Wajaale(ANN) Ururka Somaliland Youth Peer Education Network oo kamid ah ururada Dhallinyarada ee ka hawlgala deegaanka Hargeysa, ayaa bandhig ciyaareed loogu talagaley Wacyigelinta cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka ku qabtey Magaalada Tog-Wajaale oo ku taala Xuduuda dhinaca galbeed
ee u dhexeysa Somaliland iyo Ethiopia, isla markaana ah magaalo ganacsi.
Munaasibadan wajahnayd sidii bulshada Wajaale looga wacyigelin lahaa Cudurka halista ah ee HIV/AIDS, oo ay qabteen Ururka (Somaliland Youth Peer) waxa ka qeybgalay qeybo badan oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Tog-Wajaale, sida Madax-dhaqameedka,Ganacastada,Haweenka iyo dhalinyarada. Waxayna Ururka Somaliland Youth Peer Network, barnaamijkooda Wacyigalinta kusoo bandhigeen ciyaaraha Qalaama -rogadka iyo riwaayado goos goos ah oo ka turjumaya siyaabaha la isaga ilaaliyo Cudurka halista ah ee HIV/AIDS. Sida looga hortegi karo iyo arimo kale la xidhiidha wacyigelinta xanuunkaa.
Agaasimaha Ururka Somaliland Youth Peer Education Maxamed Mahad Dhamac oo ayaa sheegay inay Tog-Wajaale kamid tahay Magaalo irideedyada ay dalka Somaliland kasoo galaan dadyow badan oo ay suurtagal tahay inay qabaan Xanuunkaa taas oo ay lagama maarmaan tahay in laga wacyi galiyo bulshada deegaanadaa ku dhaqan guuda ahaanba, iyaguna ay xooga saarayaan wacyigalinta dhalinyarada iyo da’ayartu inay ka feejignaadaan halista cudurkaa.
Waxaanu xusay in loo baahanyahay inay had iyo jeer barnaamijyadan Wacyi galinta ahi ku lamaanaadaan waxyaabo ay dadku ku dhageysan karaan oo xiisa galiya, sida ciyaarahan qalamaa-rogadka ee ay kooxihii ururkaa ka mid kusoo bandhigeen Wajaale.
Guud ahaanba kasoo qeyb galayaashii Barnaamijka Ururka Wacyigalinta xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS (Somaliland Youth Peer Education HIV/AIDS,), waxa soo jiitay ciyaarta qalaamaa-rogadka ah ee ay soo bandhigeen dhalinyaradii wadey wacyigelinta, taas oo xiiisa gelisay dadwenaha ku nool Magaalada Tog-Wajaale.
Ururka (Somaliland Youth Peer) waxay sheegeen inay barnaamijkan oo kale hore ugu qabteen Xaafado iyo Dugsiyo ku yaala magaalada Hargaysa, gaar ahaan Xaafada State house iyo dugsiga sare ee magaaladda Hargaysa ee Maxamuud Axmed Ali.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com