaban hadalkeedna gaaban laakiin anagu ka Telesom ahaan sharaf weyn bay noo tahay inaanu idin kala soo qaybgalo furitaanka Xarunta caruurta darbijiifka ah. annagu dhismaha xaruntan waxaanu ka qaadanay qayb weyn anaga oo gudanaynay waajibaadka naga saaran arrimaha bulshada,”ayuu yidhi sarkaalkaasi ka socday shirkada Telesom.
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa sheegtay markii ay iyadu shaqada iyo xilka wasaaraddaasi kala wareegtay xukuumaddii ka horeysay inuu jiray aasaaska xaruntaasi balse aanu jirin dhismuhu.
“Markii aan anigu shaqada wasaaraddan la wareegay waxa jiray seeska dhulka oo kaliya
Labadaa hool ee waaweyn ee aad soo aragteen hurdada looga dhigay caruurta darbijiifka ah iyo dayrkaa wayn ee xarunta oo dhan ku wareegsan waxa dhisay Shirkadda Dahabshiil” ayey tidhi Wasiirka shaqaddu.
Marwo Ilhaan waxay sheegtay halka hool ee kale inay dhismihiisa iska kaashadeen Maxamed Aw Siciid, Shirkadda Telesom iyo Dawladda hoose ee Hargeysa iyo qaar ka mida dumarka ku nool magaalada Bermigaham ee dalk UK.
“Hoolkan aan hadda joogno isagu waa guraangur oo waxaa dhismihiisa isugu tagay dad badan oo aanu annagu (wasaarada) ka mid nahay, ”ayey intaa ku dartay.


Wasiirku waxay sheegtay xaruntani inaanay noqon doonin meel ay waligood iska joogi doonaan kooxaha hadda loo diyaariyey inay ku noolaadaan oo tiradoodu dhan tahay inta ay illaa iyo hadda diiwaan galiyeen 300 oo Wiilal iyo Hablo isugu jira balse ay qorshe ahaan
xaruntaasi qaadi karto xiligan 150 caruur ah.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaa ka hadlay waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Shirkadaha gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay daboolaan hadba baahiyaha waaweyn ee aanay xukuumaddu kaligeed wax ka qaban Karin,
“Aad baan ugu mahad celinayaa shirkadaha waaweyn ee hawshan ka qayb qaatay waxaanan ku amaanayaa inay nala garab taagan yihiin waxtarkooda marka aanu kula cararno dhibaatooyinka waaweyn ee dalka kadhaca” ayuu yidhi Saylici,
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u mahad celiyay shirkadaha waaweyn ee kaalinta wax ku oolka ah ka qaatay hirgelinta dhismahan oo uu tilmaamay in loo baahna.


Madaxweyne Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan m ar kale mahad u celinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay dhismaha xaruntani wixii ay bixiyeeni ha yaraado ama ha badnaadee.”
Madaxeyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta la socday  ayaa kusoo wareegeen dhismayaasha xaruntaa oo guri guri ay  u  booqdeen,  isla markaana u bogay  quruxda dhismayaashaa iyo sida loo qalabeeyay oo dareenkooda wax baddan ka bedelay.
Dhismaha xaruntan waxa lagu wareejiyay urur maxali ah oo la yidhaahdo SOWREC iyo Wasaaradda arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada oo wada jir u maamulaya xaruntaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *